Somali News

Booliska Dalka Uganda oo faah faahin ka bixiyay qaraxyadii shalay ka dhacay Kampala .

Muqdisho-KNN– Booliska dalka Uganda oo faah faahin ka bixiyay weeraradii shalay lagu qaaday caasimadda Kampla ayaa sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen saddex qof oo is-miidaamiyay, kuwaas oo mid kamid ah uu isku soo xiray boorsada dhabarka oo qaraxa lagu soo rakibay.

Labada qof ee kale ay iyaguna weerarada u isticmaaleen mootooyinka laba lugoodley ah.
Dhinaca dalka Kenya, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka waddanka, ka dib weeraradii khasaaraha dhaliyay ee shalay lagu qaaday magaalada Kampala.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka, Ainebyoona Emmanuel ayaa twitter kusoo qoray in isbitaalka Mulago ee Kampala lagu daweynayo 24 qof, oo afar ka mid ah ay xaaladdoodu daran tahay.

labada qarax ayaa ka dhacay bartamaha degmada ganacsiga ee Kampala, meel ku dhow saldhigga dhexe ee booliiska iyo halka laga galo baarlamanka, sida ay sheegeen booliska.