Templates by BIGtheme NET

Author Archives: admin

Al-Shabaab oo qof Shacab ah ku Gowracay Gobalka Bakool.

Waajid-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay qof shacab ah ku Gowraceen duleedka degmada Waajid ee gobalka Bakool sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Marxuumka la gowracay oo ahaa ganacsade ayaa la sheegay in lagu arkay meydkiisa deegaan lagu magacaabo caleemow oo qiyaastii 22 KM u jira degmada Waajid ee gobalka Bakool waxaana la sheegay in ay la socdeen Saddex qof oo kale kuwaas oo la sheegay in ay baxsadeen.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa raggaan ku qabtay deegaan lagu magacaabo Caleemow oo 22 KM ujira Degmada Waajid, kuna dhaw degaanka Buurdhuxule oo ka tirsan Bakool.

Marxuumka ay Shabaab Gowraceen ayaa la sheegay in uu raashin u waday Magaalada Ay Al-Shabaab go’doomiyeen ee Waajid, waxaana magaaladaasi ay go’doon ku jirta in ka badan 4 sano.

Dad badan ayaa sidaan oo kale Al-Shabaab u dileen kuwaas oo raashin Ganacsi u waday Waajid iyo magaalooyin kale oo gobalka ka tirsa.

 

Dad ku dhintay Shil gaari oo ka dhacay magaalada Gibilay ee Soomaaliland.

Hargeysa-KNN-Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen Labo Gaadiid oo ah nuuca yar yar oo dad Shacab ah siday sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Caafimaadka ee hargeysa.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira guddoomiyihii magaalada Kala-baydh Shiikh Cabdullaahi Cusmaan ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Gabilay tiro kalena oo mas’uuliyiin ahna way ku dhaawacmeyn.

Shilka ayaa yimid ka dib markii Gaari Xowli ku socday uu ku dhacay Gaariga ay wateen dadkaasi oo ahaa Gaari nuuca raaxadda ah waxa uuna shilka ka dhacay Inta u dhaxeysa Gibilay iyo Kalabaydh oo ah deegaano hoos yimaada Magaalada Hargeysa ee Xarunta maamulka Soomaaliland.

Markab dagaal oo laga leeyahay Dalka Kenya oo ku xirtay Dekadda magaalada Kismaayo.

Kismaayo-KNN-Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Markab ciidamada Kenya ay leeyihiin uu ku xirtay Dekadda Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Kenya ayaa Bilaabay in Hubka iyo Gaadiidka Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ay ka rartaan magaalada Kismaayo,Maadaama Ciidamada Kenya ay  Wadaan Qorsho ay ugu baxayaan Deegaanada uu ka Arimiyo maamulka Jubbaland.

Wararka Ayaa intaas waxaa ay ku darayaan in  Markabka uu ka baxay xalay Kismaayo,islamarkaana  uu ku sii Wajahanyahay  Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya.

Saraakiil Ka Tirsan Jubbaland oo diiday in magaciisa  warbaahinta loo adeegsado ayaa idaacadda kulmiye u sheegay In ciidamada Kenya,ay bilaabeen sidii hubka  iyo gaadiidka ka yaala Deegaanada ka Tirsan Jubooyinka iyo Gedo ay ula bixi lahaayeen.

Ciidamada dowladda Kenya ayaa ku sugan meelo muhiim ah sidda Garoonka iyo sidoo kale Dekedda Magaalada Kismaayo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayay Wadeen ciidamada Kenya dhaqdhaqaaqyo ay kaga baxayaan Saldhigyadda ay ku leeyihiin degaanada maamulka Jubbaland.

Horay Ciidamad Kenya  waxaa ay kaga baxeen Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo,kadib Markii ay weeraro kala kulmeen Dagaalamayaasha ururka Al-Shabaab.

Dhageyso:-Casharka Tafsiirka Qur’aanka ee ka baxay Radio Kulmiye{08-10-2017}

Muqdisho–KNN:–Akhristeyaasheena ku Xiran Bogga Radiokulmiye.net,waxaan maanta halkaan idinkugu soo gudbineynaa Casharka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka,waxaana halkaan ka soo jeedinaya Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif Ajar aan la soo koobi karin Alle ha ka siiyee.

Halkaan ka dhageyso Casharka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka:-

DHAGEYSO:-WARKA DUHUR EE RADIO KULMIYE(08-10-2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii duhur ee ka baxay Radio Kulmiye. Warka Maanta Waxaa si wadajir ah u aqrinayay:-Xuseen Cabdulle Maxamed iyo  Maryama Muxudiin Gacal:

Farsamadii:-Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan  Ka Dhegeyso Warka duhur Ee Radio Kulmiye KNN:–

DHAGEYSO:-Barnaamijka Ciyaaraha (08-10-2017)

Muqdisho-KNN:-Dhegeystayaasha ku xiran Webset-ka Radiokulmiye.net waxaan halkaan idin kugu soo gudbineyna Barnamijka Ciyaaraha waxaana halkana idin ka soo jeedin doono:-Maxamed Shuuriye Nuur:- 

Farsamadii:-Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan Ka dhageyso Barnaamijka Ciyaaraha oo dhameytiran:-

DAAWO-: Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle oo si weyn loogu soo dhaweeyay kismaayo.

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa si weyn magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle oo kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Axmed Ducaale Geelle.

Axmed madoobe ayaa uga hor tagay Garoonka diyaaradaha waxaana wafdiga gaaray kismaayo la socda wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamul gobaleedyada Dalka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doortay Kismaayo ayaa sidoo kale ku sugan Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose kuwaas oo la filayo in kulanka qeyb ka ahaadaan.

 

Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo lagu qarxiyay Duleedka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Qarax xoog leh oo ah miinada Nuuca Dhulka lagu aaso ayaa goor-dhaw lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Midowga Africa ee AMISOM kuwaas oo marayay deegaanka Xaawo Cabdi ee Duleedka magaalada Muqdisho.

Goob jooge ku sugan halka uu qaraxa ka dhacay ayaa Idaacada kulmiye u xaqiijiyay in uu arkay Gaari ay leeyihiin Ciidanka AMISOM oo ku bur buray Qaraxaasi waxaana gaari markii danbe lagu qaaday Gaari kale oo ah nuuciisa lagu sheegay wiish.

Ciidanka AMISOM ayaa qaraxa ka dib furay rasaas badan balse lama soo sheegin Khasaare ka dhashay, Ciidanka ayaa xirtay wadada iyo Nawaaxigeed lamana oga inta uu la egyahay Khasaaraha ka dhashay.

Qaraxyada nuucaan oo kale ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ku soo laab laabtay deegaanada ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

Gudiyada Dastuurka iyo Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo heshiis hor-dhac ah ka gaaray murankii Dastuurka.

Muqdisho-KNN-Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Dastuurka Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Gudiga Madaxa Banaan ee Dastuurka Soomaaliya kuwaas oo cabasho ka qabay wada-shaqeynta Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Islamarkaana murankaasi sababay dib u dhac ku yimid Shirkii maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho.

Shirka oo goor-dhaw soo dhamaaday ayaa la sheegay in la xaliyay Cabashadii ay qabeen Gudiyada maalmaha soo socdana la qaban doono Shirkii lagu balansanaa in uu maanta furmo balse Cabashada Gudiyada dartood u baaqday.

Gudoomiyaha Gudiga Isku dhafka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu xaliyay cabashii ay qabeen wixii maanta ka danbeeyana ay filayaan wada-shaqeyn dhaxmarta Wasaaradda iyo Gudiyada Dastuurka Soomaaliya.

 

 

Safaaradii Soomaali-land ee Dalka Itoobiya oo dab la qabad siiyay.

Hargeysa-KNN-Maamulka Soomaaliland ayaa shaaciyay in la gubay dhimsaha Safaaradii ay ku lahaayeen magaalada Adis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya kadib markii muwaadin la sheegay in uu u dhashay Itoobiya uu dab qabadsiiyay dhismaha.

Safiirka Soomaaliland ugu magacaaban Itoobiya ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray “Waxaa xalay saqdii dhexe dab la qabad siiyay dhismaha Safaarada Jamhuuriyadda Soomaaliland ee magaalada Adis Ababa waxaana loo qabtay qof u dhashay Dalkaan oo la aaminsan yahay in uu ka danbeeyay” sidaas waxaa sheegay Safiirka Soomaaliland ee Dalka Itoobiya.

Ilaa hadda lama cadeyn Khasaaraha ka dhashay dabka balse Soomaaliland ayaa sheegtay in lagu guuleestay daminta Dabkaasi, sidoo kale Lama oga Sababta ka danbeysay in dab la qabadsiiyo Dhismaha Safaaradda.

Mudooyinkii danbe ayaa waxaa taagnaa xiisad u dhaxeysa Maamulada Soomaaliland iyo Ismaamulka Qoymiyadda Oromiya ee Dalka itoobiya waxaana la aaminsan yahay in falkaan ay ka danbeeyaan Shaqsiyaad ka soo jeeda Qoymiyadda Oromiya.