Templates by BIGtheme NET

Author Archives: Marwaan

DHAGEYSO:-WARKA DUHUR EE RADIO KULMIYE(03-10-2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii duhur ee ka baxay Radio Kulmiye. Warka Maanta Waxaa si wadajir ah u aqrinayay:Burhaan Diini Faarax  iyo Farxiyo Xuseen Cali

Farsamadii:- Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkaan  Ka Dhegeyso Warka duhur Ee Radio Kulmiye KNN:–

DHAGEYSO:-Barnaamijka Ciyaaraha (03-10-2017)

Muqdisho-KNN:-Dhegeystayaasha ku xiran Webset-ka Radiokulmiye.net waxaan halkaan idin kugu soo gudbineyna Barnamijka Ciyaaraha waxaana halkana idin ka soo jeedin doono:-Maxamed Shuuriye Nuur:- 

Farsamadii:- Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkaan Ka dhageyso Barnaamijka Ciyaaraha oo dhameytiran:-

DHAGEYSO:-Barnaamijka Ogaal (03-10-2017)

Muqdisho-KNN:-Dhegeystayaasha ku xiran Webset-ka Radiokulmiye.net waxaan halkaan idin kugu soo gudbineyna Barnamijka ogaal waxaana halkana idin ka soo jeedin doono:-Maxamed Axmed Tuuryare 

Farsamadii:- Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkaan Ka dhageyso Barnaamijka ogaal oo dhameytiran:-

Dhageyso:-Barnaamijka Falanqeynta Wararka (03-10-2017)

Muqdisho-KNN:-Dhegeystayaasha ku xiran Webset-ka Radiokulmiye.com waxaan halkaan idin kugu soo gudbineyna Barnamijka Falan qeynta …Waxa halkan ka soo jeedin doona wariye:-Maxamed Qeys Xasan Maxamed

Farsamadii:-Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan  Ka Dhageyso BarnaamijkaFalanqeynta:

DHAGEYSO:-WARKA SUBAX EE RADIO KULMIYE 8:00AM (03-10-2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii saakay ee ka baxay Radio Kulmiye. Warka saakay Waxaa si wadajir ah u aqrinayay ah aqrinayay:-Maxamed Xasan Qeys Maxamed iyo  Faadumo Abuukar Cabdi:-

Farsamadii:-Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan Riix si aad u dhageysato Warka Subax ee KNN:-

Madaxweynaha Soomaaliya oo si Kulul uga hadlay Weerarkii Las Vegas

Muqdisho–KNN– Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu cambaareeyay Weerarkii Shalay ka dhacay Magaalada Las Vegas ee Dalka Mareykanka ee Sababay Dhimashada Dadka ka badan 58 Ruux iyo Dhaawaca 400 oo kale islamarkaana uu geystay Nin ka mida dadka Magaalada Las Vegas oo 64 Sano jir ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa yiri”anoo ku hadlaya Magaceyga iyo Magaca Ummadda Soomaaliyeed waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Qoysaska Dhibaneyaasha ah ee Dhibaatadu ay ka soo gaartay Weerarkii Argagaxiso ee ka dhacay Magaalada Las Vegas Ee Dalka Mareykanka”.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay la wadaagayaan Xanuunka soo gaaray  Qoysaska iyo Saaxiibada ku wax noqday Weerarkii Fulay nimada ahaa ee lagu qaaday dadkii ku sugnaa Hotel ku yaala Magaalada Las Vagas ee dalka Mareykanka”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Weerarka lagu dilay dadka ka badan 50 Qof ku Tilmaamay Fal Sheydaanimo,waxaana uu sheegay in hoos loo dhigi doono Calanka Mareykanka si loo Muujiyo in Dadkii ay waxyeeladu gaartay la garab istaago.

 

Somalia statement of the heinous act of terror in Las Vegas

Mogadishu, 02 October 2017 – On behalf of the Federal Government and the people of Somalia, president Mohamed Abdullahi Farmajo sends his sincere condolences to the families of the victims of the heinous act of terror in Las Vegas today.

The Federal Government and the people of Somalia stand with the families and friends of the victims of the worst shooting incident in the history of the United States. Such acts of terror, like similar ugly and cowardly attacks our people endure cannot be allowed.

We must come together at these trying times, unity is a sure way of defeating hate.

The Federal Government of Somalia stands with the citizens of the United States, and echo the words of President Trump that, “Our bonds cannot be broken by violence”

Our thoughts are with the families and friends of the victims.

END

Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo sheegay in 50 Milyan ay ka heleen Boqortooyada Saciidiga

Muqdisho,  October 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dib u dhiska dalka, gaar ahaan deeqda 50ka Milyan ee dollar oo ay soo gaarsiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa Boqortooyada Sacuudiga oo waqtigan baahida loo qabo noogu deeqday 50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u daneynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.”

Booqashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu dhowaan ku tagey boqortooyada Sacuudiga ayaa aheyd mid lagu sii xoojinayey xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dawladda Federaalka uga go’antahay in deeqdaas loogu isticmaalo kordhinta adeega shacabka Soomaaliyeed. deeqdaan 50ka milyan ah ayaa lagu shubayaa Khasnada Dawladda ay ku leedahay Bankiga Dhexe, waxaana loo isticmaali doonaa si ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Dowladda Federaalku waxay la wadaagi doontaa warbixin hufan oo la xariirta qaabka kharashka loo bixiyey.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteynta bixiinta mushaaraadka ciidanka, raashinkooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh, kaalmadaan waqtigan loogu baahi badan-yahay waa mid ka tarjumeysa sida Boqortooyada Sacuudiga ay uga go’antahay garab-istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxayna sahleysaa in Dawladda Soomaaliya sii labo jibaarto soo celinta amniga iyo nabadeynta dalka.

DHAMAAD

Somaliland”Shaki ayaa nooga jira Saldhigga Milatari Ee Turkigu ka Furay Magaalada Muqdisho”

Hargeysa–KNN–Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Saxafadda Gudaha Somaliland ayaa Markii ugu horeysay ka hadlay Saldhigga Milatari ee Dowladda Turkiga ay ka Hergelisay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa sheegay in Somaliland ay Il-dheer ku hayn doonto Dhaqdhaqaaqyada Saldhiga Milatari Ee Dowladda Turkiga ay ka furtay Muqdisho iyo Sida uu u shaqeyn doono,waxaana uu xusay in Somaliland uu Shaki uga jiro Saldhiggaasi laga furay Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

“Cid walba waa Muhiim in ay Taageerto Meesha ay wax ka heleyso,kama soo horjeedno in Soomaaliya ay Heshiisyo la gasho Wadamada Caalamka si loo gacan siiyo,balse waxaa isweydiin Mudan Saldhiga Milatari ee Turkigu ka furay Muqdisho ma mid Soomaaliya lagu Aslaaxinayo oo Nabad Gelyada Soomaaliya looga shaqeynayaa,mase waa mid Somaliland loogu Aruursanayo Hub iyo Ciidan”ayuu yiri Wasiir Cadami.

Dowladda Turkiga ayaa Saddex Maalin ka hor Magaalada Muqdisho ka Furtay Saldhiggii ugu weynaa oo Turkiga uu ka dhisto meel ka baxsan Wadankooda,waxaana lagu Tababari doonaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

 

Baarlamaanka EU-da oo ka arrinsanaya ka bixitaanka Britain ee Midowgaasi

Xubnaha baarlamaanka Midowga Yurub ayaa maanta gelinka dambe waxa ay magaalada Strasbourg ugu codayn doonaan mooshin liddi ku ah qaabka ay UK u waddo wadaxaajoodka ay uga baxayso Midowga Yurub.

Sidoo kale Madaxweynaha Golaha Yurub, Jean-Claude Juncker, iyo gudoomiyahiisa wadaxaajoodka, Michel Barnier, ayaa xubnaha xog ka siin doona horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray wadahallada.

Mooshinkan horyaal baarlamaanka Midowga Yurub ayaa waxa uu ka kooban yahay liis dheer oo ay ku qoran yihiin dhaleecayn ku aaddan mowqifka Britain ee ku aaddan waxyaabaha ay ka midka yihiin xuquuqda la siinayo muwaadiniinta Midowga Yurub ee ku sii nagaanaya UK, iyo habdhaqanka dowladda ee arrimaha dhaqaalaha, taas oo curyaamisay hannaanka Britain ay uga baxayso Midowga Yurub, sida lagu sheegay qaraar qabya ah.

Mooshinku waxa uu ugu baaqayaa UK in xilligan kala guurka ah ay ku toosnaato shuruucda Midowga Yurub looga baxo.

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa la waydiisan doonaa inay dib u dhigaan go’aankooda ku aaddan in la furo wadahallada dhanka ganacsiga iyo xiriirka mustaqbalka, illaa laga gaaro heshiis weyn.

Afhayeen u hadlay waaxda ka bixitaanka Midowga Yurub ayaa sheegay in la diyaariyay qoraalka mooshinka ka hor inta aanan la soo gebagabayn wareeggii ugu dambeeya ee wadahallada.

Codeynta maanta ayaa waxa ay fursad u tahay inay dajiso xiisadda siyaasadeed, hasayeeshee xal buuxo ma keenayso, sababtoo ah xildhibaanada Midowga Yurub oo kaliya ayaa gaari kara go’aanka ugu dambeeya ee heshiiska Britain ay uga baxayso Midowga Yurub.