Templates by BIGtheme NET

Galmudug oo Sheegtay inay xalin doonto odayaasha Dhaqanka ee cadaado.

Muqdisho-KNN-Madaxweyne ku xigeenka maamulka galmudug Maxamed xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta  ayaa waaxa uu sheegay in  la xali doono odayasha  dagmada cadado  oo ka biya diidan In loo wareejiyo magalada dhuusa mareeb ee caasimada mamulka galmudug taasi  oo  laga wareejinayo magalada cadaado caasimada mamulka galmudug oo hada si ku meel gaar ahaan uu ugu shaqeeyo,iyagoona sheegay madaxeynaha  in uu baal mariyay dastuurka maamulkaasi.

Odyaaasha Dhaqanka ee ku sugan Cadaado ayaa waxaa ay ka biiyo diideen in madaxweynaha galmudug uu dib ugu soo laabto magaalada Cadaado,isagoona sheegay in odayaasha ay ka soo horjeedaan dhibaatooyin ay sheegeen in lagala kacay odayaasha dhaqanka.

Hadii uu dhaqan galo heshiiska mamulka galmudug  iyo ahlusana ayaa waxaa la filaya in loo wareejiyo casimada mamulka galmudug dhuusa mareeb taa oo qeeb ka aheyd heshiiska labada dhinac.

About admin