Templates by BIGtheme NET

War Deg Deg ah:- Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Goor Dhow Furmay

Muqdisho–KNN– Waxaa Goor Dhow ka Furmay Xarunta ay ku shiraan Xildhibaanada Golaha Shacabka Kulankii Xildhibaanada ee ay Maanta uga Doodayaan Go’aankii Xukumadda Soomaaliya ay Dowladda Itoobiya ugu Wareejisay Sargaal ka tirsan ONLF oo lagu Magacaabo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Kulanka Maanta ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,waxaana soo Xaadiray Maanta 178 Xildhibaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta Go’aan ka gaari doona Go’aankii Xukumadda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan galisay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan Saraakiisha Sare ee Jamhadda ONLF.

About admin