Templates by BIGtheme NET

Keydka Sawiradda

Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Amniga Dalka”Sawiro”

Muqdisho, 11 November 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayey howlgalka ciidamada ee Shabeelooyinka ka socda iyadoo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen.

Shirkan muhiimka u ah amniga ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madiera, Safiirka Midowga Yurub Veronica Lorenzo, Safiirada UK, US, Uganda, Ethiopia, Italy, China, Kenya iyo Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Mudane Xuseen Carab Ciise iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka furay ayaa khudbad ku aadan horumarka dhanka amniga halkaas ka jeediyey isagoo sheegay in shirkii London ee bishii May, dhammaan howlihii lagu heshiiyey ay Dawladda Federaalka sameysey welina wado qorshaha hubinta ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qiimeyn lagu soo sameynayey bishii hore welina socota. Wasaarada Gaashaandhiga ayaa khubaro iyo Wasiir ku xigeenka u dirtay gobollada dalka oo lagu soo tiro koobayey ciidamada XDS laguna dhiirigelinayey howlgalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay beesha caalamka in Soomaaliya ay diyaar u tahay soo celinta amniga iyo kala danbeynta, ugana mahadceliyey beesha caalamka doorkooda ku aadan xasilinta dalka.

RW Khayre ayaa ka codsaday beesha caalamka inay fursadan hadda jirta ee shacabka uu diyaarka u yahay in lala dagaalo kooxaha argagaxisada ah looga baahanyahay inay waxii kaalmo ah si deg-deg ah ula soo gaaraan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM si loo dar-dargeliyo howlgalada lagu jihaadayo argagaxisada. RW Khayre ayaa u mahadceliyey wadmada ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay kaalin mug leh uga qaataan dagaalada lagula jiro kooxaha argagaxisada ah. RW Khayre ayaa sheegay booqashadii Madaxweynaha ee wadamada deriska ay ay madaxda dalalkaas isku raaceen in la dardargeliyo howlgalada military eek a dhanka ah kooxaha argagaxisada ah.

RW Khayre ayaa ugu danbeyntii sheegay in Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah ay isla meel dhigeen hirgelinta Istraatejiyada Amniga Qaranka oo shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya la isla meel dhigay dhammaan qorsheyaasha amniga dalka kuna heshiiyey in si adag looga wada qeyqaato howlgalka dalka looga sifeynayo kooxaha argagaxisada ah.

Al-shabaab oo soo Bandhigay Sawirada qaabkii ay ula Wareegeen Degaanka Bariire

Bariire–KNN–Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa soo bandhigay Sawiro Muujinaya qaabii ay ula Wareegeen Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose oo Shabaabku ay qabsadeen Bishii Ocotebr Bartamaheedii.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa isaga baxay Bishii hore Magaalada Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose waxaana la Wareegay Al-shabaab.

Banaanbax looga soo horjeedo Al-shabaab oo maanta ka socda Magaalada Muqdisho”Sawiro”

Muqdisho–KNN– Boqolaal Shacab ah oo ka Careysan Xasuuqii loo geystay Dadkii Shacabka ahaa ee lagu laayay Sabtidii la soo dhaafay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta ka socda inta badan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa ku Qeylinayay Erayo ay ka mid yihiin Doooni meyno Al-shabaab,Dooni meyno Dhiiga cabe iyo kuwo la mid ah.

Banaanbaxa Maanta ayaa imaanaya iyadoo Shalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed uu ku dhawaaqay in Shacabka Muqdisho ay isugu soo baxaan Wadooyinka Muqdisho ayna ka dhiidhiyaan Falkii lagu laayay Dadka Rayidka ah ee Zoobe ka dhacay.

 

Daawo Sawirada Banaanbaxa ka socda Magaalada Muqdisho

Daawo Sawirada aaska loo sameeyay Taliyihii Hore ee Ciidamada Xoogga Dalka

Muqdisho–KNN– Maanta waxaa Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya Aas Qaran loogu sameeyay Alle ha u Naxariistee Gen Cusmaan Shiikh Cali Bad-maceeye oo horay u soo noqday Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka Dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Muqdisho:-Taliska Booliska oo Maanta soo bandhigay Hub iyo Raggii lagu qabtay

Muqdisho–KNN– Taliska Booliska Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Gen. Kaahiye ku soo bandhigay Hub iyo Saddex Ruux oo ay sheegeen in Ciidamada Ammaanka ay ku soo qabteen Howlgal ay ka fuliyeen Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Goobta Hubka lagu soo bandhigay waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gen Maalin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Hubka la soo qabtay waxaa ku jira Bastoolado iyo Dharka ay Xirtaan Ciidamada iyo sidoo kale Taarigada Baabuurta,waxaana la sheegay in lagu geysan jiray Falal Ammaan daro.

 

Daawo Sawiro Naxdin leh Qaraxii ka dhacay Galabta Magaalada Muqdisho

Muqdisho–KNN– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,waxaana Qaraxa uu ka dhacay Iridka hore ee Ajabka Shidaalka lagu iibiyo oo dhanka Qorax u dhaca ka xiga Bacadlaha Xamar-weyne.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Dad Shacab ah oo xilligaa qaarkood saarnaa Gaadiidka Dadweynaha,waxaana Sawirada ka muuqanaya Baabuur Caasi ah oo Gubtay islamarkaana Dadkii Saarnaa ay Dhimasho iyo Dhaawac noqdeen.

Inta la og yahay Dadka Shacabkaa ee ku dhintay Qaraxa waxaa ay gaarayaan illaa 10,halka dhaawacu uu ka badan yahay 20 kale.

Goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho ayaa la geeyay Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa Galabta,halka sidoo kale la geeyay Meydad Dhowr ah si Dadkoodii ay u helaan.

Diyaarad 40 sanno ka hor Muqdisho lagu soo afduubtay oo dalkeeda dib loogu celiyay”Sawiro”

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaarada Lufthansa ee laga leeyahay dalka Jarmalka oo Soomaaliya ayadoo afduub ahaan loo wato la keensaday sanadkii 1977 ayaa maanta la geeyay dalka Jarmalka waxaana laga qaaday dalka Brasil oo ay taalay.

Diyaaradaan oo ay koox Afduub ahaan u qabsadeen koox Falastiiniyiin ah ayaa 40 sanno ka hor laga bad baadshay kooxdii afduubatay bishii 18,kii bishii October sanadkii 1977 waxaana hawlgalkii lagu bad baadshay oo ay qeyb weyn ka qaateen ciidamadii gaarka ahaa ee Soomaaliya.

Diyaaradaan oo nooceedu yahay Boeing 737 ayaa markii la qafaalanayay waxay ka duushay magaalo ku taala dalka Spain waxaana ay ku socotay magaalada Frankfurt oo Jarmalka ku taala waxaana kooxdii afduubatay oo Falastiiniyiin ahaa ay lasoo aadeen dhanka Soomaaliya waxaana ay kala soo degeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Diyaaradaan oo ay siday diyaarad kale oo weyn oo Rushka laga leeyahay ayaa shalay la geeyay Jarmalka waxaana loo qaaday madxafka Dornier halkasoo dadku u daawasho tagi doonaan.

Diyaaradaan 40 sanno ka hor ayadoo afduub ahaan loo wato Soomaaliya la keenay waxaana laga qaaday hadda dalka Brasil oo ay safarkeedii ugu dambeeyay ku tagtay kuna baaba’day.

Kooxdii qafaalatay diyaaradaas oo 4 ruux ka koobnaa waxaay ku dhinteen hawlgalkii diyaaradaan lagu furtay ee Muqdisho ka dhacay 40 sanno ka hor waxaana hawlgalkaas lagu bad baadshay 86 ruux oo rakaab ahaa.

Kooxdaas waxay dalbanayeen in lasii daayo dad ururkooda ka tirsanaa oo xirnaa.

Aribert Martin oo ka mid ahaa askar gaar ahaa oo dawladii xilligaas ee Jarmalku Muqdisho usoo dirtay si ay hawlgalkii bad baadada uga qeyb qaataan ayaa sheegay inay maanta u tahay maalin weyn  maadaamo uu arkayo diyaarad uu bad baadshay 40 sanno ka hor.

Diyaaradaan oo kooxdii qafaalatay ay haysteen muddo 5 cisho waxay dileen mid ka mid ah duuliyaashii diyaaradda oo la oran jiray Jürgen Schumann.

Haraadiga diyaaradaan hadda kadib waa loo daawasho tagi doona oo waxay noqon doontaa taariikh isha lagu hayo.

Xigasho Wargayska Daily Mail.

W/Tarjumay Burhaan Diini Faarax.

burhandiini@gmail.com

Madaxweyne Farmaajo oo Guddoomiyey Shir Ku Saabsan Dar-dar Gelinta Hawlaha Dib-u-eegista Dastuurka”Sawiro”

Muqdisho, Sebtember 23, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada ku guddoomiyey shir ku saabsan dar-dar gelinta hawlaha dib u eegista dastuurka.

 

Shirkan waxaa ka soo qayb galay, Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Raiisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Labada Guddi ee dib u eegista dastuurka.

Madaxweynaha waxaa loogu soo bandhigay shirka, warbixinno ku saabsan halka ay maraayaan qorshayaasha dib u eegsita dastuurka, heerka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan, iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka.

 

Raisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliye Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo qorsheyaasha sal-u-dhigista nidaamka Federaalka.

 

Madaxweynuhu ayaa kula dar-daarmay dhammaan masuuliyiintii ka qayb galay shirka in ay ka soo baxaan hawsha adag ee loo xil saaray, isaga oo ka codsaday in muddo 10 maalmood ah ay ugu soo gudbiyaan qorshe howleed dhammaystiran.

“Maanta, haddii aan ka faaiidaysano khibraddeena iyo aqoonteenna waxaan aaminsanahay in aynu ku dhamaystiri karno hawlaha dastuurkeenna si wanaagsan oo sharaf leh, umadduna ku qancaan beesha caalamkuna nagu ixtiraamaan.”

 

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan iyo Guddiga Barlamaanka ee la socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa madaxweynha u muujiyey sida ay uga go’antahay ka shaqaynta iyo dhammaystirka dastuurka.

DHAMMAAD

 

 

 

 

 

Daawo Sawirada Socdaalka M/weyne Waare ee Degmada Buula-barde

Buula-barde–KNN–Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo Maanta tagay Degmada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan ayaa la kulmay Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada AMISOM Qeybta Jabuuti,kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Buula-barde.
Madaxweynaha ayaa dhinacyada uu la kulmay kala hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Go’doominta Al-shabaab ay ku hayaan Magaalada Buula-barde iyo sidii looga qaadi lahaa,waxaana sidoo kale uu Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu tagi doonaa Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan islamarkaana sidoo kale ku jirta Go’doon.