Templates by BIGtheme NET

In ka badan 25 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay wadanka ciraaq.

Ugu yaraan 23 qof ayaa lagu dilay iyo lixdan kale oo la dhaawacay baabuur miidaame ah oo qarax bam lagu weeraray Ciraaq, ayay sheegeen ilaha amaanku.

Qaraxu wuxuu kala jeexay suuq buuq ah oo khudrada oo ku yaal badhtamaha Tuz Khurmatu oo 160 Km woqooyiga Baqdaad.

Iluhu waxay yidhaahdeen tirada dadka dhintay ayaa u ekayd in ay kor u kacdo sababta oo ah dad badan oo la dhaawacay oo xaalad adag ku jira.

Kooxina may odhan in ay iyadu ka dambaysay weerarka laakiin wuxuu sitay calaamadihii weeraradii qaraxyadii hore ee kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Raysal wasaaraha Ciraaq Xaydar Al-Cabaadi ayaa yidhi Salaasadii gelinkii dambe in uu qarka u saarnaa ku dhawaaqida kama dambaysta ah ee guusha milatarigu ka gaadhay kooxda jihaadiyiinta ah ee Suniga ah, ka dib markii ciidamada dawlada taabacsani dib u qabsadeen magaaladii u dambaysay ee ku hoos jirtay kaantaroolkeeda todobaadkii hore.

Laakiin wuxu ka digay khilaaf siyaasadeed oo ogolaan doona in IS sii wado qaadida weerarada

Xigasho:BBC

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*