Templates by BIGtheme NET

Author Archives: Marwaan

Kulankii Baarlamaanka Ee Madaxweyne Farmaajo uu ka qeyb galayay oo dib u dhacay

Muqdisho–KNN– Maanta oo Sabti ah waxaa lagu waday in Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ay ku yeeshaan Kulan aan Caadi aheyn,waxaana ka qeyb geli lahaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Qudbad ka horjeedin lahaa Baarlamaanka Labada Gole.

Hayeeshee Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid Kulankii aan Caadiga aheyn ee Maanta loo balansanaa in ay isugu yimaadaan Baarlamaanka Soomaaliya Madaxweyne Farmaajana uu Qudbada ka horjeediyo Labada Gole ee Baarlamaanka.

Sababta uu dib ugu dhacay Kulankii aan Caadiga aheyn ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaan la ogeyn.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Qudbadda uu Baarlamaanka ka horjeedin lahaa waxaa uu uga hadli lahaa Xaaladda Guud ee Dalka gaar ahaan Xaaladda Dagaal ee Dalka uu galay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre ayaa Saxaafadda u sheegay Khamiistii la soo dhaafay in Dalka uu galay Xaalada Dagaal oo Madaxda Dowladda ay horkacayaan.

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Tirada Dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe

Muqdisho–KNN–Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qarixii bahalnimada ahaa ee 14kii Bishan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Isgoyska Soobe Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta ayaa waxaa ay ku shaaciyeen  khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi ka dhashey iyo dad la sheegay in loo qab qabtay falkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane En.C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in dhimashada guud ahaan ay tahay 358 halka dhaawacyaduna ay gaarayaan 228.

‘Tirada guud dhimasho iyo dhaawac waxay noqotay 642 ruux, (dhimashadu waa 358 , 228 waa dhaawac, 56 qof ilaa iyo hadda lama hayo) ayuu yiri Wasiir yariisow

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay  in 122 dhaawac ah loo qaaday dibadda, sida Turkiga, Sudan iyo kenya,

Sidoo kale Wasiirka Amnig Gudha Maxamed Abuukar Ducaale(Islow) aya sheegay in ay jiraan dad loo qab qabtay falkaasi islamarkaana baaritaano ay ku hayaan,dibna ay ka soo sheegidoonaan natiijada rasmiga ah ee ku saabsan qaabka uu falka u dhacay iyo cidda ku lug lahayd.

Mogadishu rocked by twin car bombs

More than 50 people have been killed in a double car bomb attack in the capital of Somalia.Several others have been injured in the blasts in Mogadishu,KNN reports on Saturday.

Busy areas

The first explosion, in the city’s K5 Junction area which is lined with government offices, hotels and restaurants, destroyed several buildings and set dozens of vehicles on fire.

“It was a car bomb. Two civilians were killed,” said police major Siyad Farah, before adding that a suspect had been caught on suspicion of planting explosives.

About two hours later, a second blast shook the Buulahuubey neighborhood not too far from the area of the first explosion. Police said the second blast came from another suicide car bomber who killed only himself  after government troops intercepted him.

Has anyone admitted staging the attacks?

Not yet. There was no immediate claim of responsibility, although the Islamist al-Shabaab group has carried out regular attacks.

The al Qaeda-allied group is waging an insurgency to topple the weak, UN-backed government and its African Union allies and impose its own strick interpretation of Islam.

They frequently launch gun, grenade and bomb attacks in Mogadishu and other regions controlled by the federal government.

In recent years, the militants have lost most territory under their control to African Union peacekeepers and government troops.

 

Dhageyso:- Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka

Muqdisho–KNN– Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo Xalay Qudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Munaasabad lagu Xuska Calanka Soomaaliya oo ka dhacday Magaalada Muqdidsho ayaa ku soo hadal qaaday Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka ka jirta iyo sidii looga gudbi lahaa Daruufaha ku xeeran Dalka.

Xasan Cali Kheyrre oo Qudbada uu jeediyay  u muuqatay mid Jawaab u ah Go’aanadii ka soo baxay Shirka Madaxda Maamul Gobolleedyada ee ku shiray Kismaayo ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin Dhaliilaha lagu duminayo Dowladnimada kuwa laga leeyahay Ujeedooyinka Gaarka ah.

“waa in aan la ogolaan Dhaliil Dalka lagu duminayo, waa in aan la ogolaan Dhaliil Ujeedo gaar ah leh, waa in aan la ogolaan Dhaliil Iftiinka Nolosha Ee Soomaaliya u soo baxay Mugdi gelin karta”ayuu yiri Kheyrre.

Dhanka kale Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegay in haddii Shacabka Soomaaliyeed ay Markii hore ogaayeen in markii Buuq Siyaasadeed dhaco ay Niyad Jabaan Madaxda Dowladda,balse Madaxda hadda idin horjoogta aysan aheyn ku waas.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Ra’iisul Wasare Kheyrre

Xasan Cali     

Qaraxyo Is-xig xiga oo ka dhacay Meel u dhow Taliska guud ee Booliska Suuriya

Saddex qof oo miidaame ah ayaa isku qarxiyey meel u dhaw taliska guud ee booliska Suuriya oo ku yaal magaalo madaxda Dimishiq.

Wakaaladda wararka dawladda ee SANA oo soo xigatay sarkaal ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegtay in uu yidhi “argagixisadu waxay isku dayeen in ay galaan dhismaha taliska guud ee booliska oo ku yaal wadada Khaalid Bin Waliid ee magaalada Dimishiq”, waxaanu intaa ku daray in askar ilaalo ah “ay ka hortageen dadkii miidaamaha ahaa, oo ay markii ba is qarxiyeen intaanay sooba gelin gudaha”.

Sarkaalku waxa kale oo uu sheegay in ay u suurto gashay in ay ku hareereyaan qof kale oo miidame ahaa halka laga galo suuqa Albaalah oo u dhaw isla wadadaa Khaalid Bin Waliid, sidaana uu isku qarxiyey.

Taliyaha booliska gobolka Dimishiq ayaa isna sheegay in weerarkaasi galaaftay ugu yaraan laba qof oo ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen oo qaarkood qabaan dhaawacyo halis ah.

Badhtamaha caasimada Suuriya ayaa si marka loo eego ka badbaaday dagaalka ka socda daafaha kale ee magaalada, walow mararka qaarkood weeraro dhif ahi ka dhacaan.

Bishan horaanteedii ayaa bar kaantarool oo boolisku ku leeyihiin magaalada weerar lagu qaaday ay ku dhinteen 17 qof, waxaana weerarkaa sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Xuska Maalinta Calanka Soomaaliya oo Xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, Xubno katirsan goleyaasha dowladda, guddoomiyaha gobalka banaadir, fanaaniin iyo boqolaal dadweyne ah ayaa Xalay ka qayb galay munasbad lagu soo bandhigayey Golaha Dhalinyaradda qaranka isla markaana lagu  xusaya maalinta Calanka Soomaaliya oo lagu qabtay garoonka kubadda golayga Aadan Xaaji Yabaroow Wiish ee degmada cabdalcasiis ee gobalka banaadir.

Munaasibadda oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Wasaradda dhalinyaradda iyo Cayaaraha xukumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka gobalka banaadir ayaa lagu soo bandhigay halgankii iyo taariikhdii calanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadal ka jeedisay munaasibadda ayaa soo bandhigtey magacyada 9 xubnood oo noqon doona Golaha KMG ah oo dhalinyaradda Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay  Wiil naafo ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kahadlay Munaasibadda ayaa bogaadiyay kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo u duceeyay dhallinyaradii halgalnka u soo martay xorriyadda Soomaaliya

Guuddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan oo qudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa hambalyo u diray umadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah dardaaran iyo bogaadin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Caawa ay tahay habeen aad ugu qiimo badan Shucuubta Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan.

 

Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga xardhantahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954.

Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran.

Imaaraadka Carabta oo Shaki ka dhex dhaliyay Doorashada Somaliland

Hargeysa–KNN– Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa Ee Caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in Muran uu ka dhashay Deeq Gargaar ah oo loo qeybiyay Dadka danta yar ee ku nool Qeybo ka mida Degaanada Maamulka Somaliland islamarkaana ay qeybisay Hay’adda Bisha Case Ee Imaaraadka Carabta iyadoo sii marseesay NGO la yiraado Khadiija oo ka howlgala Somaliland.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliif C/llaahi Axmed ayaa sheegay in la Hakiyay Macawinadii ka dib markii ay soo baxeen Shaki iyo Jahwareer ka dhashay Qeybinta Gargaarka Imaaraadka Carabta uu ugu deeqay Dadka ku dhibaateysan Degaanada Maamulka Somaliland.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Dacwo laga soo gudbiyay NGO-ga lagu Magacaabo Khadiija oo qeybiyay Deeq Macawino ah,haddana Sawirtay Dadkii la siiyay Kaararka ay ku helayaan Raashinka,taas oo keentay inuu yimaado Shaki ah in Doorashada Somaliland ay door weyn ku yeeshaan Imaaraadka Carabta,iyagoo Taageeraya mid kamida Xisbiyada Tartamaya si Mas’uulka ay wataan uu u soo baxo,wuxuuna intaas ku daray Wasiirka in Sababta loo Hakiyay Gargaarka uu yahay in la baaro Cabashada timid haddii ay jirtana wax laga qabto,haddii aysan jirina la fasaxo Qeybinta Gargaarka.

Maalmo ka hor ayey aheyd Markii Diyaarad Sidday Kaararka lagu Codeeyo iyo Foomamka loogu talo galay Doorashada oo ay soo sameeyeen Imaaraadka Carabta la geeyay Magaalada Hargeysa,waxaana Xusid mudan in Doorashada Madaxweynaha Somaliland ay dhici doonto Bisha soo socota Ee November.

M/weyne Farmaajo oo ka hadlay Shirkii Kismaayo kuna baaqay midnimo iyo wada-shaqeyn

Muqdisho–KNN– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Qaramada Midoobay oo askar looga laayay dalka Jamhuuriyada Congo

Howgalka Qaramada Midoobay ee dalka Jamhuuriyada Congo ayaa sheegay in la dilay labo askari oo ciidankooda ka mid ah.

Weerarkan ayaa dhacay ka dib markii la weeraray xero ciidanka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ay leeyihiin.

Xerada la weeraray ayaa ku taalla bariga dalkaasi meel u dhow magaaladda Beni.

Wararku waxaa kaloo ay sheegayaan in dhowr askari oo kale lagu dhaawacay weerarkaasi.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa BBC-da u sheegtay in weerarkan ay gaysteen jabhada loo yaqaano ADF.

Jabhada ADF ayaa ka dagaalanta dalka jaarka la ah Jamhuuriyada Dimoqraadiga Congo ee Uganda.

Haweenaydan Qaramada Midoobay u hadashay ayaa sheegaysa inay sidoo kale jiraan warar sheegaya in jabhadana ADF ay laayeen dad shacab ah oo saarnaa baabuur kolonyo ah maalintii axada ahayd.

Waxaana weerarkaasi la sheegayaa in lagu dilay shacab gaaraya ilaa labaatan qof.

Dhageyso:-Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad Ee Baarlamaanka Galmudug oo sheegay inuu ka badbaaday isku-day Dil

Cadaado–KNN-– Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Aadan Maalin oo Wareysi siiyay KNN asagoo ku sugan Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Galmudug ay u diideen inuu ka baxo Madaxtooyada.

Maxamed Aadan Maalin ayaa Xusay in Gaari uu watay ay Rasaas la dhaceen Ciidamada Madaxtooyada islamarkaana Gaarigiisa ay Lugihii ka banjariyeen,waxaana uu intaas raaciyay in Madaxtooyada Galmudug ay weli Xabsi guri ku yihiin Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo asagoo ah Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Galmudug.

Halkaan  hoose ka dhageyso Codka 

Maalin