Templates by BIGtheme NET

Ciidamada Dowladda oo shabaab ka saaray Sablaale ee G/Sh.Hoose

Sablaale-KNN-Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Kuwa Midowga Afrika EE  AMISOM oo maanta ka ruqaansaday degmadda Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa  gaaray degmada Sablaale, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Kooxda laga itaalka roonaaday ee Alshabaab.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Mudane Ibraahim Aadan Najax oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in degmadda Sablaale gacanta ay ku hayaan Ciidanka xoogga dalka, isagoo xusay in Xaaladda degmadda ay tahay mid degan, uuna socdo Baaritaano amaanka lagu xaqiijinayo, waxaana uu shacabka ugu baaqay in Ciidammada Ammaanka ay la shaqeeyaan.

Guddoomiye Najax, ayaa sheegay in Ciidanka Huwanta ah ay ku dhowyihiin deegaano kale oo Degmadda Sablaale ay deris yihiin, islamarkaan Saldhigyo ay ku leeyihiin Nabad diidka Alshabaab.

Xigasho Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*