Templates by BIGtheme NET

DHAGEYSO:-Wararkii ugu danbeeyay dagaalkii Maanta ka dhacay G/Sool.

Garowe-KNN-Wararka ka imaanya Deegaanka God Qaboobe ayaa sheegaya in uu istaagay dagaalkii saakay ka dhacay Deegaankaasi.

Dagaalka ka dhacay deegaanka God qaboobe ayaa Waxa uu ku bilowday weerar gaadma ahaa oo lagu qaaday ciidamada puntland waxaana weerarka soo qaaday ciidamada soomaaliland, waxaana lasheegay in qasaare xoogleh ay gaarsiiyeen ciidamada puntland ee weerarka gaad mada ah lagu qaaday.

Wararka  KNN ay ka heleyso deegaankaas God Qaboobe ayaa tilmaamaya in hadda uu istaagay dagaalka laakiin ay socoto abaabul ciidan oo xoogleh oo ay wadaan labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay,Cabdifataax Cali Cawil oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Gobalka Sool ayaa KNN ugu waramay dagaalkaasi.

Halkaan ka Dhageyso Codka Cabdifataax Cali Cawil oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Gobalka Sool

 

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*