Templates by BIGtheme NET

Diyaarado Duqeeyay Degaanka Kuunya-Barrow Ee Gobolka Sh/Hoose

Kuunya-Barrow–KNN– Wararka ka imaanaya Degaanka Kuunya-barrow ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya ayaa sheegaya in Maanta ay ka dhacday Duqeyn Diyaaradeed,waxaana Duqeynta lala Beegsaday Saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaankaas.

Duqeynta ayaa la sheegay in ay Fuliyeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo Taageero ka helaya Ciidamada Mareykanka sida ay noo Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Degaanka Kuunya-barrow oo Hoostaga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ay Maamulaan Al-shabaab ayaa waxaa Dhowr Jeer lagu beegsaday Saraakiil Sare Sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Hayeeshee weli lama oga inta ay gaarsiisan tahay Khasaaraha ka dhashay Duqeynta,Balse Wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in Dhimasho iyo Dhaawac ay ka soo gaartay Xubno Sare Sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*