Templates by BIGtheme NET

Author Archives: Marwaan

Puntland oo balan qaaday in ay fulin doonto qodobadii lagu heshiiyo Shirka Gaalkacyo.

Gaalkacyo-KNN-Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar “Camey” Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeyaan Xasiloonida gobolka Mudug isagoo baaq u jeediyay Shacabka Gobalka Mudug.

Waxa uu sheegay in colaadaha ka dhaca gobolka Mudug inta badan ay salka ku hayaan Geel la kala dhacay iyo dilal qorsheysna oo aanooyin qabiil ah xalna laga gaari doono balse waxa  uu codsaday in la fuliyo qodobada Shirka soo baxo si dagaan ay ugu dhalato Mudug.

Madaxweyne Camey ayaa xusay in wixii Geel ah oo laga soo dhaco dhanka Galmudug ee la geeyo dhinaca Puntland in ay soo celin doonaan oo ay Galmudug gacanta ka saari doonaan sidaas oo kale Galmudug laga rabo in ay sameyso.

Gaalkacyo ayaa maalmahaan waxaa ka socda Shir xal loogu raadinayo Guud ahaan Gobalka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo ay ka jiraan Xiisado u dhaxeyso Maleeshiyo ka soo kala jeedo Galmudug iyo Puntland.

Wasaarada beeraha Somalia oo wado Qorsho lagu diiwaan gelinayo Hay’ada NGO-yada ee Howlgala Dalka

Maxamed cali xasan  wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha ee xukuumada soomaaliya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan hey’adaha aan doowliga ahayn,islamarkaana aan ka diiwaan gashneeyn Wasaarada ee ka howlgala  dalka.

Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in ay jirto nidaam daro iyo is dhexyaac hey’ado badan oo aan dowlada u diiwaan gashneeyn oo qabta shaqadii wasaarada beeraha.

Waxaa uuna  carabka ku dhuftay in ay  wax ka qaban doonaan,islamrkaana ay wadaan qorsho lagu diiwaan gelinayo Hay;adaha NGO-yada

Soomaaliya  ayaa waxaa ka howlgala hey’ado badan oo aan dowli ahayn,kuwaas oo inta badan la tilmaamo in aysan soo marin wadadii sharciga ahayd ee lagu diiwaan galin lahaa NGO-yada

Dagaal u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Buur-hakaba.

Buur-hakaba-KNN-Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay degmada Buur-hakaba ee gobalka Baay.

Wararka aan ka heleyno degmada buur-hakaba ayaa soo sheegayo in uu ka dhashay Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.

Wariyaha Idaacadda kulmiye ee gobalka Baay ayaa soo sheegayo in aan la ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalkaasi balse waxaa la sheegaya in ay jirto dhimasho dagaalkaasi ka dhashay.

Buur-hakaba ayaa degmo isku xirta gobalada Baay iyo Shabeelaha Hoose waxaana Al-Shabaab ay dhowr jeereen ay weerareen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay waxana la soo sheegayo xiligaan ay Xaaladdu Tahay mid dagan.

Kenya oo lacag dul dhigtay hogaamiyaal Shabaab ah.

Nairobi-KNN-Dowladda Kenya ayaa Abaal-marin lacageed oo gaareysa Sh16 million oo lacagta kenya ah dul dhigtay hogaamiyaha Al-Shabaab ee Gudaha Kenya Ahmed Iman aka Abu Zinnra iyo Todobo kale oo ka mid ah xubnaha ugu sareeyo Shabaabka Kenya ka dagaalama.

Kenya ayaa sheegtay in abaal-marintaan ay siin doonto qof kasto oo xog ka keena halka uu joogo hogaamiyaha Shabaab ee gudaha kenya kaas oo la aaminsan yahay in uu ku dhumaaleysanayo Wadankaasi.

Hogaamiyaha Al-Shabab ee dalka Kenya oo lagu magacaabo Ahmed Iman aka Abu Zinnra iyo todobada qof ee kala ayaa la rumaysan yahay in ay iskaga baxeen Al-shabaab,ka dib markii uu soo kala dhex galay is fahan-waa taasi oo la sheegay in Al-Shabaab ay amreen in la dilo sida ay qoreen Warbaahinta kenya.

Waxaa la sheegay in ninkaan iyo raga la socda ay hadda qorshanayaan in kooxo iyaga u gaar ah samaystaan isla markaana saldhig ka dhigtaan Keymaha booni ee dalka Kenya halkaasi oo noqotay Xarunta ay Shabaab ka soo Abaabulaan weerarada kenya ka dhaco.

Kenya ayaa hore sidaan oo kale Lacag u dul dhigtay dad ka tirsan Shabaab oo la baadi goobayo inkastoo aysan jirin ilaa cid soo sheegtay kuwii hore,

Dowladda kenya ayaa la daala-dhaceysa amaankeeda waxaana joogto ka noqday weeraro sababay khasaaro badan oo dalka soo gaaray.

DHAGEYSO:-WARKA SUBAX EE RADIO KULMIYE 8:00AM (06-09-2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii saakay ee ka baxay Radio Kulmiye. Warka saakay Waxaa si wadajir ah u aqrinayay ah aqrinayay:-Cali Ibraahim Cabdullahi iyo Cabdiwahaab Xuseen Muxudiin:-

Farsamadii:-Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkaan Riix si aad u dhageysato Warka Subax ee KNN;-

Taliyihii Ciidanka Dalka Lesotho iyo Saraakiil kale oo la socotay oo la dilay.

Muqdisho-KNN-Warbaahinta Caalamka ayaa Baahisay in toogasho lagu dilay Taliyihii Ciidanka Milatariga dalka Lesotho oo ah wadan yar oo ku yaala Koonfurta Hoose ee Qaaradda Afrika waxaana ku wareegsan Dalka Koonfur Afrika.

Dilka ayaa ka dhacay Magaalada Caasimadda u ah dalkaasi ee Maseru Waxaana taliyaha lala dilay labo kale oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee dalkaasi.

Dalkaan yar ee lagu Lesotho ayaa ah wadan ay rabshado ka dhaceen dhowr jeer saddaxdii sano ee la soo dhaafay waxaana rabshadahaasi ay ahaayeen isku dayo Afganbi iyadoo wali ay ka jirto daganaansho la’aan siyaasadeed iyo Cabsi amni.

Sidoo kale Dalkaasi Waxaa ka dhacday saddex doorasho, saddexdii sano ee la soo dhaafay, oo tii ugu dambeysay ay dhacday bishii June mana jirto daganaansho ilaa xiligaan ka dhalatay.

Raysal wasaare Thabane, ayaa haatan madax u ah dowlad isbahaysi ku dhisan waxaana kor ka ilaalinaya Dowladda UK oo hore u soo gumeysatay dalkaan lagu magacaabo Lesotho oo ku yaalo Koonfurta hoose ee qaaradda Africa.

Amaanka Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle oo aad loo adkeeyay.

Jowhar-KNN-Amaanka Guud ahaan Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle sidoo kalane ah Xarunta gobalka Shabeelaha dhexe ayaa aad loo adkeeyay waxaana la geeyay Ciidamo dheeraad ah Kontaroolada laga soo galo iyo kuwa Magaalada looga baxo sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka.

Sidoo kale Gudaha Magaalada ayaa lagu arkayaa Gaadiidka Gaashaaman ee AMISOM kuwaas oo loo keenay in ay sugaan amaanka doorashada Hirshabeelle oo lagu wado in ay dhacdo 12-ka Bishaan sida ku cad Jadwalka doorashada Maamulkaasi.

Ciidamada AMISOM ayaa ku sugan Hoolka doorashada iyo Nawaaxigiisa kuwaas oo la sheegay in ay mas’uul ka yihiim Amaanka doorashada waxaana shalay halkaasi laga wareejiyay dhamaan Ciidankii Soomaalida ee ku sugnaa Hoolka doorashada,

Dhinaca Kale waxaa aad looga Cabsi qabaa in ay dib u dhacdo doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle kadib markii la sheegay in aysan ilaa hadda iska diiwaan gilin Xarunta gudiga doorashada Murashaxiinta Boorarka magaalada ku dhegsaday.

Qabashada aarjida Murashaxiinta ayaa ku eg sida jadwalka ku cad maalinta Sabtida ee Todobaadkaan oo ku beegan 9-ka Bishaan waxaana kadib Bilaaban doono dhageysiga Khudbadaha Murashaxiinta.

Xiiso badan ma leh doorashada Hirshabeelle ee sanadkaan markii loo eego tii ka horeysay ee lagu doortay Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble oo ay Baarlamaanka xilka ka qaadeen.

Murashaxiinta qaar ayaa muujinaya Kalsooni dara ah in aysan lacag gilin karin Hirshabeelle, waxa ayna ka cabsi qabaan in aysan guuleysan doonin Sababtoo ah Murashaxiinta qaar ayaa la sheegay in ay dabada ka riixayaan dad Saameyn ku dhex leh Siyaasadda Hirshabeelle iyo Xubno ka tirsan Dowladda dhexe.

 

Al-Shabaab oo soo bandhigay Sawirrada weerarkii ay ka geesteen deegaanka Golweyn.

Golweyn-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay Baahiyay Sawirrada weerarkii ay mdo lga joogo wax kabadan bil ay ku qaadeen Ciidamada Uganda ee ku sugnaa deegaanka Golweyn ee gobalka Shabeelaha Hoose weerarkaas oo ay ku dhinteen Ciidan badan oo u dhashay Dalka Uganda.

Weerarkii degaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhacay Bishii July ee Sanadkaan Waxaana ay al-shabaab sheegeen in ay ku dileen 39 Askari oo u dhashay dalka Uganda, Dowladda Uganda oo ka hadashayna waxa ay Xaqiijisay in weerarkaas looga dilay 12 ka mid ah Ciidankeeda.

 

Sawirradda ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa waxaa ka muuqday Gawaari ka mid ah kuwa AMISOM.

Rabshado u dhaxeeyo Booliska iyo Dad Shacab ah oo Xalay ka dhacday Hargeysa.

Hargeysa-KNN-Wararka naga soo gaarayo Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Soomaali-land ayaa soo sheegayo in xalay halkaasi laga maqlayay rasaas xoog leh oo u ridayeen Ciidanka Booliska Hargeysa waxaana sidoo kale la maqlayay Buuq iyo dhagxaan ay ridayaan Shacabka Hargeysa.

Isku dhaca shacabka iyo Ciidanka ayaa yimid kadib markii ay Ciidanka Booliska isku dayeen in ay soo qabtaan sida ay KNN u xaqiijiyay Goob Joogyaal Wadaadka lagu magacaabo Shiikh Aadan Sunni, waxaana ka hor tagay oo diidanaa in la xiro shaca ku sugan Hargeysa oo bilaabay in ay Booliska kaga hortagaan Tuuryo iyo banaanbax rabshada wata.

Ilaa hadda lama soo sheegin Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay balse waxaa la sheegay in uu hakad muddo galay isku Socodka gaadiidka iyo Dadka Magaalada Hargeysa oo Xiliyada Habeenkii ah aad u mashquul badan.

Lama oga waxa ay Ciidanka ka damacsanaayeen Wadaadka lagu magacaabo Shiikh Aadan Sunni basle waxaa la sheegay in ay kala baxeen gurigiisa Ciidankaasi rabshadihii dhacay kadib, warar kale ayaa sheegaya in isla xalay ay Ciidanka qabteen Wadaadkaasi.

Shiikh Aadan Sunni ayaa ah wadaad caan ka ah Magaalada Hargeysa, waxaana dhowr jeer la sheegay in uu ka hadlay Arimo la xariira Siyaadda Soomaali-land inkastoo ay jiraan warar kale oo ka imaanaya Hargeysa kuwaas oo sheegay in Shiikha Sabab u ahaa in Ciidanka Soo raadiyaan.

 

La soco wixii ku soo kordha.

Faah Faahin ka soo baxeyso Al-Shabaab rag oo Kenyan ah ku dilay degmada Dhoobley.

Dhoobley-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegay in ay dileen 3 nin oo u dhashay Dalka Kenya kuwaas oo ku sugnaa meel u dhaw Xuduuda oo ah Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Degmada dhoobley ee Gobalka Jubada Hoose.

Ragga dilka geestay oo ka tirsan Shabaab ayaa watay Gaari yar oo Beensal ah waxaana ka soo dagay hal qof oo la sheegay in uu Bastoolad ku hubeesnaa kadibna halkaasi toogasho ka geestay.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in Muwaadiniintaan Kenyan-ka ah ee la dilay ay ahaayeen Engineero Guryaha dhisa, Xiligii la dilay ayaa waxay shaqo dhismo Guri ah ka wadaan Xaafad ka mid ah degmada dhoobley ee Gobalka Hoose.

Al-Shabaab ayaa ku amray in ay Ashahaataan ka hor inta aysan dilin ragaan oo ka koobnaa 4 qof oo mid ka mid ah Yahay Soomaaliya iyo 3 Kenyan-ka ah waxaana la sheegay in ay Ashahaadan waayeen 3-da u dhashay Kenya kadibna halkaasi lagu toogtay,

Kooxda dilka Geysatay ayaa goobtaasi ka baxsaday waxaana kadib Xaafadaasi soo gaaray Ciidamo isugu Jira Soomaali iyo Kenyan Balse kuma guuleysayn in ay soo qabtaan Kooxdii dilka geysatay.