Templates by BIGtheme NET

Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeeyay Saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Jubada Hoose.

Afmadow-KNN-Diyaaradaha dagaalka ee Militariga Kenya ayaa saakay waxay Duqeymo ka fuliyeen Saldhig Al-shabaab ku leeyihiin deegaanka Diif ee gobolka Jubbada Hoose.

Duqeynta ayaa dhacday Saakay xilli Al-shabaab Ay dhaq-dhaqaaq ka wadeen Deegaanka Diif iyo deegaano u dhaw waxaana Al-shabaab lala beegsaday Duqeyn dhanka cirka ah.

Ilo ku dhaw, halka ay duqeymaha ka dhaceen ayaa Idaacadda kulmiye Waxaa ay u sheegeyn In Duqeynta khasaaro  dhimasho iyo dhaawacba leh ka dhasheen loona geystay rag ka tirsan Al-shabaab.

Deegaanka Diif ee gobolka Jubada hoose ayaa shalay Waxaa mar ciidamada dowlada kala wareegay Al-shabaab waxaana duqeyntani daba joogtaa dagaalka shabaab ee shalay.

 

 

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*