Templates by BIGtheme NET

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo maanta gaaray Cadaado.

Cadaado-KNN-Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in magaalada cadaado ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Galmudug ay maanta gaareen wafdi balaaran oo ka socda gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa tilmaantay in Guddiga oo ka duulaya Go,aankii madaxda Qaranka ee ahaa in Dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah ay xoogga saari doonaan hir galinta Go,aanka Madaxda..

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday safaro kala duwan oo ay ku tagayaan Gobolada Dalka gaar ahaan deegaada Dowlad Goboleedyada waxaa ayna gaareen Maamulada Jubbaland,Koonfur galbeed iyo Hirshabeele iyagoona maanta ay booqanayaan Deegaanada maamulka Galmudug,waxaana sidoo kale ay tilmaameen in ay dhawaan gaari doonaan Deegaanada Maamulka Putland.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*