Somali News

Guddiga Xalinta khilaafaadka doorashooyinka iyo Safaaradda Ingiriiska oo ka wada-hadlay xal u helidda cabashooyinka kuraasta qaar ee doorashada Golaha Shacabka.

Muqdisho-KNN-Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Maxamed Ibraahim iyo Axmed Yusuf oo xubin ka ah guddiga ayaa kulan la qaatay Danjijaha Midowga Boqortooyada Ingiriiska Marwo Kate Foster.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa lagu lafaguray caqabada horyaala Doorashada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa daahfurnaanta iyo kalsoonida Doorashada.

Waxaa lagu dheeraaday ka hadalka sida habracaayda Cabashooyinka Doorashada loogu mili lahaa meertada doorashada, Shaacinta Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah ee xulaya ergada marka la joogo meertada koowaad Doorashada Dadban ee 2020/2021, iyadoo hoosta laga xariiqay inay waxtar u tahay hufnaanta Doorashada, Xaqiijinta Ergada iyo in Cabashooyinka la siiyo muddo lagu soo gudbisan karo dacwadaha.

Dhinacyada waxey garawsadeen inay muhiim u tahay Daahfurnaanta Doorashada, Shaacinta Liiska musharixiinta iyo in dacwadaha doorashada ee lagu soo xareeyo mudooyinka loo asteeyay ayaa la isla gartay inay keeni karto hanaan garnaqsi oo hufan.

Sidoo kale, waxaa la bogaadiyay hanaanka daah-furnaanta leh ee Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland iyo siday u shaaciyeen odayaasha xulaya ergada iyo tababarkooda.

Ugu dambayn, Marwo Kate Foster ayaa ku nuuxnuusatay muhiimada GXKHDD iyo in la hufo wareega doorashada ee odayada, ergada, musharixiinta iyo maalinta Doorashada.

Gudoomiye Ku-xigeenka ayaa gaarsiiyay dhambaal salaan ah oo uu ka siday Gudoomiyaha GXKHDD waxaana la isla gartay in laga wada shaqeeyo sidii ay Soomaaliya uga dhici lahayd Doorasho Nabdoon.