Templates by BIGtheme NET

Author Archives: admin

DHAGEYSO:-Barnaamijka Galab Wanagsan {5:05PM}{22-02-2018}

Muqdisho:-KNN:-Akhristeyaasheena ku Xiran Bogga Radiokulmiye.net,waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa barnaamijka:-Galab Wanag san ee Maalin kasta ka baxa KNN waxaana halkaan ka soo jeediya:-Cabdiwili Abuukar Cabdullahi iyo Xafso Khaliif  Cumar ;-

Farsamadii:- Maxamed Dalal Maxamuud

Halkaan  Ka Dhageyso Barnaamijka Galab Wanagsan:-

Dhageyso:-Xubinta Kalamaan ee ka baxay Radio Kulmiye{22-02-2018}

Muqdisho–KNN:–Akhristeyaasheena ku Xiran Bogga Radiokulmiye.net,waxaan maanta halkaan idinkugu soo gudbineynaa Xubinta Kalamaan oo ah Xubinta Xiiso leh

Halkaan Ka Dhageyso Xubinta kalamaan:-

DHAGEYSO:-Barnaamijka Kulanka KNN{3:00PM}{22-02-2018}

Muqdisho–KNN:–Dhageysteyaasheena ku xiran Bogeenna Radiokulmiye.com waxaan idiin soo gudbineynaa Barnaamijka Kulanka KNN oo ah Barnaamij Xiiso leh oo aad dhageysataan galab walba,marka laga reebo Galabta Jimcada ah,waxaana Maanta soo jeedinaya:–Saciid Warsame Sabriye {Qarfaan}:-

Farsamadii :-Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkaan Ka Dhageyso Barnaamijka Oo Dhameystiran:-

Reysulwasaare Xigeenka Turkiga oo Magaalada Muqdisho Soo Gaaray.

Muqdisho-KNN=Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya  soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo oo maalhan la hadalhayay imaanshiyahiisa.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro, Xildhibaano, Safiirka Turkiga Soomaaliya, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale oo dowlada Soomaaliya ka mid ah.

Soo dhoweyn ka dib Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Hakan Jaush Ogolo ayaa booqanaya saldhiga Militari ee Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaalla degaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

waxaa inta uu joogo dalka Reysulwasaare xigeenka Turkiga Lagu wadaa inuu la kulmo madaxda Dowlada Federalka ah oo uu Madaxweyne farmaajo ugu horeyso.

Turkiga ayaa taageera dowlada Soomaaliya waxaana ay dhawaan Muqdisho ka hirgaliyeen Saldhig Militari oo aad uweyn iyadoona Sidoo kale lagu wado in midkale Dhisaaan.

Deg-Deg Wasaarada Amniga Soomaaliya oo Sheegtay In Magaalada Muqdisho Ku Jiraan Gawaari Laga Soo Buuxiyay Qaraxyo.

Muqdisho-KNN= Wasiirka Wasaarada Amniga ee Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay In Magaalada Muqdisho soo Galeen gawaari ay Saaranyhiin Walxaha qarxa.

Hadalkaan ayuu wasiirka Amniga ka sheegay kulanka Golaha wasiirada maanta oo qaamis ah kaas oo uu reysulwasaare xasan Cali Kheyre Shir gudoominayay.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Craxmaan Iidaan yoonis oo warbaahinta uga warbixiyay kulanka Wasiirada aya sheegay in Wasiirka Amniga Maxamed abuukar Ducaale Islow uu sheegay in ay shacabka ka dalbanayaan in ay ka digtoonaadaamn baabuur sida walxaha qarxa oo magaalada ku jira.

Warbixintii maanta ee uu wasiirka amniga siiyay Golaha Wasiirrada ayuu ku sheegay in Gaari Noah ah oo loo ekeyiisay Gaadiidka Sharikadda Sahal ee Air-Portka  Muqdisho ay ku jirto magaalada iyo baabuur kale oo dhamaan lala rabo in lagu Qarxiyo Xarumaha Dowlada Somalia.

Sikastaba Digniintan ka soo baxday golaha wasiirada ayaa imaaneysaa iyadoo maalmo kahor Hey’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA loo magacaabay Taliye cusub .

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in la Musuqmaasuqo Canshuurta Laga Qaado Shacabka Muqdisho.

Muqdisho-KNN=xilli uu maanta warbaahinta la hadlayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng Craxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa waxaa uu sheegay in Canshuurta Laga qaado Ganacsatada Gobolka Banaadir la musuq maasuqo.

Yariisow ayaa tilmaamay in Qasnada Dowlada hoose ee xamar aysan ku dhicin lacagta Canshuurta ah ee laga aruuriyo ganacsatada Magaalada Muqdisho balse Maamulkiisu uu ku dedaalayo in hada wixi ka danbeeya dib u habeeyn lagu sameeyo si loo hormariyo Dhaqaalaha Gobolka sidoo kale na dadka laga qaadayo Canshuurta loo Sameeyo Adeegyada ay u baahanyihiin.

Hadalka Eng Yariisow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa imaanaya iyadoo maalmo uu xernaa Suuqa Weyn ee Bakaaraha Sidoo kale na uu hakad soo galay Shaqada Dekada Muqdisho Khilaaf soo dhexgalay Ganacsatada iyo Wasaarada maaliyada Awgeed kaas oo wali Xal waara loo helin.

Dhageyso:-Casharka Tafsiirka Qur’aanka ee ka baxay Radio Kulmiye{22-02-2018}

Muqdisho–KNN:–Akhristeyaasheena ku Xiran Bogga Radiokulmiye.net,waxaan maanta halkaan idinkugu soo gudbineynaa Casharka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka,waxaana halkaan ka soo jeedinaya Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif Ajar aan la soo koobi karin Alle ha ka siiyee.

Halkaan Ka Dhageyso Casharka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka:-

ku dhawaad 1,500 Maxaabiis ONLF ah oo Xabsiga laga Sii Daayay.

Muqdisho-KNN=Xabsi ku yaala magaalada Jig-Jiga ee ismaamulka soomaalida Ehtopia  ayaa Saacdo kahor laga sii daayay ku dhawaad 1,500 Qof oo ka tirsan Jabhadda Mucaaradka ah ee ONLF ee ka dagaallanka dhulka Soomaali Galbeed.

Mas’uuliyiinta Ismaamulka soomaalida ethopia ayaana warbaahinta u xaqiijiyay una soo bandhigay maxaabiista maanta xabsiyada laga sii daayay.

Sii deeynta maxaabiista ONLF ayaa timid kadib wadahalo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku dhexmaray Ururka ONLF  iyo Dowlada Ethopia kaas oo la tilmaamayo in shuruudaha ay qeyb ka ahayd.

Sidoo kale tirada intaan la eg ee maxaabiista ONLF ah ayaa sla tilmaamay in ay ku timid Xuriyadooda markii madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethopia uu dowlada Ethopia ka dalbaday in la siidaayo xilli waqti hore xabsiyada laga soo daayay mucaaradka Ehtopia ee  Oromia , sidaas Owgeedna uu tilmaamay in Somalida laga sii daayo xabsiga.

Maxaabiistan aadka u badan eek u dhaw 1500  ayaa laga sii daayay Xabsiga Jeel Ogaadeen ee Magaalada Jigjiga Xarunta ay ku shaqeyso dowlad deegaanka Somalida dalka Itoobiya.

ONLF ayaa sheegtay in ay wali jiraan maxaabiis kale oo ku xir xiran xarumo kala gedisan kuwaa oo u baahan in la sii daayo

Wadahadalada dhexmaray Dowlada Ethopia iyo ONLF ayaa wajiga 1aad ee Nairopbi ka dhacay waxaa hada nuuqata in ay ka dhaqan geleen qodobo qaar oo ay sii deynta maxaabiitani kamid tahay , wajiga labaad ee wadahadalada ayaana lagu balansanyahay bisha April ee na soo aadan.

 

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan xabsiga ka siidaysay boqolaal ka mid ah Kooxaha Mucaaradka ah ee Oromadda.

 

Itoobiya ayaa hadda waxaa saaran xaalad deg deg ah, kadib iscasilaadii uu sameeyay Ra’iisul Wasaarihii dalkaasi,waxaana socda qorshe maxaabiista u xir xiran Siyaasadda lagu siideynayo.

 

DHAGEYSO:-WARKA DUHUR EE RADIO KULMIYE(22-02-2018)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii duhur ee ka baxay Radio Kulmiye.

Warka Maanta Waxaa si wadajir ah u aqrinayay:–

Cumar Xabeeb Nuur iyo  Faadumo Abuukar Cabdi:-

Farsamadii:-Maxamed Dalal Maxamuud :-

Halkaan Ka Dhegeyso Warka duhur Ee Radio Kulmiye KNN:-

DHAGEYSO:-Barnaamijka Ciyaaraha (22-02-2018)

Muqdisho-KNN:-Dhegeystayaasha ku xiran Webset-ka Radiokulmiye.net waxaan halkaan idin kugu soo gudbineyna Barnamijka Ciyaaraha waxaana halkana idin ka soo jeedin doono:-Adan Yusuf Axmed {Aqayaar}

Farsamadii:-Iqra Axmed Maxamuud:-

Halkaan Ka Dhageyso Barnamijka Ciyaaraha:-