Templates by BIGtheme NET

Shir u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada oo Maanta ka furmay Muqdisho

Muqdisho–KNN– Shir u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya iyo Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho,waxaana ka qeyb galay Madax ka tirsan Bankiga Adduunka.

Shirka ayaa looga hadlayaa sidii Ganacsatada Soomaaliyeed ay u bixin lahaayeen Canshuurta si loo hormariyo Dalka islamarkaana loogu sameeyo Dib u dhis.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shirkaan ku dhawaaqay in la qaban doono si Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda ay uga wada hadlaan Arrimaha Canshuuraha iyo sidii Ganacsatada ay Canshuurta u bixin laheyd.

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda ayaa ka qeyb geli doona Shirka u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*