Templates by BIGtheme NET

Q.M Oo Dalbaatay in wax loo qabto Caruur laga bur-buriyay Guryahoodii M/Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Hayadaha Qaramada midoobay uqaabilsan caruurta ee Unicef iyo Save the Children ayaa warbixin waxaa ey kasoo saareen dad kusoo barakacay duleedka muqdisho  oo dhawaan laga saaray xeryahoodii oo ku yaalay degmada Kaxda ee Gobolkan Benaadir.

Warbixintan wadajirka ah ayaa Labada hayadood waxa ey ku sheegeen in kumanaan qaxootiya markale dib looga  barakiciyay guryahoodii iyaga oona walaac xoogan ka muujiyay xaaladda dadkaas.

In kabadan 4kun oo qoys ayaa la sheegay in ey meesha ka baxday agabyadii nolosha iyo deegaankii ey daganayeen.

Dadkan ayaan la sheegay in ey daganaayeen deegaanka KM13 lana barakciyay 29-30 bishii December ee sanadkii hore ee 2017kii, iyaga oo ubadnaa haween iyo caruur la daalaa dhacayay adeegyada yari ka taagan xaryaha barakaca ee gudaha dalka ka jira.

Iyada oo deegaanka ey ku noolaayeen ku  dhawaad 3kun oo caruur ah jirtana da’ada waxbarashada  kuwaa oo tira badan oo kamid ah ey waxbarasho ku heesteen xeryahooda ayaa waxa dhacday in la burburiyay guud ahaan deegaankii, ugu yaraanna 4iskuul oo xeradan ku yalla ayaa la burburiyay taa o keentay in caruurta ey dugsigii seegaan.

Hayadahan ayaa walaac ka muujiyay in caruurtaa ey dib uhelaan tacliintii iyo inkale waxa eyna ugu danbeeyn soo jeediyaan in loo baahanyahay in caruurtan iyo qoysaskooda laga caawiyo sidii ey uheli lahaayeen adeegga caafimaadka iyo nafaqeynta, biyo nadiif ah, nadaafad iyo Waxbarasho.

Dadkan oo kasoo barakacay intooda badan gobolada koofureed ee dalka xilligii ey socotay abaartii Sima ayaa dagay dhul banaan oo si gaar ah loo leeyahay, taa oo markii danbe keentay in dadkii dhulka lahaa ey dalbadaan in dhulkooda looga saaro dadka barakaca ah.

Balse dadkan markii laga saaray halkii ey daganaayeen waxaa dib udajin usameeyay maamulka gobolka Banaadir.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*