Templates by BIGtheme NET

Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo Sheegay inay Dileen Dagaalame Ajnabi ah oo ka tirsan Shabaab.

Muqdisho-KNN-General Maxamed Axmed Macalin (Koronto) oo ah Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27 oo la hadlay laanta Afka Soomaliga ee VOA ayaa waxaa uu Sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay Dagaal culus ay kula jiraan Dagaalamayaasha Al-Shabaab,islamarkaana waxaa uu Tilmamay inay gobalka Shabeelaha Dhexe ay ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

General Koronto ayaa sheegay Howlgal maalmo kahor ka dhacay degaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe in Ciidanka xoogga dalka ay ku dileen nin Ajnabi ahaa oo ka tirsanaa Shabaab, kaasi oo uu sheegay inuu ka soo jeedo wadanka Comoros.

Wuxuu sheegay xogta ah ninkan inuu u dhashay wadanka Comoros in ay ka heleen xog hoose oo ay siiyeen dad raggan ku degaan ahaa, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Howlgaladan ay yihiin kuwo sii socon doona

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowka Africa ee nabad ilaalinta u jooga gudaha dalka ayaa kordhiyay howlgallada lagu baaqsanaya Alshabab kuwas oo ay ka sameynayeen Gobalada Shabeelooyinka jubbooyinka iyo bay iyo Bakool waxaana howlgaladaasi lagu dilay Xubo ka tirsdanaa Alshabab halka kuwa kalana nolosha ay ku qabteen.

 

About admin