Templates by BIGtheme NET

Shir looga hadlayo Ammaanka Gobollada Dalka oo Maanta ka Furmay Kismaayo

Kismaayo–KNN–Magaaladda Kismaayo waxaa ka furmay shir ay isugu yimaadeen wasaaradaha Amniga ee dowlada goboleeyada Dalka iyo saraakiisha ciidamada Amisom ee ka howlgala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

Shirka  waxaa kaqeyb galay Wasiiru Dowlayaasha Wasaaradaha Amniga Dowlad goboleedyada Dalka,Guddoomiye kuxigeenka amniga gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee Wasaradda amniga gudaha dalka,saraakiil booliska ah,QM UN-ka iyo AMISOM ayaa ka furmay magaalada kismaayo.

Shirkaan waxaa looga hadli doonaa arrimaha amniga dalka tayeynta Ciidanka booliiska,wada shaqeynta hay’aha amniga dowlad gboleedyada dalka iyo kuwa qaranka.

Wasiiru Dowlayaasha Wasaaradaha amniga Dowlad goboleedyada Dalka ayaa shirkaan ku tilmaamay mid lagu xoojinayo amniga, wada shaqeynta Dowladda Federaalka  iyo Maamul goboleedyada.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*