Templates by BIGtheme NET

Soomaaliland oo shaqadii ka joojisay Garsoorayaal ka tirsan Maamulkaas.

Hargeysa-KNN-Wararka naga Soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Guddiga cadaaladda Somaliland oo booqasho ku tagay gobolada Somaliland kadib ay cabasho u soo gudbiyeen  dadwaynaha ku nool deegaanada maamulkaas.

Intaas kadib gudiga cadaalada Soomaalliland ayaa  waxay shaqadii cadaaladda ka eriday saddex garsoore iyo hal xeer ilaaliye,Waxaana la sheegay in qaarkood ay ka mid a haayeen kuwo  ku milmay ololaha xisbiyada iyo doorashada Soomaaliland.

Sidoo kale  guddiga cadaaladda ayaa  is  baddal ku samayay afar xeer ilaaliye iyo laba garsoore,kuwaas oo ay guddiga ku sheegtay in cabashooyin laga muujiyay.

Hayeeshee guddiga cadaaladda Somaliland ayaa waxaa ay digniin  culus ay u jeediyeen hal garsoore iyo hal xeer ilaaliye,maadaama la sheegay inay qeyb ka noqdeen ololaha doorashada soomaaliland.

Ma jiraan ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay garsoorayaashii shaqada laga eryaya.

Waa markii ugu horeysay oo gudiga cadaalada soomaaliland ay shaqada ka eryaan Garsoorayaal iyo xerilaaliyaal iyagu lagu eedeeyay inay ku milmeen ololaha doorashada maamulka soomaaliland.

Bisha soo socoto  ayaa lagu wadaa  in deegaanad Soomaaliland ay ka dhacaan doorashada Madaxtinimada ee Maaamulka Soomaaliland,iyadoona Haatan degaanada Maamulkaas laga dareemayo diyaar garow ku aadan  Doorashada.

 

 

About admin