Templates by BIGtheme NET

Keydka Sawiradda

Shirkadda Bancroft”Dadkii lagu dilay Bariire lug kuma lihin”

Shirkadda Bancroft ayaa waxaa ay Beenisay in ay ku lugleedahay Weerarkii Duleedka Bariire ee Gobolka Shabelah Hoose ka dhacay ee 1o Ruux lagu dilay.

 

War ka soo baxay Xafiiska Bancroft ee Soomaaliya ayaa lagu Yiri “ waxaaan Aqrinay Maqaalo iyo Warar ku sababsan Howlagaalo Military oo ay ka dhalatay Geeridda dad shacab ah, oo ay caruur ku jiraan aad ayaana uga Naxnay nafta luntay”

 

Shirkadda Bancroft ayaa sidoo kale sheegtay in aysan ku luglahayn Howlagalkaasi oo ay Been Abuur yihiin Wararka Sheegaya in ay ka Qeeyb qaateen  Howlagalkaasi.

 

Shirkadda waxaa ay shaaca Ka qaaday in ay leedahay Saqaale a AMISOM iyo Danab kala shaqeeya Howlgaladooda. “ Majirin Ciidamao AMISOM ah iyo Shaqaale Bancroft ka tirsan oo Howlagalka kaqeeyb Qaatay” ayaa sidoo kale lagu sheegay Warka ay Soosaartay Shirkadda Latalinta iyo Saanadda ka saacidda AMISOM iyo Danab ee Bancroft.

 

Shirkadda Warka ay soosaartay waxaa ay ku sifeeysay Nuuc ay yihiin Shaqooyinka ay ka Qabato Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay in aysan kaqeeyb qaadan dagaaladda, hase ahaatee ay Tababarka iyo Talooyinka ka Saaciiddo Ciidamadda Military-ga Soomaaliyeed iyo Booliiskaba, Gaar ahaan ilaaalinta Shacabka,  soosaarista Bombooyinka iyo kaalamadda Dawooyinka.

 

Warka Qoraalka ah ee ay Soosaartay Bancroft waxaa ay sidoo kale kuxustay in shirkaddu ay Muddo Sagaal sano dalka ka shaqeeyneeysay, oo ay doowladda kala shaqeeyneeysay sidii Al-shabaab looga Adkaan lahaan shacabkana loo ilaalinlahaa, Muddaasna aaan lagu edeeyn Wax la xiriira Dil dad aan waxaba Galabsan.

 

Beeninta Bancroft ayaa imanaeeysa kadib markii Shalay Dad rayid ah oo 10 Ruux gaaraya lagu dilay Duleedka deegaanka Bariirre ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Qaar kamid ah Eheladda Dadka lalaalay ayaa Bancroft ku eedeeyay in ay ka dambeeysay dilka Dadka TRayid ah loo geeystay.

Baarlamaanka Galmudug oo Ansixiyay Golaha Wasiiradda Cusub ee Maamulaas”Sawiro”

 Cadaado–KNN– Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta Baarlamaanka Maamulkaasi horgeeyay Golaha Wasiiradda Cusub Ee uu dhwaan Magacaabay,waxaana Xildhibaanada ay Ansixiyeen Wasiiradda Cusub.

52 Xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka Galmudug ayaa ogolaaday in ay Ansax yihiin Wasiiradda Cusub Ee Maamulka Galmudug,waxaana diiday sidoo kale Shan Xildhibaan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Baarlamaanka Galmudug uga Mahad Celiyay Talaabada ay ku Ansixiyeen Golaha Wasiiradda Galmudug.

 

Meydadka dadkii ay Ciidamada Mareykanka ku xasuuqeen Bariire oo Muqdisho la keenay”Sawiro”

Muqdisho–KNN–Waxaa Maanta la keenay magaalada Muqdisho Meydadka illaa 10 ruux oo isku qoys ahaa, kuwaasoo saaka waabarigii ay ciidamo Mareykan ah ku dileen agagaarka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Meydadkan ayaa saxaafada loogu soo bandhigay Isbitaalka Madiina, waxaana ku jiray labo carruur ahaa, waxaana la soo bandhigay magacyadooda.

Ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyeen Ciidamo Soomaali ah ayaa la sheegay in saaka howl gal ay ku qaadeen dhul beeraley ah oo ku dhow Bariire, halkaasoo dadkan ay ku dileen, wararka qaar ayaa sheegaya in dadkan ay ka soo jeedeen Hal qoys.

Waa dhacdadii labaad oo dad rayid ah ay ku xasuuqaan Ciidamo Mareykan ah oo howl gal ka fulinaya Koofurta Soomaaliya, waxaana todobaad ka hor ay aheyd markii illaa 7 ruux lagu dilay deegaan u dhow Jilib, halkaasoo diyaarado laga leeyahay Mareykanka ay duqeeyeen.

Shirkad lagu Magacaabo Som Real Estate oo Muqdisho laga furay”Sawiro”

Muqdisho–KNN– Munaasabad lagu Furayay Shirkadda Som Real EState oo qabata Howlo ay ka mid yihiin iibinta Guryaha,Dhulalka,Gaadiidka ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ganacsato,Aqoonyahano iyo sidoo kale Madaxda Shirkada Dalka ka jira Qaarkood.

Maamulaha Shirkadda  Som Real EState Maxamed Cali Gureey oo ka hadlay Munaasabadda Furitaanka Shirkadda ayaa sheegay in Aas-aaska Shirkadda ay keentay Beehi Dalka ka jirta Awgeed islamarkaana ay Adeegyada ay qabanayaan si hufan ay Bulshada ugu qaban doonaan.

 

 

DHAGEYSO:-Barnaamijka Xog Wareysi (17-08–2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha ku xiran Website-ka radiokulmiye.com waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijkii caawa ee Xog Wareysi. Barnaamijka oo dhameystiran waxaa halkaan idin kaga soo jeedin doona:-Xuseen Cabdulle Maxamed

Farsamada:-Shariif Cabdulle Maxamed

Halkaan Hoose  Ka dhageyso Barnaamijka Xog Wareysi:-

Bar xog wareysi 17 08 2017     

DHAGEYSO:-WARKA HABEEN EE RADIO KULMIYE 8:00PM (17=08=2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xiran Webkeena www.Radiokulmiye.com waxaan idin soo gudbineynaa Warkii Caawa ee Radio Kulmiye waxaa wada aqrinayay:- Maxamed Qeysi Xasan Maxamed:-  iyo Cabdiwahab Xuseen Muxudiin

Farsamadii:-Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkan Hoose ka Dhageeso Warka Habeen Ee Radio kulmiye:–

warka habeen 17 08 2017.mp3 web     

DHAGEYSO:-Barnaamijka Kulanka KNN{3:00PM}{17-08-2017}

Muqdisho:-KNN:-Akhristeyaasheena ku Xiran Bogga Radiokulmiye.net,waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa barnaamijka:-Kulanka KNN ee Maalin kasta ka baxa KNN marka laga reebo Jimcaha,waxaana halkaan ka soo jeediya:-Burhaan Diini Faarax:-

Farsamadii:-Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan Hoose ka dhageyso Barnaamijka Kulanka KNN oo Dhameystiran:-

BRNMJKA KLNKA KNN 17 08 2017 web     

DHAGEYSO:-Barnaamijka Ciyaaraha (17-08-2017)

Muqdisho-KNN:-Dhegeystayaasha ku xiran Webset-ka Radiokulmiye.net waxaan halkaan idin kugu soo gudbineyna Barnamijka Ciyaaraha waxaana halkana idin ka soo jeedin doono:-Maxamed Shuuriye Nuur:- 

Farsamadii:-Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan Hoose Ka dhageyso Barnaamijka Ciyaaraha oo dhameytiran:-

Bar Cayaaraha 17 08 2017     

 

DHAGEYSO:-Barnaamijka Ogaal (17-08-2017)

Muqdisho-KNN:-Dhegeystayaasha ku xiran Webset-ka Radiokulmiye.net waxaan halkaan idin kugu soo gudbineyna Barnamijka ogaal waxaana halkana idin ka soo jeedin doono:-Xasan Maxamed Aweys Farsamadii:-Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan Hoose Ka dhageyso Barnaamijka ogaal oo dhameytiran:-

Bar ogaal 17 08 2017     

Dhageyso:-Barnaamijka Falanqeynta Wararka (17- 08-2017)

Muqdisho-KNN:-Dhegeystayaasha ku xiran Webset-ka Radiokulmiye.com waxaan halkaan idin kugu soo gudbineyna Barnamijka Falan qeynta …Waxa halkan ka soo jeedin doona wariye:-Xuseen Cabdulle Maxamed ;-

Farsamadii:–Maxamed Dalal maxamuud:-

Halkaan Ka Dhageyso BarnaamijkaFalanqeynta: