Templates by BIGtheme NET

Sports

Faah Faahin qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar.

Muqdisho-KNN- Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Xusseen Cismaan ayaa la sheegay in uu ka badbadaaday qaraxii maanta ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar oo ku yaala degmada Xamar –Jajab meel aan ka fogeyn dekedda Muqdisho.

Taliyaha ayaa la sheegay  in si dhib ah uga badbaaday qaraxaasi waxa uuna ku soo aaday oo wax yar ka hor markii uu soo gallay gudaha xabsiga waxaana halkii uu taagnaa oo u dhawaa Masaajid soo abaaray qofkii isku soo xiray Waxyaabaha Qarxa.

Askari ka tirsan ciidamada oo ilaalo u ahaa Taliyaha Asluubta  iyo qofkii weerarka geystay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaraxa oo lagu bartilmaameesaday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Falkan is qarxinta ah ayaa gaar ahaan ka dhacay ilinka hore masjid ku yaala gudaha xabsiga oo xiligaa ay dadku ku tukanayeen Salaada Jimcaha.

Masaajiidkan uu qaraxa ka dhacay  ayaa la sheegay in ay ku tukadaan saraakiisha xabsiga, kuwa maxkamadaha iyo shaqaalaha.

Laamaha amniga ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira qaraxa iyo qofka weerarka geystay sida uu ku soo galay gudaha Xabsiga.

Al Shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Far-libaax ee Gobalka Hiiraan.

Far-libaax-KNN-Ugu yaraan labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa ku dhintay tiro kalane waa ay ku dhaawacmeen kadib Markii Al-shabaab ay weerar dhaba gal ay ku qaadeen Gaadiid ay la socdeen oo marayay deegaanka Far-libaax ee gobalka Hiiraan.

Is rasaaseyn socotay waqti koobadan ayaa halkaasi ka dhacay sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan

Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa ku dhintay 2 ka mid ah Ciidanka  Dowladda, warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ay jirto dhimasho kale oo la gaarsiiyay dhinaca kale ee weerarka soo qaaday.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa waxa ay sheegeen in ay iska caabiyeen dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday, Far-libaax ayaa dhawaan Cali Cosoble Madaxweynaha Hirshabeelle u magacaabay degmo ka mid noqota degmooyinka Gobalka Hiiraan.

Shirka Gudoomiyaasha Baarlamaanada Afrika oo ka socda Dalka Koonfur Afrika.

Johannesburg-KNN-Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka qeyb galaya shirka Gudoomiyaasha Baarlamaanada Afrika ee ka socda dalka Koonfur Afrika waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Gudoomiyaasha Baarlamaanada Afrika.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaraya arrimo muhim ah oo quseeya qaarada Africa gaar ahaan dhalinyarada Africa sidii loogu diyaarin lahaa hogaaminta Siyaasadda Qaaradda iyo maamulka dhaqaalaha .

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Shirka Khudbad ka jeediyay waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Fursad la siiyo dhalinyarada Afrika oo ay kaga qeyb qaataan siyaasadda iyo dhaqaalaha.

“bulshada Soomaaliyeed 70% in da’dooda waxay ka hooseeysaa 30 jir halka 42%da’doodi u dhexeyso 14 ilaa 29 kuwaasi oo ay horyaalaan arrimo badan oo xal u baahan”, Ayuu yiri Jawaari.

Kulanka ayaa waxaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo waxaana la filayaa in geba gebadiisa laga soo saaro qodobo dhowr ah oo muhim ah dhalinyarada Qaaradda Africa sidii loogu diyaarin lahaa hogaaminta Qaraada.

 

 

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Muqdisho-KNN-Qof la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidan Cusub oo lagu tababarayo Xabsiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa Duhurkii maanta isku qarxiyay Xabsiga dhexe ee Xamar sida ay xaqiijiyeen Laamaha amaanka.

Qaraxan oo dhacay markii ay soo dhaweyd Tukashada Salaadii Jimcaha ee maanta ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qaraxa Ismiidaaminta ah halka lala damacsanaa wararka qaar ayaa sheegaya in lala damacsanaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo halkaasi ku sugnaa, waxaana la sheegay in ninka is qarxiyay uu isku dayay in uu ku soo dhawaado Taliyaha Balse Askari ka mid ah Istaafkiisa ayaa ka hor Istaagay kadibna uu halkaasi ku qarxay iyadoo qasaaro uu ka dhashay.

Warar kale ayaa in Naftiis haligaha uu  doonayay in uu isku Qarxiyo gudaha Masjid ku yaalla halkaasi, balse markii Ciidamada ay celiyeen uu ku Qarxay Masjidka hortiisa.

Masjidka iridkiisa uu Qaraxa ka dhacay ayaa inta badan waxaa ku tukada Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Inta la xaqiijiyay Qaraxaasi waxaa ku geeriyootay Laba Qof oo kala ah ninkii is Qarxiyay iyo waliba Askarigii hor istaagay Ismiidaamiyaha.

DHAGEYSO:-WARKA DUHUR EE RADIO KULMIYE(11-08-2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii duhur ee ka baxay Radio Kulmiye.

Warka Maanta Waxaa si wadajir ah u aqrinayay: Cali Ibraahim Cabdullahi iyo Farxiyo Xuseen Cali:-

Farsamadii:- Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan Ka Dhegeyso Warka duhur Ee Radio Kulmiye KNN:–

Ciidamada Dowladda oo baaritaano ka sameeyay degmada Deyniile.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Xasilinta Magaalada Muqdisho ayaa xalay baaritaano xoog leh ka sameeyay Xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile waxaana lagu soo qab qabtay dhalinyaro badan oo halkaasi ku noolaa.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Ciidanka ay baarayeen Gaadiidka iyo dadka iyagoo indhaha ka xeray dhalinyaro badan Baaritaan dheer kadibna la sii daayay qaar ka mid ah dhalinyaraadaasi.

Xaafadda Oodweyne degmada Deyniile ee gobalka Banaadir ayaa hore loogu dilay Gudoomiye waaxeedkii Xaafadaasi iyadoo ka dib dhowr jeer madaafiic laga soo riday ay waxyeelo gaarsiiyeen dad Shacab ah.

Natiijada Rasmiga ah ee doorashada dalka Kenya oo maanta lagu dhawaaqayo.

Nairobi-KNN-Sida ay qorayaan warbaahinta Dalka kenya waxaa la filayaa in maanta si rasmi ah loogu dhawaaqo Natiijada lagu muransan yahay ee doorashadii dalkaasi.

Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa lafilayaa in ay dhawaan ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ah ee doorashadii ka dhacday  dalkasi, ayadoo shacabka Kenya ay sugayaan natiijadaasi.

Maalintii shalay ahayd ayaa Guddiga doorashadu waxey sugayeen ilaa iyo 170 form oo ka imaanayay 290ka deegaan doorasho ee Kenya, iyo ilaa iyo Kun form oo kale oo Iyana ka imaanayay 40, 883 goob codbiin si loo dhameystiro dhamaan documentiyada.

Wafula Chebukati  oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo xuduudaha ee Kenya ayaa sheegay in dhamaan dukumintiyada ay sugayaan ay soo gaarayaan maanta, markaa ka dibna ay ku dhawaaqi doonaan natiijada rasmiga ah.

Ilaa iyo haatan sida ka muuqata natiijooyinka horudhaca ah ee codadka ilaa iyo hadda la tiriyay, waxaa ku horeeya madaxweynaha talada dalkaasi haayo Uhuru Kenyatta.

Wararka ka imaanaya magaalada Nairoobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in ay halkaasi ka socoto qaban qaabo ku aadan sidii guddiga doorashooyinka uu u shaacin lahaa natiijada rasmiga ah, waxaana lafilayaa in gelinkii dambe ee maanta ay gaarto.

Dhanka kale hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka NASA Raaila Odinga ayaa si weyn uga soo horjeeda habka ay u dhacday doorashadaasi isagoo ku tilmaamay in wax la musuq maasuqay.

Shir jaraa’id uu ku qabteen magaalada Nairobi isbahaysiga mucaaradka ee NASA ayay ku sheegeen in musharaxooda Raila Odinga uu heley codadka ugu badan, iyaga oo ugu baaqay in guddiga doorashooyinka ee IEBC in ay ku dhawaaqaan in Raila uu ku guuleystey madaxweynenimada Kenya.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in doorashadaasi ay u dhacday habkii loogu talagalay islamarkaana ugu baaqay musharixiintu in ay aqbalaan natiijada doorashadaasi hadii la shaaciyo.

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka ka dalbaday in laga qeyb qaato Taakuleynta Ciidanka.

Muqdisho-KNN-Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday iney ka qeyb qaataan taakuleynta iyo niyad dhiska Ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwaas oo wajahaya daruufo adag oo dhinaca Nolasha ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay hada ka faa’iideystaan fursada la heysto ee ah taakuleynta, niyad dhiska, qalabeynta iyo hormarinta Ciidamada.

Waxa uu xusay in dowladda uu hogaamiyo ay xooga saari doonto ka shaqeyntaa sugida amniga guud ee dalka iyo Xasiloonida Soomaaliya oo baahiyo badan loo qabo.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in si wadajir ah loogu shaqeyn doono sidii loo soo celin lahaa kalsoonida ka dhaxeysa Shacabka iyo Ciidamada.

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay kulan uu la qaatay Gudiga Taakuleynta Qaran ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya kuwaas oo dhawaan la magacaabay.

 

Dowladda Soomaaliya”Waxaan dilnay Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Shabaab”

Muqdisho-KNN-War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Howlgal Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Caalami ah ay ka fuliyeen Duleedka Magaalada Muqdisho ay ku dileen hogaamiye Sare oo ka tirsan Shabaab.

Wasiir Yariisow ayaa Bartiisa Facebook ku soo qoray qoraal kooban uu kaga hadlaayo Howlgal la sheegay in uu Amray Madaxweynaha Soomaaliya kaas oo laga Sameeyay duleedka Magaalada Muqdisho.

Hoos ka aqriso qoraalka Wasiirka Warfaafinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray howlgal qorsheysan oo ay nala fuliyeen saaxiibada caalamka ee ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir ah halkaas oo lagu dilay horjooge sare ee kooxda maleeshiyaadka argagaxisada Al-Shabaab.

Horjoogahan kooxda argagaxisada ka tirsan ayaa mas’uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan eek a dhacayey Muqdisho oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Labadii usbuuc ee u danbeysey ayaa geesiyaasha ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyey kooxaha argagaxisada jid-gooyooyinka ay lacagaha baadka uga qaadaan shacabka, oo weliba weeraradaas mid ka ah lagu qaarajiyey horjoogihii Muqdisho u qaabilsanaa argagaxisada Al-Shabaab oo lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa ay ka go’antahay in kooxaha argagaxisada ah laga ciribtiro dalka, so shacabka looga badbaadiyo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, tanoo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Afrikada Bari iyo Caalamkaba dan u ah.

 

DHAGEYSO:-WARKA SUBAX EE RADIO KULMIYE 8:00AM (11-08-2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii saakay ee ka baxay Radio Kulmiye.

Warka saakay Waxaa si wadajir ah u aqrinayay ah aqrinayay:-Maxamed Qeys Xasan Maxamed iyo Axmed Maxamed Ibraahim:-

Farsamadii:- Maxamed Dalal Maxamuud:-

Halkaan Riix si aad u dhageysato Warka Subax ee KNN;-