Home / Faalooyin / Liidooy Xaal qaado !”Warbixin Xiiso leh”

Liidooy Xaal qaado !”Warbixin Xiiso leh”

Waxaan niyada iiga taagan Biyaha Badda, Barxada dheeer ee xeebta,Goobihii Ganacsiga,Dadka Masaakiinta ahaa ee xaqdarada loo laayay,Cawaantii dadka laaysay iyo Cadawgii soo diray,Ciidamadii naftooda huray,iyo dadka uu ilaah kasoo badbaadiyay,

LIIDO waa xeeb aad u dheer aadna u qurux badan waxay ku fiicantahay nabada waxaa isugu yimaada dad badan oo siyaabo kala duwan usoo aada xeebta sida Shaqo,Shukaansi,Dabaal,Dalxiis,Nasasho,Caafimaad,In sawiro lagu galo iyo waxyaabo kale oo badan waxaana ay ka dhexeysaa oo shirka ku ah SOOMAALI oo dhan.

Waxaan Rabaa in aan la hadlo inta aan ka seexan waayay caawa ee I hortaagneed oo aan kor kusoo xusay waxaana ka cudur daaranayaa waxii gaf ah oo iga dhaco oo kam ku dhaca ileen qof hurdo loo diiday baan ahaye.

BIYAHA BADDA.

Waxaan aad uga xumahay in dadkaagii kuu soo dabaal/shaqo/ tagi jiray iyagoo faraxsan oo inta ay waqti kugu qaataan kaa laban jiray ayagoo naftooda la baxsanaya ama dhaawac ah in ay gudaha kuu soo galaan oo dhiigooda uu ku gaaro ma ahan mid aad u qalanto ee waan kaa raali gelinayaa kuna sabar in dadkaagii ay wali kuu heelan yihiin aysan kaa niyad jabin.

BARXADA DHEER EE XEEBTA.

Waan ogahay waana leygaga sheekeeyay waliba waan Ka carooday dadkii Mar walba kuugu imaan jiray in ay kugu aalamiinteeyaan,Kubad kuugu cayaaraan,Badda marka ay ku soo dabaashaan kugu nastaan,Sawirada Quruxda badan ku galaan, qoysaski iyo lamaanihii kuu soo Dalxiis tagi jiray la dhibaateeyay waliba meydkooda meesha la daadiyay kuwa kalana lagu qasbay in ay kugu Dul cararaan Halkii ay kuu soo carari jireen laakiin ku bishaareeso dadkii geesinimo ayay ka qaadeen kuwaan kuu imaan jirin ayaa hada kadib kusoo aadayo si ay kuu raali geliyaan.

GOOBIHII GANACSIGA EE BURBURAY.

Ganacsato Abaal dad galaa badan dad gudaase yar maah maah ayay eheed LIIDO iyo meela badan oo dalkiina ah ayaad maal gashateen si aad niyada ugu dhistaan dadkiina adinkana aad ku heshaan magac iyo lacag qaddar uu ilaahey qoray ayay hantidiina ku Burburtay haka niyad jabina dadkiina u hura maalkiina kuna dhiira geliya dad kale oo badan si dhib waduhu uu u niyad jabo hantida idinka qasaartay waan idinla wadaagayaa dhibteeda dhismahana waan idin ku dhiira gelinayaa waxaana idin leeyahay

Aqal libaax Lafo lagama waayo.

DADKA MASAAKIINTA AH EE XAQDARADA LOO LAAYAY.

Far iyo meel bugtaa is og waan dareensanahay in qoysas badan mugdi la geliyay waan ogahay in hooyooyin badan wiilal iyo gabdho la’aan la dhigay waan ogahay caruur badan in hooyo iyo aabo la’aan la dhigay waan ogahay gabdho badan in casaay loo saaray waan ogahay gabdho iyo wiilal badan in walaal la’aan la dhigay laakiin qoys walba dhibka soo gaaray ilaah ayaa qoray qadarta Allena waa in aan ku qanacnaa waxaa qorneed in gardaro lagu dilo waxaa layaab leh iyaga ma oga sababta loo dilay cawaanta dishayna ma oga sababta ey u dileen dadka ey dhibaatada kasoo gaartay ee geeriyoodey qabrigiina waasac insha Alah kuwa dhaawaca ahna danbi dhaaf iyo caafimaad deg deg ah ma dhinte waa ilaah!.

CAWAANTA DADKA LAAYSAY IYO CADOWGII SOO DIRAY.

Canug caasi ah ama cudur qaba caqlina aan laheen damiir laheen damqasho laheen ayaa iyagoo badan inta meel lagu xareeyay waxaa laga soo dhaadhicyay in shacabkaas masaakiinta gardaro eey ku laayaan sababta uu dadka u dilayo ma oga,sababta uu isku dilayo ma oga,in uu yahay qof Cawaan ah kan soo diray maxuu u weydiin waayay sababta isaga uu u diiday in uu raaco uu naftiisa haligo hadaad dhimato Dan noocee ah ayaa kuu jirta kuwi is haligay ee masaakiinta laayay cadaab baa u taaal kan danbow weydii kan kusoo diraya sababta uu u diiday in uu ku raaco? Weerar walba aad soo qaadaan iyo qof walbo oo aad dishaan SOOMAALI Kuma dhamaanayaan hadba sida loo jabo ayaa loo dhutiyaa Abwaan Guure ayaa yiri “AMIIRADU MEY IS DILAAN”.

Kan danbe ee lasoo diri doono weydii su’aashaas hadaa diido goobta aad isku qarxiso ama aad soo weerarto sidii kuwii kaa horeeyay adiga unbaaa naftaada kuwaaynaya intaadan falin ka fiirso.

CIIDAMADA NAFTOODA HURAY.

Alle wate wehel uma baahna geesiyaasha dalkeena aniga iyo inta igu fikirka ah waa ay arkaan in aad diyaar u tihiin in dhiigiina aad shacabka ku badbaadisaan waadna gudateen waajib ka idin saarnaa dad tiro yar oo waayay meel ay ku harsadaan waayay hab ay u noolaadaan ayaa haray waxayna ka walwalsanyihiin geesinimadiina horaa waxaa loo yiri “hal libaax arkeyso ma godlato” iyaga waxa ay usoo baxaan in ay shacabka laayaan adinkana waxaad u dhafartaan in shacabka aad badbaadisaan abaalka aad gashaan alle ayaa gudaya shacabkiinana idinma mooga waxaadna niyada gelisaa in howlo badan ay idin sugayaan kuna samra Alle ayaa idin garab taagan.

DADKA BADBAADAY.

Asxaabta badbaay ishaadu waa kugu da’ dhegtaaduna waa kaa weyntahay waxaa ula jeedaa meesha uu ilaahey idinka badbaadiyay waa alx cadowga ma jecleen in aad badbaadaan lkn alle ayaa idinka badbaadiyay oo cadowga idinka ka qabtay ma ahan hadii aad badbaaday in aad ku badbaaday xirfad ama taatiko aad adiga leedahay alle ku shugriya u duceeya walaalaha dhintay iyo kuwa dhaawaca ah Liidana ha cidleenina oo cadowga yuusan guuleesan ciidanka qarankana caawiya.

Gaba gabada aan u imaado far kaligeed fool ma dhaqdo madaxweyne xanuunada iyo dhibaatooyinka soomaalida soo gaaro danqashadooda kusoo laabo baryahaan waad ka sii jeedaa ciidanka kaliya haku deyn goobaha dhibaatada ka dhacda dhoola cadeentana ka daa.

WQ: Sharmaake Abukar Amin

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top