Templates by BIGtheme NET

Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu Dilay Gudaha Wadanka Itoobiya

17 nin oo ganasatadii jaadka keeni jiray iyo kuwa adhiga Itoobiya kasoo iibsada ayaa lagu dilay magaalada Hawadaay ee jaadka laga keeno.

Qoomiyada Orromada ayaa dadkaasi ugu gashey istoodhada lagu kaydiyo jaadka oo ay ku dileen dadkaasi. Waxaa Idaacadda Kulmiye loo sheegay in dadkaasi Rasaas iyo Majooyin loo adeegsaday dilkooda.

waxaa dadkaasi loo dilay aargoosi ku saleysan taageerada Soomaalida Itoobiya degan ay ku taageeraan in dawlada Federaalka Itoobiya in lala dagaalamo dadkaasi maaddaama Qoomiyada Oromadu kacdoono ka wadaan dalkaasi.

Ganacsatada Jaadka oo qaarkood ka baxsaday magaalada Hawadaay ayaa ku jira xeryo ciidamada Milateriga Itoobiya ku leeyihiin magaalada Herer, qaarkoodna waxaa ay soo galeen magaalada Wajaale ee Xuduudka.

Hargeysa maanta Jaad ma iman sidoo kale dadkii Oromada ahaa ayaan joogin suuqyada oo ay markii hore ka dawarsan jireen.

About admin