Templates by BIGtheme NET

(Dhageyso) Cumar Cabdi Rashiid oo Ku taliyay in siyaasada meel la iska dhigo oo lala Dagaalamo Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali  Sharmaake oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxaa markii ugu horeysay ka hadlay Qaraxii dadka shacabka ahaa ee lagu laayay,kaasi oo ka dhacay isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa tacsi tiiraanyo leh uu u diray dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii isgooska Zoobe,intaasi kadib ayuu shacabka ugu Baaqay Cumar Cabdi Rashiid in Hal meel loogu soo wada jeesto Dagaalka lagula jiro Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa Sharmaake  uu Sheegay in Al-Shabaab ay Cadaawad u qabaan Shacabka Soomaliyeed,isagoona Xusay in muhiim ay tahay inay si wadajir ah ay u wada shaqeeyaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Dowlada,si buu yiri loogu hortago Al-Shabaab.

Cumar Cabdi rashiid ayaa waxaa ku taliyay In Xiligan laga Fogaado siyaasada,islamarkaana hal meel loogu soo wada jeesto ciribtirka Dagaalamayaasha Al-Shabaab

Halkan ka Codka Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaake:

Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaake     

About admin