Somali News

Dib u dhac maanta ku yimid Jadwalka doorashada golaha shacabka

Waxaa maanta dib u dhaca uu ku yimid jadwalka doorashada golaha shacabka oo ay horey u shaaciyeen guddiga doorashooyinka heer Federaal, kaasi oo qorshuhu ahaa in maanta ay bilaabato qabashada doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dib u dhacan ayaa loo sababaynayaa in xiligan aysan socon tillaabo lagu qabanayo doorashada golaha shacabka, marka laga reebo 9 kursi oo guddiga soomaaliland ay soo saareen doorashadiisa, islamarkaana horayna ay u qabteen laba kursi oo ka mid ah golaha shacabka.


Sidoo kale ma jiraan dadaalo ay wadaan madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo ku aadan in si deg deg ah loo qabto doorashada golaha shacabka, sida ay sheegeen dadka falanqeeya arrimaha siyaasada Soomaaliya.


Dhawaan guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Jadwalka doorashada ee golaha shacabka lasoo gabagabeyn doono 24ka bisha soo socota.

Lama oga sida ay ku qabsoomi doonto doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.


Beesha caalamka ayaa ka digaysa in doorashooyinka golaha shacabka ay dib u dhacdo, taasi oo khal khal gelin karta howlaha amniga iyo u gargaaridda dadka tabaalaysan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.