Templates by BIGtheme NET

Author Archives: admin

Diyarada Ruushka iyo kuwa Suuriya oo Duqeymo ka geeystay Xalab iyo Dimishiq.

Diyaaradaha Dagaal ee dowladaha ruushka iyo Suuriya ayaa Duqaymo waxaa ay ka geeysteen Magaalooyinka xalab iyo Dumishiq, waxaayna dad rayid ah ku dileen Labada goobood.

Kooxaha falaagada ah ayaa isaguna waxaa ahay dhul ka qabsadeen Meel u dhow Mgaaladda Dimishiq iyo Bariga Gobolka Idlib

Waxaa lasoo wariyay in Dad rayid ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen Duqatmaha ay Diyaaraduhu Fuliyeen, Warbaahinta Wadanka Siiriya aya sidoo kale sheegay Guryo la dumiyay.

Mareykanka oo sheegay in Duqeyntii ka dhacday degaanka Mubaarak ay la beegsadeen gaari Shabaab ay ka Soo buxiyeen Waxyaabaha Qarxa.

Muqdisho-KNN-Dowladda Mareeykanka ayaa sheegtay in Ciidamdeeda Qaaradda Africa ay fuliyeen Duqayn ay la beegsadeen gaari ay Al-shabaab wax yaabaha Qarxa kasoo buuxiyeen.

Mareeykanka ayaa sheegay in Weerarka ay ka Fuliyeen Meel 65 KM u jirta Casimadda Muqdisho, Ciidamadda Mareeykanka ayaa weerarkaasi waxay fuliyeen  Talaadadii Saacaadihii hore.

Duqaynta waxaan ku taageereeynay Saaxiibadeen si aan meesha uga saarno Qatarta.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay duqeymo la beegsanayeen Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah gobalada Dalka.

Shirka Iskaashiga Islaamka oo Maanta ka furmaya Turkiga iyo Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya.

Muqdisho-KNN-Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmaya shirka ururka iskaashiga Islaamka ee loo yaqaano (OIC), shirkaasi oo uu ku dhawaaqay 6-dii bishan Madaxweynaha dalka turkiga Erdogen.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ee caaalamka iyaga oo uga hadli doona xaalada magaalada Barakeysan ee Al-Qudus kaasi oo goor hore uu ku shegay madaxweynaha mareykanka Donald trump inay caasimad utahay dalka israa,iil.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Isniintii ka amba baxay Magaaalada Muqdisho ayaa Soomaaliya ku metelaya shirkani.

Shirkan ayaa si gaar ah looga hadlayaa waxyaabaha kasoo kordhay magaalada barakeysan Al-Qudus iyo sidii dalalka Muslimka ah ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayen arrinkani.

Dowladda Soomaaliya, oo 8-dii bishan bayaan ka soo saartay tallaabada Mareykanka uu Magaalada Qudus ee dhulka Falastiiniyiinta ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay go’aanka uu qaatay Madaxweyne Donald Trump, waxayna ugu baaqday in uu ka fiirsado halista uu go’aankani ku yeelan karo mustaqbalka Bariga Dhexe iyo waliba caalamka intiisa kale.

Sidoo kale caalamka muslimiinta ku nool ayaa arinkaani waxa ay ku tilmaameen inuu yahay go,aan uu ku dheehanyahay axmaqnimo iyo waliba kala dhantaalida muslimiinta ku nool caalamka iyadoona dibad baxyo arinkaasi looga soo horjeedane goor hore la qabtay.

 

Maamulka Gobalka Shabeelaha hoose oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Abaanduulaha ciidanka Xoogga.

Muqdisho-KNN-Xilli dhawaan Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Genaraal  C0abdulaahi Cali Caanood uu sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ay la sahqeeyaan Al-shabaab ayaa waxaa eedeeyntaasi iska fogeeyay maamulka gobolkaasi.

Cali Nuur Maxmed gudoomiye ku xigeenka Amniga dhinaca Amniga ee Shabeelaha Hoose  oo la hadlay KNN ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin cid katirsan maamulkooda oo la shaqeysa Al-shabaab basle taas hadii ay jirto oo uu ogyahay Amaan duulaha Ay habooneyd in uu soo sheego kahor inta uusan warbhiinta la wadaagin sida uu hadalka u dhigay.

Mar idaacad kulmiye ay gudoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose ay weeydiisay mar hadii taliskii ciidanka xooga dalka ay eedeeyn u jeediyeen Maamulkooda iyaguna ay iska fogeeyeen sida ay iskula shaqeynayaan ayaa Waxaa uu ku jawaabaabay in Aysan jirin Howlgalo muuqda oo Amaan Duulaha Ciidanka ka sameeyo shabeelaha hoose , xureynta deegaanada shabeelaha Hoose ay shabab kaga suganyihiin ayuuna tilmamay in loo baahanyahay hogaan wanaagsan ooh or kaca ciidanka xooga sida uu sheegay.

DHAGEYSO:-Barnaamijka Xog Wareysi (12-12–2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha ku xiran Website-ka radiokulmiye.com waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijkii caawa ee Xog Wareysi. Barnaamijka oo dhameystiran waxaa halkaan idin kaga soo jeedin doona:-Xuseen Cabdulle Maxamed;-

Farsamada:- Maxamed Dalal Maxamuud;-

Halkaan  Ka dhageyso Barnaamijka Xog Wareysi:-

DHAGEYSO:- Barnaamijka Tala Wadaag Qeybtiisa Caafimaadka {12-12-2017}

Muqdisho-KNN:-Dhegeystayaasha ku xiran Webset-ka radiokulmiye.com waxaan halkaan idin kugu soo gudbineyna Barnamijka Tala Wadag  qeybtiisa Cafimaadka waxaana halkana idin ka soo jeedin doono:-Cabdi Raxmaan Daahir Guutale{Maaliki}

Farsamadii:-Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkaan  Ka dhageyso Barnaamijka qeybtiisa Cafimaadka oo dhameytiran:-

DHAGEYSO:-WARKA HABEEN EE RADIO KULMIYE 8:00PM (12=12=2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xiran Webkeena www.Radiokulmiye.com waxaan idin soo gudbineynaa Warkii Caawa ee Radio Kulmiye waxaa wada aqrinayay:–   Xuseen Cabdulle Maxamed iyo Shuceyb Maxamed Cali ;-

Farsamadii:-Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkan  ka Dhageeso Warka Habeen Ee Radio kulmiye:–

War Deg Deg ah:- Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo ku Dagaalamay Degmada Afgooye

Afgooye–KNN– Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Galabta Gudaha Degmada ay ku wada Dagaalameen Ciidamo ka wada tirsan Dowladda,waxaana Dagaalku uu Sababay Dhimasho iyo Dhaawac intaba.

Dagaalka oo mudo Kooban socday ayaa la sheegay in Qof Shacab ah uu ku dhintay,waxaaana ku dhaawacmay illaa 10 kale oo isugu jira Ciidamadii Dagaalamay iyo Dad rayid ah.

Illaa hadda lama oga waxa uu Salka ku hayo Dagaalka dhexmaray Labada Ciidan,balse waxaa Caawa degen Xaalada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

DHAGEYSO:-Barnaamijka Galab Wanagsan {5:05PM}{12-12-2017}

Muqdisho:-KNN:-Akhristeyaasheena ku Xiran Bogga Radiokulmiye.net,waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa barnaamijka:-Galab Wanag san ee Maalin kasta ka baxa KNN waxaana halkaan ka soo jeediya:-Burhaan Diini Faarax iyo Farxiyo Xuseen Cali:-

Farsamadii:-Daahir C/rissaq Qoslaaye

Halkaan  ka dhageyso Barnaamijka Galab Wanagsan:-

DHAGEYSO:-Barnaamijka Kulanka KNN{3:00PM}{12-12-2017}

Muqdisho–KNN:–Dhageysteyaasheena ku xiran Bogeenna Radiokulmiye.com waxaan idiin soo gudbineynaa Barnaamijka Kulanka KNN oo ah Barnaamij Xiiso leh oo aad dhageysataan galab walba,marka laga reebo Galabta Jimcada ah,waxaana Maanta soo jeedinaya:-Burhan Dini Faarax:-

Farsamadii :- Daahir C/risaaq Qoslaaye

Halkaan ka dhageyso Barnaamijka oo dhameystiran:-