Templates by BIGtheme NET

Author Archives: admin

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka”Sawiro”

Muqdisho–KNN–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah la qaatay qaar kamid ah Ururrada Bulshada Rayidka ah ee dalka.

Kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee Urrurada Bulshada iyo dowladda ayaa xubnaha ka socday Bulshada Rayidka ah waxa ay u soo gudbiyeen Madaxweynaha talooyinkooda ku aaddan dib-u-habaynta garsoorka, dib-u-eegista dastuurka, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowlad dhisidda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay siinayso Bulshada Rayidka ah fursado ay kaga qayb qaataan talada dalka maadama dowladda haatan jirta ay tahay mid ka tarjumaysa rabitaanka Shacabka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Kaalin muhiim ah ayaad ku leedihiin in aad nala wadaagtaan dhaliisha iyo bogaadinta arrimaha noo qabsooma iyo in aad u soo bandhigtaan bulshada caqabad kasta oo ka hor imaanaysa dowladnimada.”

Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madasha ku soo bandhigay warbixin ku saabsan wada shaqaynta xukuumadda iyo Ururrada Rayidka ah, gaar ahaan gurmadkii abaaraha iyo dib-u-hanashadii saxiixa deeqaha caalamiga ah.

Kulankan waxa uu qayb ka yahay kulamo joogta ah oo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada si uu u dhagaysto talooyinkooda.

Maxay yihiin caqabadaha ka dhalan kara duulimaadyada habeenkii ee garoonka Muqdisho?

Markii ugu horeysay muddo ka badan 25 sano, waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ka degtay diyaarad rakaab sidda xili habeen ah, waxayna diyaaradaas ka timid dalka Sucuudiga oo ay ka keentay dad soo gutay waajibaadkii xajka.

Balse uma ahan guul weyn soo hoyatay sida ay u shanqarayso arrinta, waxaa jira caqabado durba muuqanaya in duulimaadyada habeenkii ay si caadi ah u socdaan.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa albaabada loo laabi jiray 5ta galabnimo maalin kasta, Waxaana la sheegay in ay sabab u ahayd “arrimo la xiriira amniga oo ay adkayd in habeenkii la sugo”, iyo sidoo kale garoonka oo aanan lahayn adeegyadii loogu talagalay in habeenkii ay diyaaradaha ka dagi karaan.

Sida uu sheegay wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Maxamed Cabdullaahi Salaad, in garoonka uu habeenkii shaqeeyo ayaa waxa ay ka dhigantahay in uu soo hagaagay amnigii guud ee caasimadda.

“Garoonka amnigiisa AMISOM ayaa gacanta ku haysa, laakiin ciidamo badan oo boolis iyo NISA ah ayaa sidoo kale ku sugan, garoonka iyaga ha maamuleen, balse xili kasta oo aan doono ayaan furnaa” ayuu yiri wasiirka oo BBC-da la hadlay.

Ka sokoow AMISOM, garoonka waxaa la sheegaa in ay degganyihiin ciidamo kale oo shisheeye oo Soomaaliya caawiya, waxayna inta badan garoonka isticmaalaan habeenkii, iyada oo dadka reer Muqdisho ay soo sheegaan in habeen kasta ay arkaan diyaarado militari oo ka duulaya ama ka daganaya eelaboorka.

Markii aan wasiirka hordhignay su’aasha ah waxa ay ka ogyihiin arrintaas ayuu yiri “Waan ognahay inta loo baahanyahay in aan ogaano, si qeyb ahaan ah, dowlaha hay’adaheeda kalana waxa ay ka warhayaan inta kale, aniga duulimaadyada rayidka waxa ku saabsan ayaa i quseeya, waanan ka warhayaa”.

Garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan wuxuu ka mid yahay bartilmaameedyada ugu sareeya dalka ee ay beegsadaan kooxaha hubeysan ee dowladda kasoo horjeeda, wuxuuna had iyo jeer halis ugu jiraa weerar lagu qaado, sababta ugu weyna waxaa lagu sheegay in ay tahay ciidamada AMISOM iyo kuwa kale ee deggan.

Garoonka waxa uu isugu jiraa mid loo isticmaalo labo siyaabood oo kala ah rayid iyo ciidanba, waxaana si joogto ah uga wada dega diyaaradaha shacabka iyo kuwa militariga.

Jeneraal Maxamed Ibraahim Guubir oo ah xeeldheere xagga amniga ah oo BBC la hadlay ayaa sheegay in aysan isku haboonayn diyaaraha militariga iyo kuwa rayidka ah “Aad iyo aad ayay arrintaas u dhib badantahay, garoon militari iyo garoon shibil ah ismaba qaataan adduunka, haddii la heli kari lahaa, lagama wada maamuleen hal meel”.

Garoonka Aadan Cadde waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay halka ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ugu badan gudaha dalka, iyadoo saanadaha iyo ciidamada nabad illaaliyeyeyaasha ee la’isku badalo ay halkaas kawada degaan.

Sidaasi si la mid ah waa garoonka ugu mashquulka badan Soomaaliya ee xagga duulimaadyada rayidka ah. Waxayna ka degaan garoonka xilli maalin ah.

Balse caqabadda jirto ayaa ah in garoonka uu leeyahay hal dhabbo oo aanan sidaas u weyneyn oo ay diyaaradaha ku ordaan, mana la oga sida la’isu waafajin karo diyaaradaha tirada badan ee rayidka ah iyo kuwa militiga.

In hawlo ciidan ay halkaas ka socdaana waxa ay aad u kordhisay halista ku iman karta shacabka isticmaala garoonka oo qaar ka mid ah ay ku waxyeeloobeen weeraro hore oo loo geystay.

Jeneraal Guubir ayaa qaba in la kordhiyo ciidammada hadda ka hawlgala garoonka , wuxuuna yiri “Waa arrin u baahan ciidamo aad u feejigan, aad u tabobaran, garoomada taqasus gaar ah u leh, dhan kastana laga diyaariyo, mar haddii habeen la shaqeynaayo waa in tiradii intii hore ka badataa, diyaaradaha AMISOM iyo kuwa rayidka ah la kala leexiyo, oo kala hago”.

Si uu garoon u shaqeeyo habeenkii waxa uu u baahanyahay tasiilaad badan sida leerarka diyaaradaha lagu hago.

Wasiirka gaadiidka cirka ayaa sheegay in wax kasta oo adeeg ah oo loogu talogalay in habeenkii uu garoonka ku shaqeeyo loo dhamaystiray, wuxuuna intaas ku daray in mustaqbalka uu rajaynayo in dadka ay baabuurtooda garoonka la galaan.

Balse walwalka ugu weyn waxa uu ka taaganyahay dhanka amniga, iyadoo garoonka uu leeyahay taariikh dheer oo ah weeraro isdabojoog ah oo ay ku dhinteen badan.

Weeraradan ayaa waxa ay isugu jireen kuwa ismiidaamin ah, iyo hoobiyeyaal laga soo gamay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho. Balse isbadalo amni oo caasimadda ka dhacay ayaa sare u qaaday rajada.

Illaa iyo hadda ma jiro duulimaad rayid ah oo ka duulay garoonka, marka laga reebo midda keli ah ee ka soo degtay 23-kii bishan.

Garoonka marka laga soo dagayo ayuu amni ahaan ka sahlanyahay marka laga duulayo oo la maro baaritaano aad u badan.

Duulimaadyada ugu badan ee garoonka isticmaala ayaa ah kuwa u duula ama ka yimaado gudaha dalka, halkaas oo garoomada ku yaala aysan lahayn tasiilaad ku filan oo ay habeenkii ku hawlgalaan, sidaasi darteedna muddo dheer ayay qaadan kartaa in garoonka Aadan Cadde uu si buuxda habeenkii u shaqeeyo.

Jeneraal Guubir ayaa qaba in xilli dhow aysan garoonka Aadan Cadde kasoo dagi doonin xili habeen ah diyaarad gobolada ka timid “Ilama ahan in diyaarad gobolada kasoo duushay ay Xamar ku dagi karto sababo badan awgood, xag nabad galyo iyo xag kastaba”

Si kastaba ha ahaatee garoonka Muqdisho oo xirnaa muddo aad u dheer kadib burburkii ayaa tan iyo intii dib loo furay sanadkii 2006-dii wuxuu astaan u ahaa dib usoo laabashada nolosha caadiga ah ee Soomaaliya.

Hadda oo la bilaabay in habeenkii la isticmaalana waxa ay iyaduna ka dhigantahay amniga Soomaaliya uu caadi ku soo noqonaya sida uu qabo Jeneraal Guubir.

Xigasho BBC

Senior Somali General Gunned Down in Mogadishu.

A senior Somali military officer was gunned down in Mogadishu Sunday evening, security sources told VOA’s Somali service.

Gunmen armed with pistols fatally shot General Abdullahi Mohamed Sheikh Qururuh and a bodyguard as the two men were walking home from a mosque in the Somali capital, witnesses said.

The attackers walked past General Qururuh and the bodyguard, then turned and shot them from behind, the sources quoted the witnesses as saying.

Both victims died on the spot.

Qururuh was a senior army officer at Somalia’s command and control headquarters in Mogadishu. He served previously as deputy commander of logistics for the Somali army.

There no immediate claim of responsibility for the assassinations. Al-Shabab militants are believed to be involved in most such attacks on government officials.

One week ago a similar shooting in southern Mogadishu killed a senior Somali intelligence officer and his bodyguard. The attackers in that case were in a vehicle that fired on Mohamud Moallim Hassan Qoley and his bodyguard in the capital’s Dharkaynlay district. Al-Shabab claimed responsibility for those killings.

In a separate incident late Sunday, two government soldiers and a civilian were killed in an Al-Shabab ambush in Somalia’s Puntland region, witnesses said.

Hospital officials in Bosaso confirmed to VOA Somali that they had received the bodies of two soldiers and one woman following the attack in Galgala Highlands, 40 kilometers south of Bosaso, a regional commercial center. Sources said five other soldiers were wounded.

Al-Shabab militants said they carried out the attack, targeting a military vehicle carrying soldiers to the Puntland base in Galgala Highlands.

—-VOA

Hindiya oo dalkeeda ka masaafurineysa Muslimiinta Rohingya

Gudaha Myanmar, ma aha goob laga jecelyahay Dadka qowmiyadda Rohingya, waxaana loo diiday dhalasahada dalkaasi,,sidoo kale dibadda inta badan kuma laha saaxib.

Dowlada Hindiya ayaa hadda sheegtay in dadka Rohingya ee ku nool dalkeeda ay halis ku yihiin amniga qaranka.

Markii ugu horeysay ayaa wasiir ka tirsan dowladda Hindiya ku dhawaaqay in la dhoofin doono oo la rari doono dadka Rohingya ee ku sugan dalk

aasi.

Tirada dadka Rohingya ee Hindiya ku nool ayaa gaarayso ku dhawaad 40,000, oo ay ka mid yihiin 16,000 oo ay Qaramada Midoobey qaxooti ahaan u diiwaangalisay.

Dadka Rohingya, oo tiradooda ay tahay ku dhawaad 1 milyan ayaa waxa ay dowladda Myanmar u aragtaa in ay yihiin dad soo galooti ah oo ka yimid Bangladesh.

Markii ugu horeeysay ee ay yimaadeen Hindiya dadka Rohingya ayaa ahayd sanaddii 1970-kii waxayna imika ku nool yihiin guud ahaan daafaha dalkaasi, qaarkoodna waxay ku jiran xeryo qaxooti.

Ku dhawaaqida dowlada Hindiya ee ah in ay dadka Rohingya halis ku yihiin ammaanka ayaa ku soo beegmaysa xilli 400,000 oo Muslimiinta Rohingya ay ka soo qaxeen gobolka Rakhine.

Dood ku saabsanayd qorshaha ay Hindiya ku doonayso in ay ku rarto dadka Rohingya ayey dowladda ka sheegtay inay hayso warar sirdoon oo muujinaya in qaar ka mid ah qoomiyadaha ay xiriir la leeyihiin kooxo argagixiso.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in “kooxaha qaar ay saldhigyo ku leeyihiin dalka Pakistan”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo u yeertay Safiirada illaa 8 dal “Akhriso”

 Muqdisho–KNN–Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirada Soomaaliya u jooga illaa 8 dal oo dibadda ku yaal, iyadoo lagu amray in muddo 30 cisho gudahood ku soo galaan magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Kusimaha Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu wargeliyay Safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka Jabuuti, Shiinaha, Sudan, Qatar, Kuwait, Abu Dhabi, Uganda iyo Zambia.

Puntland iyo Galmudug oo Heshiis hor dhac ah wada gaaray

Gaalkacyo–KNN–Guddiyada Nabadgelyada Gobolka Mudug ee kasoo kala jeeda Puntland & Galmudug ayaa yeeshay kulan deg deg ah waxayna ka shireen arrimaha  taagan ee nabadgelya darrada ee ka jirta Gobolka.

Guddiyada Nabadgelyada ee labada dhinac ayaa kala ahaa Maamulada heer Gobol, Maamulada heer Degmo iyo Saraakiisha ciidamada isku dhafka ah ee ka hawlgala Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa si weyn loogu lafa guray arimaha nabadgelya xumada ah ee ka jira Deegaanada Miyiga gobolka Mudug iyo sidoo kale xiisadaha colaadeed ee laga dareemayo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Qodobada shirka kasoo baxay ee la isku raacay in wax laga qabto ayaa ka koobnaa afar qodob oo kala ah:-

  1. In la sii wado heshiiskii iyo wadahadalkii nabaddeed ee horey u socday
  2. Guddiyadii Nabadgelyada in lasoo nooleeyo oo ay shaqadoodii sii wadaan
  3. Ciidanka isku dhafka ah inuu shaqeeyo oo shaqadii loo xilsaaray qabtaan
  4. In ka hadalka saxaafadda loo adeegsado wax dadka anfacaya ee aan wax dhib ah laga sheegin

War Deg Deg ah:- Madaxweynaha Galmudug oo Hakiyay Kulan uu yeelan lahaa Baarlamaanka Galmudug

Cadaado–KNN-– Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado Ee Xarunta KMG Galmudug ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu Hakiyay Kulan ay yeelan lahaayeen Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo ka dhici lahaa Xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Kulanka ayaa la sheegay in Xildhibaanada ay doonayeen in ay uga hadlaan Khilaafka u dhexeeya Madaxda Maamulka Galmudug oo ku kala Qeybsamay Go’aankii Madaxweyne Xaaf uu ka qaatay Khilaafka Wadamada Khaliijka.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu amray in Albaabada la isugu dhufto Xarunta Baarlamaanka uu ku shiro,iyadoo uu sheegay in Xarunta Baarlamaanku uu ku shiro Quful lagu dhajiyay.

Waxii ku soo kordha dib kala soco Insha Allah

Madaxweynaha Soomaaliya oo Hambalyo u diray Hogaamiyaha Germany oo markii Afraad la doortay

Muqdisho–KNN– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo War Kooban soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u diray Hogaamiyaha Dalka Jarmalka Angela Merkel oo Markii Afraad oo Xiriir ah ku Guuleysatay Doorashadii ka dhacday Germany.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay inuu Hombalyo u dirayo Angela Merkel  oo ah Hogaamiyaha Germany islamarkaana Germany iyo Dowladda Soomaaliya ay yihiin Saaxiibo Xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo.

Xisbiga Muxaafidka ee ay ka tirsan tahay Angela Merkel  ayaa natiijadii ugu xumayd ka helay doorashada muddo 70 sano ah, laakiin weli wuxuu haystaa aqlabiyadda baarlamaanka.

 

Shir looga hadlayo Mideynta Miisaaniyadda oo Maanta ka furmay Magaalada Garowe

Garowe–KNN– Shir u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda Ee Maamul Gobolleedyada Dalka ayaa Maanta ka Furmay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Shirkaan ayaa looga hadli doonaa inta uu socdo Mideynta Miisaaniyadda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beylle ayaa horay u sheegay in Wasaaraddiisu ay Xooga saari doonto sidii loo mideyn lahaa Canshuuraha Dalka islamarkaana Siyaasad Cad loogu dajin lahaa Mideynta Miisaaniyadda Dalka.

Maamul Gobolleedyada Dalka ka jira ayaa intooda badan u madax Banaan Daqliga ka soo gala Dakadaha iyo Garoomada ay Gacanta ku hayaan.

Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf”Diyaaraddii aan la socday waxaa Xanibay Dowladda Federaalka”

Cadaado–KNN--Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo Maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug ayaa ka hadlay  Safarka uu dib ugu laabtay Magaalada Cadaado.

Madaxweyne Xaaf oo ka soo kicitimay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, ayaa diyaaradii uu saarnaa ay ka dejisay magaalada Hargeysa, waxaana halkaas uu saacado ku ahaa Transit.

Madaxweyne Xaaf oo wariyeyaasha la hadlay markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa ku eedeeyay  dowladda Soomaaliya ay isku dayday inay carqaladeyso diyaaradii ka qaadi laheyd Hargeysa islamarkaana Mudo dhan Shan Saac uu halkaas ku Xarinaa.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Maamulka Galmudug kula jirto Dagaal aan kala Go’laheyn islamarkaana Talaabadaasi ku Micneeyay mid Dowladdu ay ku Cuuryaamineyso Galmudug.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

1984054795186921