Templates by BIGtheme NET

Somali News

Faah faahin Shabaab oo Sarkaal Muqdisho ku dhaawacay.

Muqdisho-KNN-C/laahi Shiikh Cumar oo sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ka badbaaday weerar ay ku qaadeen Dagaalamayaasha Al-Shbaab waxaana soo gaaray dhaawac sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan Sarkaalka la weeraray in uu yahay Agaasimaha Waaxda shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ay ka danbeeyeen weerarkaan islamarkaana ay gaarsiiyeen dhaawac culus balse wararka madaxa banaan oo ay heshay KNN ayaa sheegaya in sarkaalka uu qabo dhaawac Fudud hadana lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho.

Shabaab ayaa rasaas ku furay Sarkaalkaan xilli shidaal ku shubanayay Gaarigiisa Kaalin shidaal oo ku taala degmada dharkeynlay ee gobalka Banaadir.

Qaramada midoobay oo ka hadashay Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug.

Muqdisho-KNN-Xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa Warqad u Qoray Madaxweeyanaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, taasi oo Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya uu uga Hadlay Nidaamka loo marayo Xalinta Xiisadda Siyaasadeed ee ka Taagan Magaaladda Cadaado ee u dhexeeysa masuuliyiinta Maamulka Galmudug.

Michael keating Warqadda uu u qoray Madaxweeyne Xaaf waxaa uu uga Jawaabayay Warqad kaga timid dhinaca madaxweeyne Xaaf, sida ku cad warqadda keating uu u diray Xaf oo uu ku bilaabay “ Waad ku mahadsantahay Warqadaaadii ku taaariiqeeysneeyd 30-kii  September 2017  ee aad ku xustay  Waxii ugu Dambeeyay ee ka Taagnaa Maamulka Galmudug”

Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa intaas kadib waxa uu Warqadiisa ku xusay in ay ku Boorinayaaan Dhmanaan dhinacyadda Galmudug in ay isu yimaadaan Wada hadal wax dhisa.

“Sidhow ayaan ula soconay waxa dhacaya, waxaana si adag ugu dhiirigalineeynaaa dhamaan dhinacyadda galmudug in ay galaan wadahadal Wax dhisa taasi oo Xasilooni iyo Nabad u keeni karta Galmudug” ayuu Warqadiisa ku sheegay keaating.

Sidoo kale Warqadda uu Wakiilka QM ee Soomaliya u diray Wadaxweeynaha Galmudug waxaaa uu ku xusay  in wadahalku uu keeni karo in laxaliyo arrimaha  soo baxaya lana abuuro Xiriir adag oo Maamul Goboleedyadda iyo Dowladda dhexe u suurtagalinaya in ay Si wada jir ah u shaaqeeyaan  si loo horumariyo Xaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo Banii-aadanimo ee Soomaaliya.

“QM iyo Beesha Caalamku waxay sidoo kale Fariintaan gaarsiinayaan Dowladda fedralka ah ee Soomaaliya, Adkeeynta xiriirka u dhexeeya Dowladda federalka ah iyo Maamul Goboleedyadda waa ahmiyadda ugu sareeysa uguna Muhiimsan Guusha Daaladda Dowlad dhisidda ee Soomaaliya” ayaa Michael keating kusoo Gaban gabeeyay Warqadii uu u diray Madaxweeyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

 

Howlagalka NATO oo Aas Aasay Quwad ciidan oo badda ah.

Muqdisho-KNN-Gaashaaan Buurta NATO ayaa abuurtay Ciidamo Cusub oo Wadamo badan la isga keenay waxaa Saldhig u noqonaya Romania Waana Tilaaabadii ugu dambeeysay oo Russia ka dhan ah, waxaa Ciidamadaaan loogu talo galay in ay ka howlgalaan Badda Madow, sidoo kale NATO waxaa ay Tilaabadaan uga jawaabeeysaa Sababtii uu Russia kula wareegay Gobolka Crimea ee Ukrain 2017.

Ciidamadda Saldhigaan cusub lagu aas aasay waxaa ay ka kala yimaadeen 10 Wadan oo ka mid ah Howlgalka NATO.

Madaxweeynaha Wadanka Romania ayaa  ka sheegay Shir Baarlamaanka NATO ay ku yeesheen Magaaladda Bucharest “ ujeedadeenu wa Nabad Istiraatiijadeenimo waa Nabad”

Russia ayaa NATO ku eedeeysay in ay ka dayaan in ay hareereeyaan, NATO-na waa ay Inkirtay eeda loo soo jeediyay.

DHAGEYSO:-WARKA DUHUR EE RADIO KULMIYE(09-10-2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii duhur ee ka baxay Radio Kulmiye.

Warka Maanta Waxaa si wadajir ah u aqrinayay:Cumar Xabeb Nuur iyo  Faadumo Abuukar Cabdi:- 

Farsamadii:-  Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkaan Ka Dhegeyso Warka duhur Ee Radio Kulmiye KNN:–

Taliyaha Hay’adda Socdaalka oo Maanta gaaray Magaalada Boosaaso”Sawiro”

Agaasimaha guud ee HSJ Col. Kofi iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray  Magaalada Boosaaso ayaa kormeer ku sameeyey howlaha socdaalka ka socda airporka caalamiga ah ee Boosaaso,  wuxuuna halkaas kula kulmay saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala airporka Boosaaso oo ka mid ah garoomada ugu casrisan ee dalka ku yaala.
Waxaana uu Agaasimaha ku ammaanay shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala airporka Boosaaso howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada isaga oo kula dardaarmay ilaalinta sharciga iyo amniga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo gaaray deegaanka Bariire.

Bariire-KNN-Generaal Maxamed Axmed Jimcaale “Cirfiid” Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale oo ka mid ah Milatariga Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose oo ay dhowr jeer weerareen Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa markii uu gaaray Bariire waxa uu kulamo la qaatay saraakiil kale oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo halkaasi ku sugan iyo sidoo kale qaar ka mid ah Ciidankii ka qeyb galay Dagaalkii Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidanka ee bariire kaas oo ay ku dhinteen Ciidan badan.

General Cirfiid ayaa Ciidanka u sheegay in halkaan la iska fadhin doonin, islamarkaana la qaadayo howlgal saf balaaran oo dalka looga saarayo Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee hadda ku sugan qeyba ka mid ah Soomaaliya.

Dagaalamayaash Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Bariire gaar ahaan fariisin ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka,waxayna ku dileen Ciidan ka tirsan kuwa Xoogga Soomaaliya.

Gudiga doorashooyinka Soomaali-land oo maanta ku dhawaaqaya Natiijada Cod bixiyaasha Sanadkaan.

Hargeysa-KNN-Wararka laga helayo guddiga Komishanka Somaliland ayaa waxay sheegayaan in la filayo in maanta ay guddiga Komishanku ku dhawaaqaan natiijada dadkii iska diwaangaliyay gobolada Soomaaliland,isla markaana qaatay kaararkii cod-bixiyayaasha.

Guddiga Komishanka Soomaaliland ayaa la lagu wadaa in ay  kulan la qaataan  hogaanka xisbiyada,ee ka jira deegaanada Soomaaliland,isla markaana ay ku dhawaaqaan natiijada dadka qaatay kaararkaasi ee codaynaya doorashada madaxtooyada Somaliland ee fooda ku soo haysa lana filayo in ay dhacdo 13 Nov.2017-ka.

Diyaar Garowgii ugu dambeeyay ee Doorashada Soomaliland ayaa waxaa laga dareemayaa Deegaanada Soomaaliland,iyadoona Axsaabta Siyaasadeed ee ka jira deegaanadaas ay bilaabeen ololahooda ku aadan musharaxnimo oo ku soo bandhigayaan Waxqabadkooda ku aadan Hadii loo doorto Hogaanka Sare ee Soomaaliland.

Shalay ayay aheyd markii Gudiga komishinka Soomaaliland ay xarunta guddiga Komishanka ay soo wada gaadheen qalabkii lagu galayay doorashada madaxtooyada Somaliland.

Beesha Caalamka ayaa isha ku heyso Doorashada la filayo in ay ka dhacdo Deegaanada Soomaaliland,Maadaama Murashaxiinta qaar ay hadalo Xanafleh mudooyinkii dambe ay isku adeegsanayeen Warbaahinta.

 

Warar hor dhac ah oo laga helaayo Shirka Kismaayo.

Kismaayo-KNN-Shirka magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland kaas oo u dhaxeeyay Madaxda maamul Gobaleedyada ayaa hada toos uga socda Guriga martida ee Kismaayo waxaana hadalka jeedinaya Madaxweynaha Martida loo yahay ee Jubbaland Axmed Maxamed islaam “Madoobe”.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto dhibaato dhinac walba leh oo saameysay Guud ahaan Xasiloonida iyo Maamulka Dowladnimada isagoo talooyin dhaxal gal ah u soo jeediyay dhinacyadii shirka ka soo qeyb galay.

“Qof walba oo naga mid ah halkaan ma sii joogi doono laakiin waa in aan ka tagnaa taariikh dhaxal gal ah oo aan ka shaqeynaa samata bixinta Dalka iyo dadka hadii aanan awoodina waa inaan kaga sii darin ” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Xiisaha iyo doodaha ugu badan ee Shirka ayaa maanta toos loo guda galayaa waxaana la filayaa in markii uu dhamaado la soo saaro qodobo ay ku heshiiyeen Madaxda maamul Gobaleedyada.

Doon la dagtay 12 ruux oo Muslimiinta Rohingya ah

Ugu yaraan 12 ruux ayaa dhintay ka dib markii ay dagtay doon ay saarnaayeen dad ka soo jeeda qawmiyadda Rohingya ee Muslimiinta ah, kuwaas oo ka cararayay dhibaatada ka taagan Myanmar, sida ay saraakiishu sheegeen.

Doontaasi waxay ku dagtay meel u dhaw dalka Bangladesh.

Dad kale ayaa la la’yahay ka dib markii ay arrintaasi ka dhacday wabiga Naf, Axaddii.

Waxaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen dad lagu qiyaasay boqol ruux, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen carruur.

Dad qawmiyadda Rohingya u dhashay ayaa horay u dhintay iyaga oo isku dayaya in ay u tallaabaan dhanka dalka ay dariska yihiin ee Bangladesh, iyadoo milatariga dalkaasi ay hawlgallo ka wadaan gobolka Rakhine ee dalka Myanmar.

Illaa iyo hadda ma cadda tirada rasmiga ah ee saarnayd doonta Axaddii dagtay, iyadoo askarta xuduudaha ee Bangladesh ku qiyaaseen tiro is khilaafsan oo 40 ilaa 100 ah.

Saraakiishuna waxay sheegeen in illaa iyo hadda ay heleen maydadka 10 carruur ah haweenay iyo nin.

Xigasho BBC

Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo Baarlamaanka ka dalbaday in ay Ansixiyaan Sharciga la dagaalanka Musuq Maasuqa

Muqdisho–KNN–Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya xasan Cali Kheyrre oo Xalay ka hadlay Munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu Horyaallo Sharciga la dagaalanka Musuq Maasuqa,waxaana uu ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay Sharcigaas meel mariyaan.

Ra’iisul Wasaare Kheyrre ayaa sheegay in Xukumaddiisu ay la dagaalami doonto Musuq Maasuqa islamarkaana ay dar dar gelin doonto la dagaalanka Musuq Maasuqa.

Soomaaliya ayaa lagu diriyaa Dalalka Safka hore uga jira Wadamada uu Ragaadiyay Musuq Maasuqa,waxaana Dowladda Federaalka ee uu Hogaamiyo Madaxweyne farmaajo ay sheegtay in Musuq Maasuqa ay la dagaalami doonto.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

 

171008_006 - My Recording