Templates by BIGtheme NET

Somali News

Shacab ku dhintay Qarax haleeyay Gaari ay saarnaayeen.

Baraawe-KNN-Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay in kabadana waa ay ku dhaawacmayn qarax miino oo haleelay Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ku safrayay degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Maamulka degmada Baraawe ee koofur Galbeed ayaa KNN u sheegay in Qaraxan uu ka dhacay inta udhaxeysa degaanada Bunqabad iyo Ambareeso ee degmada Baraawe, waxaana dadka dhaawacmay qaarkood la sheegay in ay tahay mid halis ah.

Maamulka degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in qaraxaan ay dhulka geliyeen Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Golaha Wasiirada oo kulan deg deg ka yeelanaya Muranka u dhexeeya wasaarada maaliyada iyo ganacsatada.

Muqdisho-KNN-Waxaa Maanta lagu wadaa in Kulan Deg deg ah ay golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho,kaasi oo laga hadli doono Arimaha la Xiriiri muranka Xiligan ka dhex taagan Wasaarada Maaliyada iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Saraakiil ku sugan Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan cali Kheyre ayaa sheegay in Saacadaha Soo aadan ay kulankan ku yeesheen magaalada muqdisho,Kadibna ayaa waxaa la filayaaa in Golaha Wasiirada ay go’aano adag ay ka soo saaraan kulankooda.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay sheegeen in wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdi Raxmaan Ducaale beyle uu Warbixin ka siiyo golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya,Hanaanka Canshuurta loo qaadayo.

Wariyaasha ayaa goordhow waxaa looga yeeray xarunta Madaxtooyada Soomaaliya,Maadaama Kulanka golaha Wasiirada intiisa badan diirada lagu saari doono Shaqo joojinta ay sameeyeen Ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka golaha wasiirada marka uu soo dhamaado ayaa waxaa lagu wadaa in Xal waara loo helo tabashooyinka ay muujinayaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Shalay ayay aheyd markii Ganacsatada Suuqa bakaaraha ay ku dhawaaqeen In ay joojiyeen ganacsiga Suuqa Weyn ee bakaaraha,kadib markii cabasho ay ka keeneen Canshuurta ay ku soo rogtay Wasaarada Maaliyada Soomaaliya,taasi oo looga qaadayo Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Balse Ganacsiga suuqa Bakaaraha ayaa xeran maalintii labaad,iyadoona Taasi ay saameyn ku yeelatay Dadka Danta yar ee ku nool Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga oo todobaadka soo socda booqasho ku imaanaya Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Hakan Jaush Ogolo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa sameyn doono todobaadka soo socda laba booqasho oo rasmi ah oo uu ku tagayo wadamada Sudan iyo Soomaaliya.

Warbaahinta Turkiga ayaa soo xiganaysa mas’uul sare oo ka tirsan Dowladda Turkiga oo sheegaya in maalinta Talaadada ee todobaadka danbe uu Ra’iisul wasaare ku xigeenka uu booqan doono dalka Sudan oo mudo laba maalmood uu joogi doono.

Bayaanka laga soo xiganayo xarunta dhexe ee warfaafinta wadanka Turkiga ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga uu u soo safri doono Soomaaliya marka uu soo gaba gabeeyo booqashadiisa dalka Sudan.

Wakaala wararka ee Anadol ee Turkiga wararka u faafisa ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga inta uu joogo Muqdisho uu la kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Wakaalada ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya waxyaabaha uu imaanayo ay qeyb ka tahay kormeerka ciidamada Soomaalida ee lagu tababaro saldhig ay Turkiga ku leeyihin Muqdisho iyo dhul dhawaan lagu wareejiyay Turkiga oo jaziira ku yaala.

Sarkaal u hadlay Turkiga ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ee lagu tababaro saldhiga Turkiga ay ka qeyb qaadan doonan howlgal ka dhan ah Al-shabab oo laga sameenayo Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Suuqa bakaaraha oo maalintii labaad Xeran iyo saameyn ka dhalatay.

Muqdisho-KNN-Saakay waxaa maalinti labaad xeran suuqa weyn ee bakaaro oo ganacsatadu gadood canshuurta Iibka ah ay diidanyihiin awgeed ah u xereeen maalinti shalay ahayd.

Canshuurta iibka waa canshuur loogu talo galay in laga qaado iibka badeecooyinka marka laga reebo raashiinka , waxaana wasaarada maaliyada ay dooneysaa in canshuurta la qaado xiliga ay ganacsatadu badeecada ka qaadanayaan dekada Muqisho taasi oo keentay in maalmo aaney dekadu shaqeyn shalay iyo saakayna xernaado suuqa weyn ee bakaaro.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa inoo sheegay in aysan maanta furi doonin suuqa sidoo kale na aysan sheegi karin xiliga rasmiga ah ee ay dib suuqa u fri doonaan , qeybaha suuqa ee raashiinka , iyo bagaashka nuucyadiisa kale ayaa dhamaan xeran waxaana jira gudi ganacsatada kamid ahi oo shalay iyo saakay ku jira kormeerka dhaqan galka go’aanadooda ee ku aadan xernaanshiyaha dhamaan xarumaha ganacsi ee suuqa.

Saameynta ay shaqo la’aanta bakaaraha ku leedahay danyarta ka xamaalata ayaa sii kordheysa maadaama maanta ay tahay maalinti labaad waxaana laga dhowr sugayaa sida uu ku so afjarmi doono khilaafka hakadka keenay ee u dhaxeya ganacsatada iyo wasaarada maaliyada.

 

Gudiga Ganacsiga golaha Shacabka oo maanta la kulmaya ganacsatada Soomaaliyeed

Muqdisho-KN-Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan beenebeene Gudoomiyaha Guddiga ganacasiga iyo Warshada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay maanta la kulmayaan ganacsatada Cabashada Ballaaran muujinaayo islamarkaana ay hirgashay Shaqo joojin ay ku dhawaaqeen

Xildhibaan beenebeene ayaa hadal kiisa ku daray in ay maalinta bari gudiyada Joogtada ay go-aan ka soo saari Doonan sida uu hadalka u dhigay muranka u dhexeeya Wasaarada maaliyada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Cabashada ganacsatada ka imaaneyso ayaa waxa ka weyn tan ka imaaneyso dadka danta yare e ganacsatada ku hoosnoo kuwaa oo xirnanshaha Suuqa uu saameynti uugu weyneed

DHAGEYSO:-WARKA SUBAX EE RADIO KULMIYE 8:00AM (19-02-2018)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii saakay ee ka baxay Radio Kulmiye. Warka saakay Waxaa si wadajir ah u aqrinayay ah aqrinayay:- Maxamed Axmed Tuuryare iyo   Faadumo Abuukar Cabdi:-

Farsamadii:- Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkaan Riix si aad u dhageysato Warka Subax ee KNN:-

Wasaarada Caafimaadka oo Taliska Booliska ka dalbatay in la soo qabto Shaqsiyaadka Muqdisho ku iibiya Cunooyinka gar-gaarka ee looga tala galay dadka Dhibaateysan(akhriso)

Qoraal ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ayay ku sheegtay in suuqyada Muqdisho cunooyinka lagu kala gato ay ka mid yihiin:-Digir, Haruur, Buskud, Malmalaaddo, iyo cunooyin kale oo loogu talagalay caruurta nafaqo la’aanta hayso.

Waxaa qoraalkaan ku saxiixan Wasiirka ku xigeenka Caafimaadka Xuseen Cusmaan Xuseen, kaasoo saraakiisha ciidamada Boliiska ku amray inay soo xiraan dadka ka ganacsanay cunnooyinkaas.

Wasaarada Caafimaaadka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in gacanta lagu dhigo Shaqsiyaad la Sheegay in ay muqdisho ku iibiyaan gargaarka cunooyinka ee loogu tala galay Dadka Danta danta yar ee ku dhibaateysan Dalka.

Sidoo kale wasaarada ayaa waxaa sheegtay in ay muhiim tahay in la soo qabto raashiinka,iyo la soo xiro dadka Caadeystay ka ganacsiga  cuntooyinka iyo daawooyinka looga tala galay in la badbaadiyo dadka tabaaleysan ee Xaaladooda liidato.

Saraakiisha ugu sareysa ee Wasaarada Caafimaadka ayaa waxaa ay Suuqyada Muqdisho ay ku soo arkeen cuntooyin khaas ah oo loo keenay caruurta iyo dadka nafaqo darada haysato

DHAGEYSO:-Barnaamijka Xog Wareysi (18-02–2018)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha ku xiran Website-ka radiokulmiye.com waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijkii caawa ee Xog Wareysi. Barnaamijka oo dhameystiran waxaa halkaan idin kaga soo jeedin doona:-Xuseen Cabdulle Maxamed:-

Farsamada:- Maxamed Dalal Maxamuud;-

Halkaan  Ka Dhageyso Barnaamijka Xog Wareysi:-

DHAGEYSO:-WARKA HABEEN EE RADIO KULMIYE 8:00PM (18=02=2018)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xiran Webkeena www.Radiokulmiye.com waxaan idin soo gudbineynaa Warkii Caawa ee Radio Kulmiye waxaa wada aqrinayay:-  Cabdiwahaab Xuseen  Muxudiin iyo Cabdiqani Cabdullahi Ibraahim;-

Farsamadii:-Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkan  ka Dhageeso Warka Habeen Ee Radio kulmiye:–

SAWIRRO:-Muqdisho oo lagu soo bandhigay Maandooriye iyo ragii ka ganacsanayay.

Muqdisho-KNN-Howlgal ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay ku soo bandhigeen rag ay ku soo qabteen howgalkaas kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay ka ganacsanayeen waxyaabaha Maanka dooriya.

Saraakiisha ciidamda Booliska ayaa warbaahinta u soo bandhigay shaqsiyaad ay ku eedeeyeen in ay ku howlanaayeen falal kala duwan iyo wax yaabaha maanka dooriya oo ragaas ay ka ganacsanayeen.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale waxay soo bandhigeen agabyadii lagu karinayay wax yaabaha maanka dooriya.

Ciidamada Booliska ayaa howgalkaan waxay ka sameeyaan degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir waxaana Ciidamada amaanka iyo dadka degaanka ay uga mahad celiyeen sida ugu qeyb qaateen howlgalkaaasi lagu soo qab qabtay ragaan ku howlanaa falal amniga ka soo horjeeda.