Templates by BIGtheme NET

News in English

DHAGEYSO-:K/Galbeed oo faah faahin ka bixisay Abuu Mansuur oo maanta isku dhiibay

Afayeenka Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa faah faahin ka bixiyay Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta iska dhiibay degmada Xudur ee Xarunta Gobalka Bakool.

Afayeenka ayaa sheegay in Abuu Mansuur uu hada ku jiro gacanta Maamulka Koonfur Galbeed Islamarkaana uu la joogo Wasiirka Amnige ee Maamulkaasi iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed waxaana la socda Saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Muqtaar Roobow ayaa Arbacadii todobaadkii hore dagaal culus la galay Al-Shabaab iyadoo sidoo kale maalamahaan ay dhowr jeer soo weerareen Xaruntiisa Abal.

Mudo Saddex Maalmood ah ayaa Xubno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda dhexe ee Soomaaliya waxay Abuu Mansuur la joogeen Abal oo ah Xaruntii uu daganaa Saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Arintaan ayaa aheyd mid la filayay maadaama ay hore Dowladda Maraykanka ay cunuqabataynta uga qaaday Abuu mansuur taas oo ku timid talo soo jeedin ka timid Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Abuu Mansuur ayaa noqonaya Mas’uulkii ugu Sareeyay ee Al-Shabaab iska soo dhiiba waana Ku xigeenkii hore ee Amiirkii Al-Shabaab sidoo kale soo noqday Afayeenkii Guud ee Al-Shabaab.

Hoos ka dhageyso Wareysiga Afayeenka.

Afayeenka-Maamulka-Koofur-galbeed     

War deg deg ah: Shiikh Muqtaar Roobow oo isku dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur ayaa Xaqiijiyay in Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu isku dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed.

Afayeenka Maamulka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Nuuradiin Yuusuf Abuukar “Gacma” ayaa KNN u xaqiijiyay in Shiikh Mutaar Roobow uu iska dhiibay degmada Xudur ee Xarunta Gobalka Bakool waxa uuna uu sheegay in ay la socdaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

 

Wixii ku soo kordha dib kala soco

Al-shabaab oo Labo Nin ku Toogtay Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Dhexe

Wararka laga helayo Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in Fagaare ku yaalla Degmadaasi ay Al-shabaab ku Toogteen Labo Nin oo ay ku Eedeeyeen in ay yihiin Basaasiin sida lagu sheegay War lagu qoray Warbaahinta Taageerta Al-shabaab.

Qaadiga Maxkamadda Jamaame ee Al-shabaab ayaa Xukunkaan ku dhawaaqay,waxaana uu sheegay in ay Qirteen Dambiyada lagu soo oogay Raggaan la dilay,balse ma jirin Qareen ka difaacayay Dambiyada lagu soo oogay Ragga la toogtay,iyadoo Dadka ay Dilalka ku xukumaan Al-shabaab aysan u qaban Qareeno Difaaca.

Labada Nin ee lagu Toogtay Jamaame ayaa lagu kala Magacaabaa Ibraahim Abuukar Farxaan oo da,diisu aheyd 27 sano jir iyo Siidii Axmed Muxamed Maadey oo da,diisu aheyd 26 sano jir.

Suxufi Cumar Dheere oo Maxkamada Gobolka Nugaal Damiin Ku Siideysey

Suxufi Cumar Siciid Maxamed (Cumar Dheere) ayaa maxkmadda gobolka Nugaal maanta ku siideysey damaanad kadib markii ay caddaatey in muddo 6 maalmood ah uu u xirnaa isaga oo aan la dacweyn maxkamadna aysan xukumin.

Qaar kamid ah Suxufiyiinta Puntland iyo ururkooda MAP ayaa dacwad u gudbiyey Maxkamadda in Suxufi Cumar Dheere iska xiran yahay taas oo ah mid ka hor imaaneysa xuquuqda dastuuriga ah ee uu lee yahay.

Maanta oo Sabti ah ayaa Cumar Dheere la geeyey Maxkamadda derajada kowaad ee gobolka Nugaal kadib markii amar ka soo baxay guddoomiyaha Maxkamadda ee ururka MAP dacwadda u gudbiyey.

Maxkamadda ayaa sidoo kale u yeertey Gen. Muxyadiin Axmed Muuse waxaana uu ka jawaabi waayey sababta Cumar loo soo xirey iyo cidda dacweysey?.

Maxkamdda ayaa damaanad ku siideysey Cumar Dheere ilaa la helayo cidda dacweysey ee xirtey.

 

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab oo ka soconaya Duleedka Magaalada Garbahaarey

Garbaharey–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo Ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xoogga Dalka oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab uu ka soconayo Duleedka Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa yimid ka dib Markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Weerar dhabo gal ah ay Al-shabaab ku qaadeen Xilli ay marayeen Degaan lagu Magacaabo Meykaareebee oo 7-KM u jira Magaalada Garbahaarey.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu geystay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamaya.

Sidoo kale Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo waxaa ka baxay Ciidamo Gurmad ah oo isugu jira kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya,kuwaas oo ku biiray Dagaalka ka socda Duleedka Garbahaarey.

Hayeeshee ma jirto wax War oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo iyo Saraakiisha Ciidamada oo ku aadan Dagaalka ka socda Duleedka Magaalada Garbahaarey.

 

Maxkamad ku Taala wadanka Hindiya oo Maanta Xukun ku riday 26 Qof oo Soomaali ah

Maxkmad ku Taala wadanka Hindiya ayaa 26 Maxaabiis Soomaali ah waxaa ay ku xukuntay Todobo sanno oo Xarig ah midkiiba, waxaa lagu eedeeyay dhalinyaradaan in ay Afduubteen Doon kaluumeeysi iyo 24 Shaqaale ah oo u dhashay wadanka Thailand sanadii 2011 kii.

 

Garsooraha Maxkamadda Xukunka Fulisay oo   lagu Magacaabo Jayendara Jagdal ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyaradaan lagu helay isku day Dil, afduub iyo Fal Liddi ku ah Madax Banaanidda iyo Amaanka wadanka Hindiya.

 

Maxkamaddu waxaa ay sidoo kale ku soo rogtay Maxaabiista laxukumay Ganaax dhan 17,000 oo Rubbiis mid kasta.

26 kaan Maxaabiista ah ayaa waxaa la filayaa in Doowladda Soomaliya lagu soo wareejiyo kadib marka laxukumo kua dhiman ee wali ku jira Xabsiyadda hindiya.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliaya Yuusuf Garaad Cumar axmed ayaa Bar uu ku leeyahay internet-ka kusoo Qoray in 61 Maxaabiis ah oo wali xiran laxukumi doono 19 ka Bishaan August.

Wadada isku Xirta Shaqaalaha iyo Albaraka oo Maanta dib loo furay

Mas”uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Guddoomiyaha G.Banaadir ayaa maanta dib u furay Waddada shaqaalaha ee isku xirta Isgoysyada Shaqaalaha iyo KPP ee Degmada Hodo nee G.Banaadir

Wadadan ayaa Waxaa in Mudo ah ay u Xirneed hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya,Waana Halka inta badan laga qaato Baasaboorka Soomaaliya.

Gudoomiyaha G.Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed Ayaa oo la hadlay Warbaahinta ayaa Waxaa uu Sheegay in Maanta Wixii Ka dambeeya ay Furantahay Wadadaan,Islamarkaana Shacabka iyo Gaadidka ay Isticmaali karaan.

Sdioo kale Waxaa isna Saxaafada la hadlay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa Sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay ka Go’an tahay Sidii ay u furi laheyd Wadooyinka  Xiligan Xiran.

Wadadaan ayaa 2016-kii waxaa lagu sameeyay Dib u dhis,waxaana xiligaas Xariga ka jaray  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Koofur Galbeed oo Hub u geysay Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Masuur

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Koofur Galbed Xasan Xuseen Maxamed iyo Saraakiil Ciidan oo isugu jira Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Koofur Galbeed ay Saanad Ciidan ku Wareejiyen Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur oo Al-shabaab kula dagaalamaya Degaanka Abal ee Gobolka Bakool.

Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha la socota ayaa la sheegay in Saanadda Ciidan ay ka qaadeen Degmada Xudur,waxaana Saanadu isugu jirtaa Hubka Culus iyo kan Fudud,iyadoo la doonayo in Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Muqtaar uu Hubkaasi isaga Difaaco Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed ee Gurmadka ugu tagay Sheekh Muqtaar Roobow iyagana loo qeybiyay Hub si ay Al-shabaab uga difaacaan Sheekh Muqtaar Roobow oo Dhor jeer la dagaalamay Al-shabaab Weerar ku soo qaaday Degaanka uu ku sugan yahay ee Abal.

Dowladda Mareyknka ayaa Wadaadkaan lagu Magacaabo Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur ka saartay Liiska waxa loogu yeero Argagixisada 24-kii June ee Sanadkaan,waxaana tan iyo waxii Xilligaas ka dambeeyay uu wajahayay Cadaadis uga imaanayay Al-shabaab.

Madaxweyne Kenyatta oo ku guuleystay doorashadii Dalka Kenya

Guddiga doorashada ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu mar kale ku guulaystay doorashadii aadka looga war sugayay ee dhacay Talaadadii.

Musharraxan oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay

Xisbiga mucaaradka ah ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay gudiga iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.

Isbeheysiga mucaaradka Kenya ayaa sheegay in aysan maxkamad aadi doonin.

Waxay ku adkeysanayaan in ay hayaan cadeymo muujinayo in wax isdabamarin jirto. Laakiin maysan sheegin waxa ay sameyn doonaan.

Mucaaradka ayaa horey u sheegay in loo dhacay hannaanka Guddiga Doorashada, waxna laga badalay natiijada.

Hoos ka daawa muuqaal ku saabsan taariikhda madaxweyne Kenyatta

DHAGEYSO:-WARKA HABEEN EE RADIO KULMIYE 8:00PM (11=08=2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xiran Webkeena www.Radiokulmiye.com waxaan idin soo gudbineynaa Warkii Caawa ee Radio Kulmiye.

Waxaa wada aqrinayay:-Cali Ibraahim Cabdullahi  {Suxefa} iyo  Farxiyo  Xuseen Cali

Farsamadii:-Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkan ka Dhageeso Warka Habeen Ee Radio kulmiye:–