Templates by BIGtheme NET

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta kulan la qaadanaya Madaxweynaha Cusub iyo Murashaxiintii laga Guuleestay.

Hargeysa-KNN-Axmed Maxamed Siilaanyo Madaxweynaha Talada ka sii dagaya ee Soomaaliland ayaa lagu wadaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha Cusub ee Xilka kala wareegaya Muuse Biixi Cabdi iyo Murashaxiintii laga Guuleestay ee Soomaaliland.

Siilaanyo ayaa Madaxweynaha Cusub Xilka kala Wareegaya Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaasha Xisbiyada Soomaaliland ee C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro iyo Faysal Cali Waraabe kala hadlaya doorasahdii dhacday 13-kii Bishaan iyo hadalo Xanaf leh oo ay wada isku mariyeen mudadii uu socday Olalaha Madaxtinimada ee Soomaaliland.

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu heshiisiinayo Madaxweynaha Cusub iyo Murashaxiintii uu ka Guuleestay oo mudadii ay socotay doorashada iyo Olalahaba hawada isku mariyay hadalo Xanaf leh, waxaana sidoo kale laga wada hadlayaa sidii ay wada shaqeyn lahaayeen Madaxda Soomaaliland iyo Kuwa Xisbiyada.

Doorashadii ka dhacday Soomaaliland 13-kii Bishaan ayaa muran badan ka dib waxaa ku Guuleestay Muuse Biixi Cabdi oo u tartamayay Xisbiga Talada haayo ee Kulmiye waxaana taageeray Madaxda Xisbiyada Soomaaliland.

Muuse Biixi Cabdi ayaa laga sugayaa in uu wax ka qabto caqabado badan oo hor yaala Soomaaliland oo ay ka mid tahay shaqo la’aan daashatay Dhalinyarada, joojinta Tahriibka oo aad ugu badan Soomaaliland, wax ka qabashada Cabashada ka taagan dekadda Ber-Bara, Xal u helidda deegaanada ay ku Muransan yihiin Puntland iyo Soomaaliland iyo Arimo kale oo ay ugu weyntahay wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*