Somali News

Doorashada kuraas ka mid ah golaha shacabka oo maanka ka dhacayso Baydhabo.

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ay ka dhacdo doorashada afar kursi oo qeyb ka ah kuraasta Golaha Shacabka ee ka imaanaya Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaalya.

Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Koofur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen in maanta ay qabanayaan doorashada Afur kursi, kuwaas oo ay ku tartamayaan musharixiin iskugu jira kuwa hore ugu fadhiyay kuraasta maanta la dooranayo iyo kuwa Cusub.

Kuraasta Golaha Shacabka ee maanta la dooranayo iyo musharixiintii ku kala fadhiday afartii sano ee la soo dhaafay Kursiga tirsigiisu yahay HOP#213 waxaa Koofur Galbeed ku metalay Baarlamaankii 10aad Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed, kursiga HOP#154 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Sareeda Maxamed Cabdalla taas oo maalmo kahor qaadatay shahaadad musharaxnimo ee kursigaas, Sidoo kale, HOP#193 Kursigaan waxaa ku fadhiyay AHUN Maxamuud Maxamed Bono, musharixiin dhowr ah ayaa isu diiwaangelisay. Ugu dambeyn kursiga HOP#180 waxaa baarlamaankii 10 aad ku matalayay afartii sano ee lasoo dhaafay Daahir Cabdi Cabdulle Dr. Go.

Waxaa xusid mudan in Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Galmudug ay bilaabeen doorashada Kuraasta Aqalka hoose ee Bfs, iyadoo weli aysan guuda galin wax doorasho oo Golaha Shacabka ah dowlad Goboleedyada Seddexda ah ee Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Sidoo kale, waxaa jiro weli khilaaf u dhaxeeya Guddiga doorashooyinka heer federal dhexdooda iyo kan Koofur Galbeed, kaas oo ka dhashay Kursiga Hop103 oo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka uu sheegay in loo diiday in uu ku tartamo, balse Guddiga doorashooyinka heer federal ay soo saareen war qoraal ah oo ay ku hakinayaan kursigaas, waxaana ka hor yimid warkaasi Xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo ku sugan Baydhabo Iyo Guddiga doorashada Koofur Galbeed.

Guddiga doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Koofur Galbeed ayaa shalay doortay  afar kursi uu ku jiro kursigii la sheegay in laga hor istaagay in uu ku tartamo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana kusoo baxay kursigaas oo sumadiisu ahaa 103 Maxamed Cali Xasan.

Dhankooda Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in aysan aqbali doonin doorashooyinka deegaanada qaar ee lagu bilaabay boob qaawan oo la isu awood sheegtay, laguna tuntay habraacyadii doorashada, taasooay sheegeen halis gelineysa xasiloonida dalka iyo jiritaanka dowladnimada.

Midowga Musharaxiinta ayaa maalmahan leh shirar dhexdooda, sidoo kale ay kulan la yeelanayaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Beesha Caalamka.