Templates by BIGtheme NET

Somali News

Jen. Gorod: ‘Lacagta uu Maraykanku naga joojiyey saamayn naguma yeelanayso’

Gaalkacyo–KNN–Taliyaha milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in aysan waxba kala socon eedeyn musuqmaasuq la xiriirta, taasoo keentay in xukuumadda Maraykanku ay ku dhawaaqdo inay joojisay lacagihii ay ku taageeri jirtay milateriga Soomaaliya.

Taa beddekeeda wuxuu sheegay Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod in dhaqaale ahaan ay iyagu isku tashan doonaan, wax saamayn ahyna aysan ku yeelan doonin.

Hadalka Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay joojisay Saanaddii ay ku Taageeri jirtay Ciidamada Xoogga Sababo la xiriira Musuq Maasuq jira.

Waxaana sidoo kale hadalkaan uu imaanayaa Xilli Maanta Wasaaradda Difaaca Mareykanka ay sheegtay in Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya ay tahay mid la aamini karo oo dagaal kula jirta Musuq Maasuqa la dagay Soomaaliya.

Soomaali ka soo carartay Dagaalka yemen oo Maanta soo gaaray Boosaaso”Sawiro”

Boosaaso–KNN–Soomalidii ugu badnayd ee Colaada Yemen kasoo Qaxda ayaa gaaray magaalada Bossaaso.

Dadkaan oo kasoo qaxay collaadaha dalka Yeman ee maanta yimid ayaa gaaraya 210 qof kuwaas oo ay siday hal doon ah.

Dadkan soo qaxay Waxa si ku meel gaar ah loo dejiyey xerada qaabilaada dadka qaaxootiga ah oo ay gacanta ku hayso wasaarada Arimaha Gudaha ee Puntland ee ku taal qaybteeda magalada Boossaaso.

Dalka Yemen ayaa waxa ka socda dagaalo aan kala joogsi lahayn,kuwaas oo u dhaxeeya Kooxo isku haya Xukunka dalka Yemen

Kalfadhiga Golaha Shacabka oo Maanta lagu soo xirayo Magaalada Muqdisho”Sawiro”

Muqdisho–KNN– Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta ay ku shiraan Xildhibaanada Golaha Shacabka lagu wadaa in lagu soo xiro Kalfadhiga Labaad Ee Golaha Shacabka,waxaana Kulanka Maanta soo xaadiray 173 Mudane.

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,waxaana ka qeyb galay Guddiyada Qaabilsan Dib u Eegista Dastuurka oo Xildhibaanada ka horjeediyay Qudbado kala duwan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa soo xiri doona Kalfadhiga Labaad Ee Golaha Shacabka,waxaana uu jeedin doonaa Qudbad ku aadan wixii u qabsoomay Golaha Shacabka Labadii Kalfadhi ee la soo dhaafay.

 

Dhageyso:- Milatari lagu Wareejiyay Ammaanka Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo–KNN– Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen Cabdi-wali Jaamac Gorod  oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka lagu Wareejiyay Goobihii laga kala qaaday Maleeshiyada ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug Ee Magaalada Gaalkacyo.

Gen. Gorod ayaa Tilmaamay in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay si KMG ah u joogi doonaan Goobahaas si ay u sugaan Ammaanka Dadka ku nool Magaalada islamarkaana ay ka hortagayaan Maleeshiyaadka Nabad Diidka ah ee Falalka Ammaan daro ka geysta Magaalada Gaalkacayo.

“Maanta waxaa Goobihii Xirnaa ku Wareejinay Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka,waxaa la shaqeyn doona Ciidamada Booliska isku-dhafka ah ee labada Maamul”ayuu yiri Gen. Cabdi-wali Jaamac Gorod .

Halkaan Riix si aad Codka u dhageysato

 

DHAGEYSO:-WARKA DUHUR EE RADIO KULMIYE(16-12-2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii duhur ee ka baxay Radio Kulmiye.

Warka Maanta Waxaa si wadajir ah u aqrinayay:Burhaan Diini Faarax  iyo  Farxiyo Xuseen Cali:– 

Farsamadii:-  Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkaan Ka Dhegeyso Warka duhur Ee Radio Kulmiye KNN:–

Wasiirka Difaaca Maraykanka “ Waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay heshay Madaxweyne mudan in la garab istaago, balse waxa uu dhaxlay xaalad aad u adag”

Muqdisho-KNN-Wasiirka Gaashaandhigga dalka Maraykanka Jim Mattis ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababaha Maraykanku ay u xanibeen kaalmada ay siin jireen ciidanka Soomaliya.

Wasiirku waxa uu sheegay in tallaabadani ay muujinayso musuq maasuq baahsan oo ka dhex jirey hoggaanka Ciidanka Soomaaliyeed kaas oo muddo dheer soo socday, haatanna uu maraykanku kalsooni weyn ku qabo in la soo afjari doono arrinkan wiiqay dib u soo kabashada ciidanka.

Wasiirka Gaashaanhigga Maraykanka waxa uu bogaadiyey dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax kaga qabanayso musuq maasuqa baahsanaa ee ka jira ciidanka.

“Xiriir wanaagsan ayaa la leenahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guud ahaan dowladda Federaalka, xaqiiqdii tallaabooyin muuqda ayey u qaadeen la dagaallanka musuq maasuqa, waxaanse og-soonnahay  in ay wakhti u baahantahay sidii ay mira-dhal u yeelan lahaayeen dadaaladaasi.”

Mr. Jim Mattis waxa uu tilmaamay in talabada lagu hakiyey gar-gaarka ciidamada Soomaaliya ay ka dhalatay siyaasadihii gurucnaa ee uu dhaxlay Farmaajo.

“ Waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay heshay Madaxweyne mudan in la garab istaago, balse sida aan ogsoonnahay waxa uu dhaxlay xaalad aad u adag.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka.

Dhanka kale, waxaa kor loo qaaday tiradii ciidamada Maraykanka ee joogay Soomaaliya oo haatan gaaraya 500 oo askari kuwaas oo tababar iyo tayeyna u wada ciidanka xoogga dalka, waana tiro sida uu sheegay Xafiiska Maraykanka ee Afrika “Africom” aad uga badan tirooyinkii horay u joogay Soomaaliya.

AFRICOM waxa ay sheegtay in Madaxda Soomaaliya ee haatan talada haysa ay yihiin kuwo ay ka go’antahay in ay dalka ka hir geliyaan nabad dhammaystiran isla markaasna ay ka go’antaahy Maraykanka in ay arrinkan ku garab siiyaan, laba laabaan dadaalka ay ugu jiraan xasilinta Soomaaliya.

 

Ciidamada Ahlusunna oo Howlgal ka wada dhuusamareeb.

Dhuusamareeb-KNN-Ciidamo ka tirsan Maamulka Ahlusunna ee magaalada dhuusamareeb ayaa la sheegay in ay maanta dhuusamareeb ka wadaan Howlgalo ka dhan ah gaadiid muraayadaha madow ee ka shaqeeya magaaladaasi.

Wararka ka imaanaya magaalada ayaa sheegaya in Ciidamada ay qabtayn ilaa dhowr Gaadiid ka shaqeeynaya deegaanada Ahlusunna gaar ahaan dhuusamareeb kuwaas leh muraayadaha madoow sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ahlusunna oo dhawaan la midowday Galmudug ayaa hore u soo saartay digniin ka dhan Gaadiidka leh Muraayadaha madow waxaana la sheegay in ay soo dhamaadeyn waqtigii loo qabtay.

Sidoo kale Ciidamada Ahlusunna ayaa qabtay ku dhawaad 10 qof oo la sheegay in ay baaritaano ku socdaan waxaana looga shakisan yahay in ay abaabulayeen falal amni daro.

Maleeshiyadii Mukhtaar Roobow ee Abal oo Abaabulaya dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Xudur-KNN-Wararka naga soo gaarayo gobalka Bakool ayaa koofur Galbeed ee Soomaliya ayaa soo sheegayo in ay halkaasi ka jitro xiisad dagaal iyo Abaabul ay wadaan Ciidamo taabacsan Shiikh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” oo shalay dagaal culus la galay Al-Shabaab.

Goob joogayaal ku sugan deegaanka Abal ee gobalka Bakoo ayaa Idaaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in ay halkaasi ka socoto dhaq dhaqaaq ciidan oo ay sameynayaan ilaa 3 ciidan oo kala maleeshiyada Abuu Mansuur iyo Ciidamada Xoogga iyo Ciidamo ka tirsan Milatariga Itoobiya oo soo gaaray Abal maalmihii la soo dhaafay.

Abaabulka dagaal ee maanta ka socda gobalka Bakool ayaa daba jooga dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaanka Abal oo muddo ka badan 3 sano saldhig u aheyd Shiikh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur”

Shiikh Mukhtaar Roobow ayaa Dagaalkii shalay ku waayay dagaalamayaal badan uu ka mid ahaa Wiilkiisa C/llaahi Shiikh Mukhtaar Roobow iyo Taliyihii Maleeshiyada Abuu Mansuur, wararka laga helay Taliyaasha Ciidanka ayaa sheegaya in caro ka dhalatay dilka dagaalamayaasha Abuu mansuur ay sabab u tahay abaabulka maanta halkaasi ka socda.

Taliyaha Ciidamada Xoogga oo maanta furay wadooyin ku xirmay Dagaalkii Gaalkacyo + SAWIRO

Gaalkacyo-KNN-Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliyeed Cabdi-wali Jaamac Gorod iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta ku guuleystay in ay furaan wadooyinkii ku xirmay dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Wadooyinka la furay oo muhiim u ahaa isku socodka magaalada iyo ganacsiga Gaalkacyo ayaa ku xirmay dagaalkii dhawaan ka dhacay Suuqa ganacsiga ee Gaalkacyo kaas oo dhaxmaray maleeshiyo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Waan waan maalmahaan ka socotay Gaalkacyo oo garwadayn ka ahaa Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa keentay in la furo wadooyinkaan sida uu sheegay Taliyaha Xoogga Soomaaliya.

Xaalada degaanka Abal oo saakay degan,kadib markii Wiil uu dhalay Sheekh Muqtaar Roobow dagaal lagu dilay.

Xudur-KNN-Wararka Naga Soo gaaraya Degaanka Abal oo 18 Km u jirta Degmada Xudur ee gobalka bakool ayaa sheegaya in saakay ay degan tahay xaalada degaankaasi,kadib markii ay wada dagaalameen Ciidamada Maamul koofur galbeed,oo garab ka helaya maleeshiyaad taabacsan Sheekh Muqtaar Roobow abuu mansuur.

Dhinacyadii uu dagaalka ku dhexmaray Degaanka Abal ayaa la Soo Sheegayaa inay is hor fadhiyaan,iyadoona laga Cabsi qabo in Markale uu dagaal culus dhexmaro ciidamada Maamuilka koofur galbeed,Maleeshiyaad Taabacsan Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Idaacadda Kulmiye u Sheegay in Dagaalka uu sababay khasaaro isugu jira Dhimasho.

Balse Dagaalkii shalay  ayaa waxaa lagu dilay Cabdullaahi Muqtaar Roobow iyo Taliyihii Abuu mansuur,ninka lagu magacaabo Manuur ganeey.

Mukhtaar Roobow Abuu mansuur ayaa muddooyinkan waday abaabul iyo qorshayaal dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana uu dhowaan tagay magaalooyinka Baydhabo, Xudur iyo Kismaayo oo uu maalmo ka hor uu gaaray.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Abuu Mansuur iyo Maamulka Koofur Galbeed oo ku aadan dagaalkii ka dhacay deegaanka Abal ee gobalka bakool,Basle Xaalada ayaa waxaa ay tahay mid aad u degan.