Templates by BIGtheme NET

Author Archives: Marwaan

Cabsi soo kala dhex gashay Al-shabaab iyo Ajaanibta la joogta

Warbaahinta Kenya ayaa daabacday in Cabsi Badan ay soo wajahday Dagaalamyaasha Shisheeye ee la safan Al-shabab kadib markii Sadax Muwaadin oo Kenya ay Al-shabaab Qoorta ka Gooyeen kuwaas oo lagu eedeeyay Basaasnimo.

The stander media oo soo xiganaya Sirdoonka Kenya ayaa Qoray in 10 kii Bishaan ay Al-shabaab Magaaladda Jilib ku Gowraceen Muwaadiniinta Kenyan ka ah, Wargeeysku waxaa uu sheegay in Sababta Ragaan loo dilay ay kamid tahay Qilaaf iyo Walaac ka dhexjira Al-shabaab iyo Ajaanibta ka Tirsan.

Xogta laga sooxiganaya Sirdoonka Kenya ayaa sheegeeysa in Hugaanka Al-shabaab uu amray in dilo Ragga Kenyan ka ah oo Magacooda lagu kala sheegay Abdullah Talal Musa, Jared Mukayo Omambia iyo Hashim Othman Selali.

Dhawaan aye ahayd Markii Al-shabaab ay soo bandhigeen Muqaal Muujinaya Muwaadiniin u dhashay Kenya oo ay ku eedeyeen in ay jaajuusaayeen Madaxda Al-shabaab islamarkaan ay Xogtooda u Gudbinayeen Sirdoon Shisheeye.

Wabiga Shabelle oo Fatahaad ka sameeyay Gobolka Shabellaha Dhexe

Sh/dhexe–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Qeybo ka mida Gobolka Hiiraan Ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Fatahaad uu ka sameeyay Wabiga Shabelle ee Mara Gobolladaasi.

Fatahaadda uu sameeyay Webiga ayaa laga dareemay Meelo badan oo ka mida Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Qeybo ka mida Gobolka Hiiraan.

Meelaha sida weyn looga dareemay Fatahaadda Wabiga waxaa ka mida Baxayahow,Muungaay Halgan,Raqayle,Maandheere,Bacaadweyn,Baardheere Kulmis oo ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wabiga Shabelle oo Sanadihii la soo dhaafay Biyo yareeyay ka dib markii la sheegay in Itoobiya ay Biyo Xireen ku sameysay Kanaalada Waa-weyn ee Wabiyada ayaa hadda Fatahaadda uu sameeyay waxaa walaac ka muujiyay Dadka ku nool Jiinka Wabiga ee Degaanada Hirshabelle.

 

 

Trump oo Ballaariyay Amarkii uu Mareykanka uga Mamnuucay Dalal ay Soomaaliya ku Jirto

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ballaariyay amarki uu dalkiisa uga mamnuucay in ay soo galaan muwaadiniinta qaar ka mid ah dalalka Islaamka, isaga oo hadda ka dhigay sideed wadan.

Amarka cusub oo dhaqangali doona 18-ka bisha October ayaa saameyn doona dadka u dhashay dalalka Chad, Iran, Libya, Kuuriyada Waqooyi, Somalia, Syria, Venezuela iyo Yemen.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in dalalkani ay diideen inay Mareykanka la wadaagta xogta ku saabsan argagixisada iyo arrimo kale.

Ku dhawaaqista go,aankan ayaa imanaysa xilli uu dhacayo 90-ki maalmood ee uu madaxweyne Trump u qabtay amarki uu muwaadiniinta lix wadan oo Muslim ah uga mamnuucay in ay Mareykanka kusoo galaan.

Dalalkaasi ayaa kala ahaa Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria iyo Yemen

Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee loo soo gaabiyo (CAIR), ayaa wareegtadan cusub ee Trump ku tilmaamay qeyb ka mid ah adandayaasha foosha xun ee kooxaha ay caddaanka ah ee rumeysan in ay ka sarreeyaan dadka intooda kale.

Angela Merkel oo markii afaraad oo isku xigta ku guuleysatay doorashada Jarmalka

Chancellor Angela Merkel ayaa markii afaraad oo isku xigta ku guuleysatay doorashada madaxtinimada dalkeeda sida ay sheegayaan natiijada doorashada ee la shaaciyay.

Boqolkiiba 32.5% ayaa waxaa helay xisbigeeda isbahaysiga muxaafidka ee CDU/CSU, xisbiga Social Democratic ayaa helay boqolkiiba 20% waxana hogaamiyaasha xisbigan ay sheegeen inay mucaarad noqon doonaan.

Hase yeeshee natiijada ayaa noqotay mid lala yaabo kadib markii xisbiga AfD uu helay codad gaaraya 13.5%.
Iyadoo la hadlaysay taageerayaasheeda ayay Angela Merkel waxa ay sheegtay inay rajaynaysay inay codad intaa ka badan ay hesho.

Doorashada ayaa dalka Jarmalka ka bilaabatay Siddeedii subaxnimo ee saaka iyadoo soo xirantay lixdii maqribnimo xilliga dalka Jarmalka iyadoo dadka u soo baxay codeynta ay inyar ka yaraayeen doorashadii ugu dambeysay ee dhacday afar sano kahor.

Angela Merkel ayaa waxaa dhisi doontaa dowlad isbahaysi taasoo diyaarinteeda ay qaadan karto bilooyin iyadoo xisbiyada kale aan la hubin inay doonayaan inay ka qeybgalaan dowlad wadaag ah.

Merkel ayaa muddo 12 sano ah waxa ay u ololaheeda doorashada ahayd mid ay ku galaysay inay hoos u dhigeyso shaqo la’aanta,kobcinta koriinshaha dhaqaalaha,miisaaniyad dheelitiran iyo xiriirka dibadda in sare loo qaado.

Guushan ay gaartay haweeneydan 63-jirka ah ayaa ka dhigeysa in ay la mid noqotay hogaamiyihii hore Helmut Kohl oo ahaa hogaamiyihii ugu waqtiga dheeraa ee soo maamulayay dalka Jarmalka kadib dagaalkii 2aad ee dunida.

Guddigii loo xilsaaray Kiiska Qalbi-dhagax oo Hogaan doortay

Muqdisho–KNN– Guddigii ka koobnaa 15-ka Xubnood islamarkaana loo xilsaaray in ay ka soo talo bixiyaan Go’aankii Xukumadda Soomaaliya ay Itoobiya ugu Wareejisay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ahaa Sargaal ka tirsan Jabhadda ONLF ee la dagaalanta Itoobiya ayaa doortay Hogaan.

Guddiga ayaa Guddoomiye u doortay Xildhibaan  Cali Xoosho, Guddoomiye ku xigeenna C/risaaq Cumar Maxamed Halka Xildhibaan  Hani Maxamed Aadan loo doortay Xogheyn.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Kulan la qaatay Guddiga ayaa kula Dardaarmay in ay Dar dar geliyaan Hosha u taalla islamarkaana laga doonayo in Howsha loo xilsaaray ay noqoto mid miro dhashay.

Xubnaha ku jira Guddiga ayaa balan qaadeen in ay howsha loo xil saaray ay si wanaagsan usoo qiimeyn doonaan isla markaana warbixin lagu qanco ay kusoo celin doonaan Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

10-ka Bisha October ee soo socota ayaa Guddigaan laga sugayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ay ku soo celiyaan War-bixin dhameystiran oo ay ka soo diyaariyeen Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo Gudaha Soomaaliya Muran badan ka dhaliyay markii Dowladda Itoobiya loo Gacan geliyay.

Al-shabaab oo sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxa ay ku dhinteen Ciidamo ka tirsan Puntland

Galgala–KNN– Wararka ka imaanaya Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Gelinkii dambe ee Shalay Qarax Miino loo dhigay Gaari Nuuca Dagaalka ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland,waxaana Weerarka Qaraxa ka dhashay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo soo gaaray Ciidamada Puntland.

Illaa Labo Askari ayaa la Xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa loo dhigay halka ay Afar kale ku dhaawacmeen.

Ciidamada Qaraxa Miino loo dhigay ayaa ka baxay Degaanka Galgala,waxaana ay ku sii jeedeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Al-shabaab oo sheegtay Mas’uuliyadda Weerarka Qaraxa ah ayaa sheegay in ay dileen illaa Afar Askari islamarkaana ay dhaawaceen 5 kale,waxaana ay intaas ku dareen in Ciidamada la dilay uu ku jiro Sargaal lagu Magacaabo Abshir Dheere oo ka mida Saraakiisha Puntland ee Aagga Galgala.

 

Sargaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo Xalay lagu dilay Degmada Waabari

Muqdisho–KNN–Kooxo hubeysan ayaa Xalay ku dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir Taliye kuxigeenkii hore Saadka ee Ciidamada xoogga dalka Jen. Cabdulle Quruurux, 

Wararka ayaa sheegaya in Jeneraalka la dilay xilli uu ka soo baxay masaajid uu ku dukaday salaadii cishaha.

Kooxaha dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana la sheegay in marxuumka uu u dhintay rasaas qeybaha sare ee jirkiisa looga dhiftay.

Dhinaca kale Weerar bambaano ayaa Xalay lagu qaaday Ciidamo ku sugnaa agagaarka Buundada Koowaad, halkaasoo lagu baaro gaadiidka.

Qaraxa bam ayaa waxaa daba socday rasaas ay rideen ciidankii la weeraray, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro dhaawacyo soo gaaray askar ka tirsan ciidamada.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa todobaadyadii u dambeeyay waday howl gallo lagu xaqiijinayo ammaanka, waxaana habeenadii la soo dhaafay ciidamada howl gallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.

DHAGEYSO:-Barnaamijka Xog Wareysi (24-09–2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha ku xiran Website-ka radiokulmiye.com waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijkii caawa ee Xog Wareysi. Barnaamijka oo dhameystiran waxaa halkaan idin kaga soo jeedin doona:-Xuseen Cabdulle Maxamed

Farsamada:Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan  Ka dhageyso Barnaamijka Xog Wareysi:-

WARKA HABEEN EE RADIO KULMIYE 8:00PM (24=09=2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xiran Webkeena www.Radiokulmiye.com waxaan idin soo gudbineynaa Warkii Caawa ee Radio Kulmiye waxaa wada aqrinayay:-Cali Ibraahim Cabdullahi iyo Farxiyo Xuseen Cali:

Farsamadii:-Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkan ka Dhageeso Warka Habeen Ee Radio kulmiye:–

DHAGEYSO:-Barnaamijka Galab Wanagsan {5:05PM}{24-09-2017}

Muqdisho:-KNN:-Akhristeyaasheena ku Xiran Bogga Radiokulmiye.net,waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa barnaamijka:-Galab Wanag san ee Maalin kasta ka baxa KNN waxaana halkaan ka soo jeediya:-Burhaan Diini Faarax iyo Farxiyo Xuseen Cali;-

Farsamadii:- Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkaan  ka dhageyso Barnaamijka Galab Wanagsan:-