Templates by BIGtheme NET

Sports

DHAGEYSO:-WARKA DUHUR EE RADIO KULMIYE(15-08-2017)

Muqdisho–KNN:–Dhageystayaasha Radio Kulmiye ee ku xira website-ka Idaacada Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warkii duhur ee ka baxay Radio Kulmiye. Warka Maanta Waxaa si wadajir ah u aqrinayay:Xuseen Cabdulle Maxamed iyo Farxiyo Xuseen Cali:-

Farsamadii:- Shariif Cabdulle Maxamed:-

Halkaan Hoose Ka Dhegeyso Warka duhur Ee Radio Kulmiye KNN:–

warka duhur 15 08 2017     

War Deg Deg ah:- Sheekh Muqtaar Rooboow oo Saxaafadda kula hadlay Muqdisho

Muqdisho–KNN– Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Muqtaar Rooboow Cali  Abuu Masuur oo Goor Dhow  Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdiisho ayaa shaaciyay inuu ka baxay Fikirkii Al-shabaab islamarkaana uu doonayo inuu wada hadal la furo Dowladda Soomaaliya.

Sheekh Muqtaar Roobow ayaa Saxaafadda kula hadlay Hotelka City Place Ee Magaalada Muqdisho,waxaana Goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya Shirkiisa Jiraa’id.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur uu isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya islamarkaana uu yimid Magaalada Muqdisho.

War Deg Deg ah:- Madaxweyne Cosoble oo ka soo horjeestay Xilka qaadistii lagu sameeyay

Jowhar–KNN–Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble oo Maanta ku laabtay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaasi ahna Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ha kadlay Xilka qaadistii Xildhibaanada Hirshabelle ay sheegeen in ay ka qaadeen Xilkii Madaxweyne.

Madaxweyne Cosoble ayaa Xarunta Madaxtooyada Jowhar ku soo bandhigay illaa 38 Xildhibaan oo ka soo horjeeda Go’aanka Xilka qaadista,waxaana uu sheegay Madaxweyne Cosoble in Tirada ay sheegteen Xildhibaanada uu yahay been abuur islamarkaana aysan haysan Tiradii Saxda aheyd ee Ridi kartay Madaxweynaha.

Madaxweyne Cosoble ayaa sidoo kale sheegay inuu yahay Madaxweynaha Rasmiga ah ee Hirshabelle islamarkaana Xildhibaanada sheegay in ay Xilka ka qaadeen ay yihiin kuwo aan dhameyn intii Dastuurku Ogolaa.

DHAGEYSO:-Barnaamijka Ciyaaraha (15-08-2017)

Muqdisho-KNN:-Dhegeystayaasha ku xiran Webset-ka Radiokulmiye.net waxaan halkaan idin kugu soo gudbineyna Barnamijka Ciyaaraha waxaana halkana idin ka soo jeedin doono:-Maxamed Shuuriye Nuur:- Farsamadii:-Hodan Cali Maxamed:-

Halkaan Ka dhageyso Barnaamijka Ciyaaraha oo dhameytiran:-

Koox Hubeysan oo Hal Qof ku dishay Degmada Hodan ee Muqdisho

Muqdisho–KNN-– Koox Hubeeysan oo la sheegay in ay Gaari wateen ayaa Rasaas ku furay Gaari Nuuca Raaxada ah oo marayay Meel aan sidaa uga Fogeyn Isbitaalka Digfer ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Hal Qof uu ku dhintay Rasaasta lagu furay Gaariga ay la socdeen Dadka la Weeraray ,waxaana ku dhaawacmay illaa Saddex kale.

Dadka lagu Rasaaseeyay Degmada Hodan ayaa sheegaya in ay yihiin Hal Qoys,waxaana goobta ka baxsaday Kooxdii Weerarka fulisay.

Ciidamada Ammaanka ayaa goobta gaaray,kuwaas oo halkaas ka sameeyay Baaritaano,inkastoo aysan jirin Cid ay u soo qabteen.

Maamulka Degmada Hodan weli kama hadlin Dadka lagu Rasaaseeyay Degmadaas.

Mo Farah oo sheegay in uu doonayo in loogu yeero Maxamed

Orodyahanka caalamiga ah ee u orda dalka Britain asalkiisuna yahay Soomaali Mo Farah ayaa sheegay inuu doonayo in hadda laga bilaabo loogu yeero Maxamed Faarax.

Maxamed Faarax ayaa warkan ku dhowaaqay kahor tartan Maaratoon ah uu dhowaan galayo,waxana uu ku guuleystay bilad dahab ah iyo mid qalin ah tartanka orodka caalamka eek a dhacay magaalada London.

“Magaca aan ku ordi doono waa Maxamed,”ayuu yiri. “Waxa ay ila tahay in magacii Mo uu waqtigiisii dhamaaday.”ayuu yiri Maxamed Faarax.

Farax waa uu urursaday bilado dahab ah oo gaaray 15 intii uu ku guda jirey ciyaaraha isagoo ku guuleystey tartanka orodada dhaadheer ee 5,000 iyo 10,000.

Hase yeeshee Maxamed Farah ayaa ku eedeeyay saxaafada inay doonayaan in ay dilaan guulaha uu gaaray iyo sumcadiisaba iyagoo la xiriirinaya tababarihiisa Alberto Salazar.

Khilaaf ka taagan Xilka qaadistii Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble

Jowhar–KNN– iyadoo Shalay Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Hirshabelle ay sheegeen in ay Kalsoonidii kala laabteen Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxaa Arrintaas ka taagan Khilaaf ka dhashay Xilka qaadstaasi.

Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Hirshebeelle ayaa sheegay in Tirada Xildhibaanada Xilka ka qaaday Madaxweynaha ay yihiin kuwo Been ah islamarkaana Xildhibaanno intaas le eg aysan joogin Magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Maanta la filayaa inuu tago Magaalada Jowhar islamarkaana uu Faro geliyo Khilaadka ka dhashay Xilka laga qaaday M/weyne Cosoble.

Dhageyso:-Ciidamada Galmudug oo Gacanta ku dhigay Dad Dilal ka geystay Gobolka Mudug

Gaalkacyo–KNN– Ciidamada Ammaanka Magaalada Gaalkacyo Ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay Gacanta ku soo dhigeen Shan Qof oo Dilal ka geystay Waqooyiga Gobolka Mudug Ee Maamul Goboleedka Puntland.

Taliye Kuxigeenka Ciidamada Booliska Galmudug Maxamuud Cilmi Gulaafe oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Dadka Gacanta ay ku soo dhigeen uu ku jiro Nin Xaaskisii ku soo dilay Degmada Goldogob.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

111107_001 - My Recording     

Madaxweynaha Kenya oo ugu baaqay mucaaradka in sharciga iyo ammaanka ilaaliyaan

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo markii labaad loo doortey hogaanka dalkiisa ayaa ugu baaqay mucaaradka inay sharciga ilaaliyaan oo wax walba ka hormariyaan ammaanka.

Sidoo kale Madaxweyne Kenyatta ayaa ugu baaqay Booliska inay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka diidan natiijada ka dhalatay doorashadii toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacday dalka Kenya.

“Waxaan ugu baaqayaa dhamaan dadka diidan natiijada doorashada in ay garowsadaan in aan nahay dad Kenyan ah,waxaan ugu baaqayaa nabad iyo saaxibtinimo,”ayuu yiri Kenyatta.

Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in mucaaradka aysan uga baahnayn isaga iyo Booliskaba fasax inay banaanbaxyo nabad ah dhigaan, balse waxa uu sheegay in aan loo dulqaadanayn in dad dhiigooda la daadiyo iyo in la burburiyo hanti.

Mr Kenyatta oo ku guuleystey doorashadii 8dii bishan ka dhacday dalka Kenya kadib markii uu helay codad gaaraya boqolkiiba 54.27.

Hase ahaatee hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa diiday natiijadii ka soo baxday doorashada isagoo sheegay inaysan ahayn mid si cadaalad ah ku dhacday.

Weerar lagu qaaday Makhaayad Turkiga ku leeyahay dalka Burkina Faso

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Makhaayad Turkida ku leedahay caasimada wadanka Burkina Faso ee Ouagadougou.

Makhaayadan oo lagu magacaabo Aziz Istanbul ayaa la weeraray xalay markii ay saacada dalkaasi ahayd 9:30 fiidnimo, waxaana la sheegay inay weerarkaasi ka qeyb qaateen ugu yaraan sadex nin oo hubeysan.

Kooxdan hubeysan ayaa markii hore rasaas ooda uga qaaday dadkii fadhiyey banaanka hore ee Makhaayada, kadibna gudaha u galay goobtaasi iyagoo afduubtay dad kale oo ku jiray gudaha Makhaayada.

Iska horimaadka halkaasi ka dhacay ee dhexmaray maleeshiyada hubeysan iyo ciidamada dowlada ayaa socda illaa iyo saaka oo Isniin ah.

Warbixin kasoo baxday xafiiska Wiirka Warfaafinta ee dalkaasi Remi Dandjinou, ayaa lagu sheegay in ay dhinteen ugu yaraan 17 qof oo rayid ah, halka dhaawaca uu gaarayo 8 qof.

Waxaa la xaqiijiyey in dadka dhintay uu ku jiro qof u dhashay dalka Turkiga.

Warbaahinta dalkaasi ayaa baahiyey in labo kamid ah kooxdii weerarka geystay ay ciidamada dileen, balse uu hawlgalka weli socdo.

Illaa iyo hada majirto koox sheegatay weerarkan, balse maaha markii ugu horeysay ee uu weerar noocaan ah dalkaasi ka dhaco.

Wadanka Burkina Faso ayaa xaduud la wadaaga wadanka ay dagaalada ka socdaan ee Mali, waxaana horey gudaha dalkaasi weeraro uga geystay kooxo kasoo talaabay xaduuda oo xiriir laleh Al Qacida.

Bishii Janaayo ee sanadkii hore 2016 ayey kooxda Al Qacida ee Maqribka iyo kooxda loo yaqaan Al Mourabitoun sheegteen weerar ka dhacay dalkaasi Burkina Faso oo ay ku dhinteen 30 qof.