Templates by BIGtheme NET

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta ka Doodi doona Go’aankii Qalbi-dhagax

Muqdisho–KNN– Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in ay Fadhi yeeshaan islamarkaana ay ka doodi doonaan Go,aankii Xukumadda Soomaaliya ay Dowladda Itoobiya ugu Wareejisay C/kariin Sheekh Muusa Qalbi-dhagax oo ahaa Sargaal ka tirsan Jamhadda Hubeysan ee Itoobiya ka Dagaalanta ee loo yaqaano ONLF.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu Wargeliyay in Maanta ay soo Xaadiraan si Golahu uu uga doodo Go’aanka Xukumadda Soomaaliya ay gaartay ee ku saabsan Arrinta Qalbi-dhagax.

Sabtidii la soo dhaafay ayaa Fadhigii Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya waxaa uu u baaqday Kooram la’aan,iyadoo Xildhibaanada qaar ay sheegeen in Xukumadda ay ka dambeysan Talaabadaas.

Maanta ayaa la sugayaa waxa ka soo bixi doona Go’aanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo uu horyaallo Kiiska Xukumadda Soomaaliya ay Itoobiya ugu Wareejisay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

About Marwaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*