Templates by BIGtheme NET

Mareykanka”40 Daacish iyo Shabaab ah ayaan ku dilnay Soomaaliya”

Waaxda Gaashaandhigga Mareeykanka ayaa  sheegtay in ciidamadoodu howlagalo isxig-xigay oo ay Soomaaliya ka fuliyeen ay ku dileen 40 Dagaalame oo ka Tirsan Al-shabaab iyo Daacish, Howlagaladaas oo soo Bilowday Isbuucii lasoo dhaafay.

Militaryga Mareeykanku Shan weerar oo Duqaymo ah ayuu  ku qaaday Meelaha ay Soomaaliya ka joogaan Al-shabaab iyo Daacish, waxuuna ku dilay 36 Dagaalame  oo ka tirsan Al-shabaab iyo Afar ka tirsan Daacish, sidaas waxaa Warbaahinta u sheegay Afhayeenka pantigon ka Mareeykanka Colonel Rob Manning.

“Iyagoo kaashanaya Dowladda faderalka ah ee Soomaliya, ciidamasdda Mareeykanku waxay Soomaaliya ka Fuliyeen Shan Weerar oo ka dhan ah Al-shabaab ISIS, laga soo bilaabo 9 kii illaa 12 kii Bishaan, waxaan Meesha ka saarnay 40 Argagixiso ah” ayuu yiri Manning.

Afhayeenka Gaashaandhigga Mareeykanka ayaa Hadalkiisa ku daray in Weeraradaan uu Qaaday Taliska Mareeykanka ee Qaaradda Africa, waxayna Daba Socdeen Weerardii Qasaaraha Badan Sabay ee kadhacay Muqdisho Bishii lasoo dhaafay.

Mareeykanku wuxuu weeraradiisa kordhiyay Markii Bilowgii sanadkaan  Madaxweeyne Trump uu ogolaaday in la kordhiyo weeraddda Soomaaliya laga fuliyo ee ka dhanka ah Al-shabab iyo daacish..

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*