Templates by BIGtheme NET

Sports

Mo Farah oo sheegay in uu doonayo in loogu yeero Maxamed

Orodyahanka caalamiga ah ee u orda dalka Britain asalkiisuna yahay Soomaali Mo Farah ayaa sheegay inuu doonayo in hadda laga bilaabo loogu yeero Maxamed Faarax.

Maxamed Faarax ayaa warkan ku dhowaaqay kahor tartan Maaratoon ah uu dhowaan galayo,waxana uu ku guuleystay bilad dahab ah iyo mid qalin ah tartanka orodka caalamka eek a dhacay magaalada London.

“Magaca aan ku ordi doono waa Maxamed,”ayuu yiri. “Waxa ay ila tahay in magacii Mo uu waqtigiisii dhamaaday.”ayuu yiri Maxamed Faarax.

Farax waa uu urursaday bilado dahab ah oo gaaray 15 intii uu ku guda jirey ciyaaraha isagoo ku guuleystey tartanka orodada dhaadheer ee 5,000 iyo 10,000.

Hase yeeshee Maxamed Farah ayaa ku eedeeyay saxaafada inay doonayaan in ay dilaan guulaha uu gaaray iyo sumcadiisaba iyagoo la xiriirinaya tababarihiisa Alberto Salazar.

Khilaaf ka taagan Xilka qaadistii Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble

Jowhar–KNN– iyadoo Shalay Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Hirshabelle ay sheegeen in ay Kalsoonidii kala laabteen Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxaa Arrintaas ka taagan Khilaaf ka dhashay Xilka qaadstaasi.

Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Hirshebeelle ayaa sheegay in Tirada Xildhibaanada Xilka ka qaaday Madaxweynaha ay yihiin kuwo Been ah islamarkaana Xildhibaanno intaas le eg aysan joogin Magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Maanta la filayaa inuu tago Magaalada Jowhar islamarkaana uu Faro geliyo Khilaadka ka dhashay Xilka laga qaaday M/weyne Cosoble.

Dhageyso:-Ciidamada Galmudug oo Gacanta ku dhigay Dad Dilal ka geystay Gobolka Mudug

Gaalkacyo–KNN– Ciidamada Ammaanka Magaalada Gaalkacyo Ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay Gacanta ku soo dhigeen Shan Qof oo Dilal ka geystay Waqooyiga Gobolka Mudug Ee Maamul Goboleedka Puntland.

Taliye Kuxigeenka Ciidamada Booliska Galmudug Maxamuud Cilmi Gulaafe oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Dadka Gacanta ay ku soo dhigeen uu ku jiro Nin Xaaskisii ku soo dilay Degmada Goldogob.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

111107_001 - My Recording     

Madaxweynaha Kenya oo ugu baaqay mucaaradka in sharciga iyo ammaanka ilaaliyaan

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo markii labaad loo doortey hogaanka dalkiisa ayaa ugu baaqay mucaaradka inay sharciga ilaaliyaan oo wax walba ka hormariyaan ammaanka.

Sidoo kale Madaxweyne Kenyatta ayaa ugu baaqay Booliska inay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka diidan natiijada ka dhalatay doorashadii toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacday dalka Kenya.

“Waxaan ugu baaqayaa dhamaan dadka diidan natiijada doorashada in ay garowsadaan in aan nahay dad Kenyan ah,waxaan ugu baaqayaa nabad iyo saaxibtinimo,”ayuu yiri Kenyatta.

Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in mucaaradka aysan uga baahnayn isaga iyo Booliskaba fasax inay banaanbaxyo nabad ah dhigaan, balse waxa uu sheegay in aan loo dulqaadanayn in dad dhiigooda la daadiyo iyo in la burburiyo hanti.

Mr Kenyatta oo ku guuleystey doorashadii 8dii bishan ka dhacday dalka Kenya kadib markii uu helay codad gaaraya boqolkiiba 54.27.

Hase ahaatee hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa diiday natiijadii ka soo baxday doorashada isagoo sheegay inaysan ahayn mid si cadaalad ah ku dhacday.

Weerar lagu qaaday Makhaayad Turkiga ku leeyahay dalka Burkina Faso

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Makhaayad Turkida ku leedahay caasimada wadanka Burkina Faso ee Ouagadougou.

Makhaayadan oo lagu magacaabo Aziz Istanbul ayaa la weeraray xalay markii ay saacada dalkaasi ahayd 9:30 fiidnimo, waxaana la sheegay inay weerarkaasi ka qeyb qaateen ugu yaraan sadex nin oo hubeysan.

Kooxdan hubeysan ayaa markii hore rasaas ooda uga qaaday dadkii fadhiyey banaanka hore ee Makhaayada, kadibna gudaha u galay goobtaasi iyagoo afduubtay dad kale oo ku jiray gudaha Makhaayada.

Iska horimaadka halkaasi ka dhacay ee dhexmaray maleeshiyada hubeysan iyo ciidamada dowlada ayaa socda illaa iyo saaka oo Isniin ah.

Warbixin kasoo baxday xafiiska Wiirka Warfaafinta ee dalkaasi Remi Dandjinou, ayaa lagu sheegay in ay dhinteen ugu yaraan 17 qof oo rayid ah, halka dhaawaca uu gaarayo 8 qof.

Waxaa la xaqiijiyey in dadka dhintay uu ku jiro qof u dhashay dalka Turkiga.

Warbaahinta dalkaasi ayaa baahiyey in labo kamid ah kooxdii weerarka geystay ay ciidamada dileen, balse uu hawlgalka weli socdo.

Illaa iyo hada majirto koox sheegatay weerarkan, balse maaha markii ugu horeysay ee uu weerar noocaan ah dalkaasi ka dhaco.

Wadanka Burkina Faso ayaa xaduud la wadaaga wadanka ay dagaalada ka socdaan ee Mali, waxaana horey gudaha dalkaasi weeraro uga geystay kooxo kasoo talaabay xaduuda oo xiriir laleh Al Qacida.

Bishii Janaayo ee sanadkii hore 2016 ayey kooxda Al Qacida ee Maqribka iyo kooxda loo yaqaan Al Mourabitoun sheegteen weerar ka dhacay dalkaasi Burkina Faso oo ay ku dhinteen 30 qof.

Dhageyso:-Casharka Tafsiirka Qur’aanka ee ka baxay Radio Kulmiye{14-08-2017}

Muqdisho–KNN:–Akhristeyaasheena ku Xiran Bogga Radiokulmiye.com,waxaan maanta halkaan idinkugu soo gudbineynaa Casharka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka,waxaana halkaan ka soo jeedinaya Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif Ajar aan la soo koobi karin Alle ha ka siiyee.

Halkaan  ka dhageyso Casharka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka:-

DHAGEYSO:-Barnaamijka Ciyaaraha (14-08-2017)

Muqdisho-KNN:-Dhegeystayaasha ku xiran Webset-ka Radiokulmiye.net waxaan halkaan idin kugu soo gudbineyna Barnamijka Ciyaaraha waxaana halkana idin ka soo jeedin doono:-Maxamed Shuuriye Nuur:- Farsamadii:-Hodan Cali Maxamed:-

Halkaan Ka dhageyso Barnaamijka Ciyaaraha oo dhameytiran:-

Dhageyso:-Barnaamijka Falanqeynta Wararka (14- 08-2017)

Muqdisho-KNN:-Dhegeystayaasha ku xiran Webset-ka Radiokulmiye.com waxaan halkaan idin kugu soo gudbineyna Barnamijka Falan qeynta …Waxa halkan ka soo jeedin doona wariye:-Cali ibraahim Cabdullaahi{Cali Suxeyfa}

Farsamadii:–Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan Ka Dhageyso BarnaamijkaFalanqeynta:

DHAGEYSO:-WARKA SUBAX EE RADIO KULMIYE 8:00AM (14-08-2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii saakay ee ka baxay Radio Kulmiye. Warka saakay Waxaa si wadajir ah u aqrinayay ah aqrinayay:-Cali Ibraahim Cabdullahi iyo Farxiyo Xuseen Cali:-

Farsamadii:- Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan Riix si aad u dhageysato Warka Subax ee KNN

DHAGEYSO:-Barnaamijka Xog Wareysi (13-08–2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha ku xiran Website-ka radiokulmiye.com waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijkii caawa ee Xog Wareysi. Barnaamijka oo dhameystiran waxaa halkaan idin kaga soo jeedin doona:-Xuseen Cabdulle Maxamed

Farsamada:-Shariif Cabdulle Maxamed

Halkaan  Ka dhageyso Barnaamijka Xog Wareysi