Templates by BIGtheme NET

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Gaaray Hobyo Safarkiisana Ku soo Gaba gabeen doono.

Hobyo-KNN-Madaxweynaha Dowlada fedalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaamiyana oo ay ka midyihiin, Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Madaxa Xukumada galmudug iyo Xubna kale ayaa gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Shacab badan oo kala yimid deegaanada Hoos yimaada Hobyo ayaa ku ku soo dhaweeyay garoonka Magaalada Hobyo ayadoona si heer sara ah loo soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.

Wafdi Xildhibaano iyo Senetaro isugu jira ayaa gaaray maalin kahor Magaalada Hobyo si ay halkaasi ugu sii diyaariyaan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa, Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganyahay Maagalada Hobyo ayaa waxaa kulamo la qaadan doonaa Mas`uuliyiin Gobolka , Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna sidoo kala dhagax dhigi doonaa Dakada Magaalada Hobyo.

Safarka Madaxweynaha uu maanta ku tagay Magaalada Hobyo, ayaa lagu waddaa in uu kusoo gabagabeeyo Safarkii maalmihii lasoo dhaafay uu ku marayay degaanada Galmudug

About admin