Templates by BIGtheme NET

Somali News

Dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo isku dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed.

Xudur-KNN-Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa KNN u sheegay in Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen Gobalada Bay iyo Bakool Koonfur Galbeed.

Dagaalamayaashaan oo ka koobnaa ilaa 3 Askari ayaa iska dhiibay magaalooyinka Waajid iyo Qansax Dheere oo ka kala Tirsan Baay iyo Bakool sida ay sheegeen Saraakiisha amaanka.

Labo ka mid ah Ciidamadaan ka soo goostay Shabaab ayaa iska dhiibay Degmada Qansax dheere ee gobalka Bay halka midka kalane uu iska dhiibay degmada Waajid ee Gobalka Bakool.

Ciidamada Isdhiibay ee la sheegay in ay ka soo goosteen Al-Shabaab ayaa watay hubkii ay ku dagaalamayeen oo u badnaa qoriga AK47 waxaana hubkooda kala wareegay Ciidamada amaanka.

Saraakiisha amaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay gacanta maamulka ku jiraan Ciidankaasi Islamarkaana dhaqan celin lagu sameyn doono iyadoo kuwa kale ee ka tirsan Shabaab ay maamulka ugu baaqeen in ay ku soo biiraan Maamulkooda

Dowladda Soomaaliya oo dib u shaqa gilineyso Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay wado qorshe ay dib ugu Howlgilineyso Hay’adda Isgaarsiinta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo dadaalada Dowladda ay dib ugu soo noolayneyso Hay’adda Warbaahinta Soomaaliya taas oo meesha ka saari doonto Caqabado badan oo dhinaca Isgaarsiinta ka jira.

Hadii dib loo Howlgiliyo Hay’adda Isgaarsiinta Dalka ayaa la sheegay in Warbaahinta iyo Shirkadaha Isgaarsiinta ay license ka goosan doonaan Xafiiska Wasaaradda Boostada Soomaalida sida uu sheegay Wasiirka.

Mr. Canshuur ayaa ku sugan Dalka Jabuuti wuxuuna halkaasi kula kulmay wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Jabuuti isagoo kala hadlay Arimo quseeyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Eng Yariisow”Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya waxay shaqaaleysiineyso doontaa 2,000 oo dhalinyaro ah”

Muqdisho-KNN-Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Xukumadda Soomaaliya ay wado qorshe ay ku shaqaaleysiineyso ku dhawaad 2,000 oo dhalinyaro ah kuwaas oo ka shaqeyn doono Xafiisyada Dowaldda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Wasaaradda Qorsheynta ay wado dadaalo lagu shaqaaleysiinaayo dhalinyarada kadib markii uu amray ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre in shaqo loo abuuray dhalinyarada Jaamacadaha ka baxay iyo Kuwa Xirfadleyda ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay waajib tahay in la shaqaaleysiiyo dhalinyaradda kunool Soomaaliya.

Waxaana uu maamulka gobolka Banaadir uu ku Amray in ay deg deg ah ay ku shaqaaleysiiyaan  1000 ka mid ah dhalinyaradda kunool Muqdisho.

Khaatuma oo uga digtay Soomaali-land in doorasho ay ka qabto gobalka Sool.

Laascaanood-KNN- Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha khaatumo abshir cabdicasiis ayaa Waxaa uu  ka hadlay Arimaha Kaararka codbixinta ee maamulka Somaliland uu ka wado deegamada  Maamulka Khaatumo.

Wasiirka ayaa Sheegay  maamulka Somaliland aysan  Wax wadahadal ah kala galin maamulkaasi  in doorasho lagu qabo Deegaanada Maamulka Khaatuma.

Sidoo kale Waxaa uu Xusay in Abaaro Daran ka jiraan Deegaano badan oo ka Tirsan Gobalka Sool,Islamarkaana Maamulka Soomaaliland oo Isna Ololo Doorasho ay ka wadaan Deegaanadaaasi.

Hadalka Wasiir ku xigeenka ayaa waxaa uu ku Soo Aadaya Xili Deegaano ka Tirsan Maamulka khatumo Haatan ay ka Soconayaan Codbixinta Doorashooyinka ee Deegaanada Soomaaliland.

DHAGEYSO:-WARKA SUBAX EE RADIO KULMIYE 8:00AM (19-08-2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii saakay ee ka baxay Radio Kulmiye. Warka saakay Waxaa si wadajir ah u aqrinayay ah aqrinayay:-Cali Ibraahim Cabdullahi iyo  Faadumo Abuukar :-

Farsamadii:-Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkaan Riix si aad u dhageysato Warka Subax ee KNN;-

War deg deg ah: Dagaal Culus oo ka socda deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Bariire-KNN-Wararka ka imaanaya duleedka degmada Afgooye ee gobalka shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in saakay halkaasi uu ka bilaawaday dagaal culus oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Gobalka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ciidan Ajaaniib Cadaan ah ay saakay weerar culus ku qaadeen deegaankaasi waxaana la maqlaya rasaas culus oo halkaasi ka dhaceysa.

Goobaha la wareeray ayaa waxaa Fariisamo ku leh Al-Shabaab oo dagaal Culus kala hor tagay Ciidamada Huwanta ah.

Goob Joogayaal ayaa KNN u sheegay in ay maqlayaan hub culus oo labada dhinaca ay isku adeegsanayaan waxaana inta badan deegaanka qabsaday ciidamadaii weerarka qaaday.

 

wixii ku soo kordha la soco.

Booliska Mareykanka oo Toogtay Wiil Soomaali ah oo Madaxa looga jiray

Washington–KNN–  Booliska Wadanka Mareykanka ayaa Toogtay Muwaadin Soomaaliyeed oo la sheegay in Madaxa looga jiray islamarkaana ku noolaa Gobolka  Washington ee Dalka Mareykanka.

Ninkaan Soomaaliga ah ee ay Toogteen Booliska Mareykanka ayaa lagu Magacaabi jiray Xuseen Xasan,waxaana Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Mareykanka ay sheegeen in Xuseen Xasan uu qabay Xanuunka Maskaxda ku dhaca ee loo yaqaan Dhimirka.

Jaaliyadda ayaa sheegtay in Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee lagu Magacaabo Xuseen Xasan la dilay Xilli uu doonayay inuu Salaadda Casirka ku soo tukado Masaajidka Axaddii la soo dhaafay.

Booliska Mareykanka ayaa sheegay sidoo kale in Ninkaan la toogtay uu watay Seef islamarkaana Dadka Magaalada ay ku Wargeliyeen in Nin Seef wata uu ku sugan yahay Bartamaha Magaaladii uu daganaa sidaana Boolisku ay ku Toogteen.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Weerarkii ka dhacay Barcelona

Muqdisho–KNN– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa Cambaareyn kala dul dhacay Weerarkii Dadku ay ku dhinteen ee Shalay ka dhacay Magaalada Barcelona ee Wadanka Spain .

Ra’iisul Wasaare Kheyyre oo War Kooban soo dhigay Bartiitsa Twiterr-ka ayaa sheegay inuu Cambaareynayo Weerarka lagu qaaday Shacabka Magaalaada Barcelona islamarkaana uu yahay Weerar Argagixiso.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa lagu Eedeeyaa in ay Cambaareeyaan Weerarada ka dhaca Wadamada Yurub,iyadoo Dalka Gudihiisa ay ka dhacaan Weeraro aan kala go’la heyn oo lagu laayo Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Madaxa Istaraatiijyada Aqalka Cad oo Shaqada Laga Eryay

Steven Bannon, madaxa istaraatiijiyada Aqalka Cad ayaa xilkii laga qaaday.

Bannon oo ka mid ahaa dadka uu sida weyn u dhageysan jiray madaxweyne Trump ayaa afkaartiisu ay u janjeertaa dhinaca midigta fog, waxaana lagu tilaamaa inuu ka danbeeyay siyaasaddaha nacaybka ku dhisan ee aqalka ka soo baxayay tan iyo markii madaxqweyne Trump uu xilka ku guuleystay.

Banon ayaa dib ugu noqday warbaahinta Breibart oo lagu eedeeyo inay faafisa fikirka dadka cadaanka ah ee cunsuriyiinta ah.

Faysal Dari oo ka mid ah Soomaalida ka tirsan xibisga Jamhuuriga gobolka Minnesota ayaa VOA u sheegay in eryida Steven Banon ay xasillin doonto xiisadda iyo jahwareerka ka dhexjira shaqaalaha Aqalka cad.

Bannon ayaa sheegay inuu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro kuwa ka so horjeeda Trump, sidoo kalena wuxuu wargeys kale u sheegay in madaxtinimadii Trump ee ay u soo dagaallameen ay dhammaatay.

Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo u yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle

Jowhar–KNN– Wararka laga helayo Magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre uu u yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre oo ku sugan Magaalada Jowhar.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Diyaarad Qaas ah u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre waxaana Diyaaradaasi ay Shalay Gelinkii dambe ka soo qaaday Magaalada Jowhar Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Sababta uu Ra’iisul Wasaare Kheyyre ugu yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ay tahay inuu Warbixin ka dhageysto Guddoomiyaha Maadaama Maalmo ka hor Xildhibaanada Hirshabelle ay Xilka ka Xayuubiyeen Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble.

Shalay Waxaa Jowhar Kulamo Gaar gaar ah kula yeeshay Baarlamaanka Hirshabelle iyo Madaxweyne Cosoble Wafdi Wasiirro ah oo Muqdisho ka baxay si ay u soo damiyaan Guuxa Siyaasadeed ee ka jira Magaalada Jowhar,iyagoo markii dambe ku soo laabtay Muqdisho.

Madaxweynaha Xilka laga qaaday Cali C/llaahi Cosoble ayaa horay ugu eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inuu duminayo Maamulka Hirshabelle islamarkaana Lacagtii loogu talo galay Degaanada Hirshabelle uu hadda u adeegsanayo inuu ku dumiyo sida uu hadalka u dhigay.