Templates by BIGtheme NET

Dowlada Soomaaliya Oo Shaacisay In Hey’adaha Qaramada Midoobey La Iskugu Yeerayo Shir Looga Hadlayo Maalgashiga Somalia.

Muqdisho-KNN=Wasiirka qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah ee xukuumadda soomaliya Ambassador Jamaal Maxamed xasan oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan dalka ay ku qaban doonaan shir looga hadlayo maalgashiga soomaliya.

Shirkaasi ayuu ku micneeyay in liskugu yeeri doono hay,adaha qaramada midoobay iyo maalgashayaasha caalamiga ah kuwasi oo laga doonayo in gudaha soomaliya ay ka fuliyaan mashaariic hormarineed iyo inay kasameystaan maalgashi.

Wasiir Jamaal ayaa tibaaxay in soomaliya ay ku dihantahay qeyraad oo uu alle ku maneystay kuwaasi oo ubaahan in laga faa,ideysto islamarkaana shacabka soomaliyeed ay kaga baxaan shaqa la,aanta daashatay.

 

Ambasadoor Jamaal Maxamed xasan ayaa dhanka kale waxa uu sheegay mar hadii maalgashi lagu sameeyo soomaliya ay meesha kabaxeyso in kaalmo caalami ay kasugto dowladhaa deeqahaa bixiya maadaama markaasi uu soo galayo qarashaad badan islamarkaana ay isku filnaansiinkarto.

 

Hadalka wasiirka wasaarada qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah ee xukuumadda soomaliya ambasadoor Jamaal Maxamed xasan ayaa yimid kagadaal markii Dowladda soomaliya ayaa dhowr jeer ee hore waxa ay ka dalbatay maalgashayaasha caalamiga ah in soomaliya ay eegaan islaamarkaana ay kusameystaan maalgashi caalami ah maadaama qeyraad uu dhex ceegaago.

 

 

About admin