Templates by BIGtheme NET

Author Archives: Marwaan

Madaxweynaha Galmudug oo Baarlamaanka hor geynaya Wasiirada Csusub

Cadaado–KNN– Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa in Baarlamaanka Maamulkaasi uu horgeeyo Golaha Wasiiradda Cusub ee uu dhawaan Soo Magacaabay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Madaxweynaha Galmudug Xaaf uu Baarlamaanka hor geyn doono Wasiiarada Cusub islamarkaana uu Baarlamaanka ka horjeedin doono Qudbad ku aadan in ay u Ansixiyaan Wasiiradda.

Xildhibaanada Galmudug ayaa ku kala Aragti duwan Ansixinta Wasiirada Cusub ee Galmudug,iyadoo Wasiirada intooda badan ay yihiin kuwii shaqeyn jiray Xilligii uu Madaxweynaha ahaa Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

 

DHAGEYSO:-WARKA SUBAX EE RADIO KULMIYE 8:00AM (26-08-2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii saakay ee ka baxay Radio Kulmiye. Warka saakay Waxaa si wadajir ah u aqrinayay ah aqrinayay:-Cali Mahad Ibraahim iyo Faadumo Abuukar Cabdi:-

Farsamadii:-Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan Riix si aad u dhageysato Warka Subax ee KNN;-

Mareykanka”Ciidamadeena ayaa qeyb ka ahaa Weerarkii Bariire”

Military-ga Mareeykanka ayaa Xaqiijiyay in ay Taagerayeen Ciidamo Soomaali ah oo Howlagal Argagixiso la Diriri ah ka Fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose Halkas oo lagu  dilay Dad rayid ah oo Sadex ka mid ah ay Caruur yihiin, Ciidamada Mareykanku ayaa  sheegeen in ay baarayaan eedeeymaha ku aadan in Ciidamadoodu ay Qeeyb ka ahaayeen Rayid ka la xasuuqay.

 

Geeridaan Soo korortaya ayaa Su’aal galisay Howlagaladda ciidamadda Mareeykanku ay Soomaaliya ka Fuliyan oo horay u sababay Dimashadda Dad badan oo Rayid ah, Qasaaraha ka dhalanaya Howgaladda Ciidamadda Mareeykanka waxaa ay soo kordheen ka dib markii Madaxweeynaha Mareeykanku uu Meelmariyay in la baariyo Howlagaladda ka dhan ka ah Al-shabaab ee Soomaaliya iyadoo Hoos loo dhigayo Xeerka ilaalinaya Xuquuqda Dad ka Rayid ka ah ee ku nool Goobaha laga Fulinayo Howlagaladda Argagixiso la dirirka Mareeykanku ugu Magac daray.

 

“Waan ka Warqabnaa Waxyeeladda Dad ka Rayid ah kusoo gaartay Duleedka Bariirre, Edeeyn kasta oo ku aadan Waxyeladda shacab ka waxaan u qaadaneeynaa mid dhab ah,  sida caadiga ahna waxaan qiimeeyn kusameeyneynaa Xaaladda si loo ogado Xaqiiqada jirta” ayaa lagu yiri war uu soo saaray military0ga Mareeykanku.

 

Todobaad ka hor ayey ahayd markii howlagal Ciidamadda Mareeykanku ay kasameeyeen Gobolka Jubadda Dhexe ay ku dileen Todobo Ruux oo shaacab ah, oo waqtigii ay duqeentu dheceeysay uu gurigooda ku sugnaa Sargaal ka Tirsan Al-shabaab oo ay Xidid ahaayeen.

 

Dhageyso:-Taliyaha Milatariga Soomaaliya oo sheegay in Shacab lagu laayay Bariire

Bariire–KNN– Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Dadkii lagu laayay Beer ku taalla Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ay ahaayeen Shacab.

Taliayaha ayaa Xusay in Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay Warbaahinta ka sheegeen in Dadkaas ay ahaayeen Al-shabaab,balse uu Cadeynayo in 10 Qof oo Shacab ah lagu dilay Bariire oo saddex kamida ay Carruur yihiin.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga oo dhaneystiran

Cirfiid     

Odayaasha ay ka soo jeedaan dadkii lagu laayay Sh/Hoose oo diiday in la Aaso.

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ay ka soo jeedaan dadkii lagu laayay deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa shir jaraa’id ay ku qabteen Magaalada Muqdisho waxay sheegeen in aan la aasi doonin dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay gobalka Shabeelaha Hoose ilaa ay Dowladda Soomaaliya jawaab cad ay ka bixiso sababta loo dilay shacabkaasi beeralayda ahaa.

Odayaasha ayaa sheegay in ay u baahan yihiin cadeymo muujinayo in dadkaan ay Al-shabaab ay ahaayeen maadaama ay wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya sheegtay in dadka la dilay ay ahaayeen Shabaab.

Mas’uuliyadda dadka lagu laayay Bariire ayay dusha kaga tuureen 80% Dowlada Soomaaliya halka inta kalane ay sheegeen in ay qaadan doonto Dowladda Maraykanka ee Howlgalkaan qeyb ka aheyd.

Dowladda ayaa hadalo kala duwan ka soo saartay dadkii lagu laayay gobalka Shabeelaha Hoose wasiiro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya waxay sheegeen in dadka la dilay ay ahaayeen Al-shabaab halka Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeey Shacabkii la dilay amarna ku bixiyay in la baaro.

 

U.S. forces in Somalia raid; three children reported among dead.

Somali forces supported by U.S. troops shot dead 10 Somalis, including three children, in a village near the capital Mogadishu on Friday, a witness and local officials told Reuters.

The involvement of U.S. troops was confirmed by U.S. Africa Command, which said it was investigating reports of civilian casualties.

The Somali army initially said no civilians were killed and all the dead were members of the al Qaeda-linked al Shabaab militia, which is fighting to overthrow the weak U.N.-backed government and impose strict Islamic law.

It later issued a second statement saying some civilian casualties had been reported.

“We also understand that there are civilian casualties in which the Federal Government is investigating to find out the truth about this. We urge Somali people to cooperate fully with the Government on this matter,” the Somali army said.

The incident is likely to provoke questions in Washington about the growing U.S. footprint in the Horn of Africa nation, which has been torn apart by civil war since 1991. A U.S. Navy Seal was killed in Somalia in May, the first U.S. combat death there since 1993.

The White House has granted the U.S. military broader authority to carry out strikes in Somalia against al Shabaab, in the latest sign President Donald Trump is increasing U.S. military engagement in the region.

But local elders said the keenness to engage left the U.S. open to being unwittingly drawn into clan feuds, stoking tensions between Somalis and the United States.

The village attacked, Bariire in Lower Shabelle, about 50 km (30 miles) from the capital, is at the centre of a feud between two powerful and well-armed clans, lawmaker Dahir Amin Jesow said.

He said those killed were farmers who had armed themselves to defend themselves against the rival group.

FALSE TIP-OFF?

“The two clans who fought misinformed the U.S. forces,” he said, adding that one group may have tipped off security forces that the other side were insurgents.

Witness Warsame Wador told Reuters the dead were farmers who had been asleep when the raid began just before sunrise.

“It was this morning when white and Somali forces entered the farm. All the 10 people were asleep and I ran for my life,” he said. “As I ran away I could see four armoured vehicles parked outside.”

Reuters viewed nine bodies at Madina hospital. An injured man later died, medical staff said. The dead children were eight, nine and 10 years old, said clan elder Abukar Osman Sheikh.

“They were sleeping in their farm when U.S. and Somali forces came into their farm and opened fire. Last year, the U.S. killed my people in Galkayo in a deliberate strike. We shall not bury them. We shall no longer tolerate it,” he said.

A September 2016 air strike in Galkayo killed at least 10 pro-government fighters, the U.S. has acknowledged.

Madina hospital was packed with people who said they were relatives of the dead. Insurgents do not typically accompany their dead to hospitals in the capital, which is controlled by the government.

“These dead bodies were innocent farmers,” Ali Nur, deputy governor of lower Shabelle region, told Reuters.

But the Somali National Army (SNA) issued a statement saying that eight insurgents had been killed in an operation carried out with “international partners”.

“The SNA carried out an operation this morning against a farm in Bariire with known al-Shabaab presence,” the statement quoted General Sheegow, commander of the 20th Brigade, as saying.

“Al Shabaab started shooting at SNA forces after our soldiers entered the farm. The individuals shooting at the SNA were al Shabaab fighters, they were not farmers.”

Credit: Reuters

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay dadkii lagu laayay Shabeelaha Hoose.

Muqdisho-KNN-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa tacsi u direy Eheladda dadkii lagu laayay deegaanka Bariiire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha oo bartiisa soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo dadkii la laayay ayaa sheegay inuu ka tacsiyeynayo dadka lagu laayey weerarkaas ka dhacay subaxnimadii hore ee saakay deegaanka Bariire.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  sheegay inay dowladda Soomaaliya baaritaan dhab ah ku sameyn doonto wixii dhacay iyo qaabka ay u dhaceyn,islamarkaana ay tahay wax aad loogu xumaado in shacab masaakiin lagu xasuuqay goob ay ku sugnaayeen.

Hadalka madaxweynaha ayaa aad uga duwan hadaladii ay jeediyeen Wasiirada Warfaafinta iyo Gaashaandhigag Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Sidoo kale Gudoomiyaha gobalka Shabeelaha Hoose kuwaas oo sheegay in waxa la dilay ay ahaayeen Shabaab.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu la hadlay dadka ay arintaan quseyso isagoo amray in la soo baaro sidii ay wax u dhaceen balse waxa uu sheegay in aad uga xun yahay falkii dhacay ee shacabka lagu xasuuqay.

Dowladda Soomaaliya”Bariire 8 Shabaab ah ayaa ku dilnay” (Akhriso)

Muqdisho-KNN-Shacab Beeralay ah oo la daala dhacayay Nolal maalmeedkooda ayaa saakay aroortii lagu laayay Shabeelaha Hoose kadib Howlgal ay sameeyeen Maraykanka iyo Ciidamada Soomaaliya, maydadka Shacabkii lagu dhameeyay Bariire oo la keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dowlada Soomaaliya waxay ku sheegtay in ay ahaayeen Al-shaab.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa Bartiisa Facebook ku qoray in ay dileen 8 Shabaab ah kadib Howlgal Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ay ka sameeyeen Duleedka Bariire laakiin Xaqiiqda Shacabkii lagu laayay Bariire ayaa ahaa Shacab Bareelay ah oo ay ku jiraan 2 Caruurah.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa yiri -:

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ee hoos yimaada Taliyaha Ciidanka Difaaca Guud Axmed Maxamed Jimcaale(Cirfiid), iyo saaxibadda caalamiga ah ayaa hawlgal amaan xaqiijin ah waxa ay ka bilaabeen maanta oo taariikhda ay ku beegneed 25-kii Augusta meel ku dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose taas oo keentay dhimashada 8-deed ka Tirsan Dagaalyahanada Al-shabaab.

Ciidamada nabadgelyada waxay u baxeen dhirer wayn si looga hortago khasaaraha rayidka ah inta lagu jiray hawlgalka mana jirin qof shacab ah oo lagu dhibaateeyay weerarka ka dhacay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

“Ciidanka XDS waxay saaka aroornimadii ku qaadeen  weerar qorshaysan beer ku taala Bariire oo ay joogeen dagaalyahanada Al-shabaab, Al-Shabaab ayaa bilaabay in ay rasaas kusoo furaan ciidammada XDS ka dib markii askarteena ay galeen beerta. Shaqsiyaadka Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ay toogteen waxa ay ahaayeen  dagaalyahannada Al-Shabaab.

Intaa waxaa dheer, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Cali ayaa yiri, “Beerta Bariire ku taala waxay ahayd xerada dagaalyahanada Al-Shabaab, Shakhsiyaadka lagu dilay weerarka intuu socday waxa ay ahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dhinaca Kale Wasiirka Gaashaan-dhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa wareysi uu siiyay VOA waxa uu ku sheegay in waxa la dilay aysan Aheyn Shacab balse la dilay dad hubeysan oo diiday in ay hubka dhigaan, sidoo kale wasiirka difaaca ayaa sheegay in aysan ku jirin Caruur waxa la laayay waana hadal kale oo aysan ku farxin ehelada Shacabka la laayay.

Hoos ka aqriso Qoraalka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng Yariisow.

DHAGEYSO:BARNAAMIJKA MURTI IYO MAAWEELO EE RADIO KULMIYE (25-08-2017)

Muqdisho–KNN–Waxaan idiin soo gudbineynaa Barnaamijka Murti iyo Maaweelo oo ad habeenka Jimcaha sabtida ay soo galeyso saacadu markii ay tahay 10:30PM ka dhageysataan idaacada Kulmiye. Barnamijkaan waxa Barnaamijka ku jiri doona qodobo muhiim ah hal xiraalaha oo aad u xiiso badan iyo kaalinta Suugaanta. Barnaamijka Murti iyo Maaweelo waxaana soo jeedinaya: Cumar xabeeb Nuur {Tiijar}

Farsamadii:Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan Ka Dhageyso Barnaamijka Murti iyo Maaweelo;-

DAAWO-:Dadkii Maraykanka ku laayay Shabeelaha Hoose oo meydkooda la keenay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Magaalada Muqdisho ayaa galabta la soo gaarsiiyay dadkii uu maraykanka ku xasuuqay duleedka deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose kuwaas oo ahaa Beeralay toogasho toos ah loo geestay.

Meydadkan ayaa saxaafada loogu soo bandhigay Isbitaalka Madiina, waxaana ku jiray labo carruur ahaa, waxaana sidoo kale la soo bandhigay magacyadooda shaqadii ay qaban jireen oo aheyd Beeralay.

Ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyeen Ciidamo Soomaali ah ayaa la sheegay in saaka howl gal ay ku qaadeen dhul beeraley ah oo ku dhow Bariire, halkaasoo dadkan ay ku dileen, wararka qaar ayaa sheegaya in dadkan ay ka soo jeedeen Hal qoys.

Soomaaliya waa dal dadkiisa macno daro Maalin walba ay u dilayaan Dowladaha ay Soomaaliya Ciidamada ka joogaan mana jirto cid talaabo ka qaado Xad gudubyadaasi.

Maraykanka ayaa markii labaad Xasuuq u geysanayo shacab masaakiin ah, dhacdadii tan ka horeysay ayaa ka dhacday Duleedka degmada Jilib ee gobalak Jubada dhexe.

Dowladaha Ethiopia iyo Kenya kuwa kale AMISOM ayaa hore dadka Soomaaliyeed Macno daro xasuuq ugu geysan jiray waxaana hada ku soo biiray Maraykanka oo dil wadareed ka fuliyay meelo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya kama xishooto in ay ku deg degto Sheegashada Xasuuqa Shacabka, Maanta Wasiirka Gaashaan dhigga Soomaaliya waxa uu sheegay in la dilay Dad hubeysan sidaan oo kale Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay 7 Dagaalame Shabaab ah lagu dilay Jilib waana tan ku sii dhiiri gilineyso Dowladaha Shishiiye Xasuuqa Shacabka.

Dowaldda Soomaaliya ayaa Al-Shabaab ku eedeeyso Xasuuqa Shacabka, Balse kama kama jawaabto Xasuuqa AMISOM iyo Maraykanka ka geestaan Soomaaliya.