Templates by BIGtheme NET

War Deg Deg ah:- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Goor dhow iscasilay

Muqdisho–KNN– Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa Goor Dhow ku dhawaaqay inuu iska Casilay Xilka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya,waxaana uu isku hor casilay Kulankii Golaha Wasiiradda Soomaaliya ee Galabta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa si lamid ah Kulanka Golaha Wasiiradda isku hor casilay Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Axmed Jimcaale Cirfiid,waxaana lagu badalay Gen Cabdi Jaamac Warsame Gorad oo noqday Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga Dalka.

Illaa hadda lama oga Sababta Rasmiga ah ee ka dambeysa Iscasilaadda Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga iyo waxa ku soo beegay Xilligaan.

Wixii ku soo kordha Dib kala soco Insha Allah

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*