Templates by BIGtheme NET

War deg deg ah -: Taliye ku xigeenkii Ciidanka Badda oo lagu dhax dilay Gudaha Dekadda Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Taliye ku xigeynkii Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa goor-dhaw lagu dhax dilay Dekadda magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa dekadda Muqdisho ku dhexdilay Taliyhiisa oo lagu magacaabayay Saciid Mariino sidoo kalane ahaa taliye ku xigeynka Ciidanka Badda Soomaaliya.9

Taliyaha la dilay ayaa sarkaalka dilay waxaa uu ahaa ku xigeenkiisa waxaana uu dilka ka dhacay xafiis ay ku dhex leeyihiin Dekadda Magaalada Muqdisho.

Taliyaha la dilay iyo sarkaalka ayaa waxaa ay ku murmeen lacagaha canshuurta ah ee laga qaado Dekadda Muqdisho,iyada oo murankooda uu sababay in ku xigeenka Taliyaha uu rasaas la dhoco taliyaha sidaasna ku dhinto.

Ciidanka amaanka Dekadda Muqdisho ayaa xiray taliye ku xigeenka dilka u geystay Taliyihiisa,waxaana uu hadda ku jiraa Xabsiga Muqdisho.

Marxuumka dhintay ayaa sidoo kale madax ka ahaa qaybta Canshuurta ee dekadda Muqdisho.

About admin