Home / Faalooyin / FAALLO: Fashilka Maxaa Fagaaraha Keenay?

FAALLO: Fashilka Maxaa Fagaaraha Keenay?

Dadlka Soomaaliyeed marka ay arkaa cinwaanka qormadan waxaa laga yaabaa in ay soo xusuustaa jiritaanka waayaha jamhuuriyada Soomaalida ama taariikh hore, hase ahaan ujeedada ama gundhiga faaladan waxaa ay ka hadleysaa dowladan wakhtigeedu dhamaadey ee la soo dhisey bishii August 2012.

In kastoo hoggaankii dowladii ku-meelgaarka aheyd iyo dhamaanba Siyaasiyiinta Soomaalida ay awooda isugu geeyeen sidii mar un loo heli lahaa dowlad rasmi oo soo celisa sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed ay ku lahaan jirtey dunida, si looga baxo dhibaatadii soo bilaabatey 1990 ka dib markii jabhado hubeysan ay meesha ka saareen dowladii kacaanka.

10.September 2012 waxaa la doortey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo baarlamaankii wax dooranaayey hortood ka balan qaadey Qorshe lamagac baxay Lixda tiir, inkastoo mudaneyaasha baarlamaanka ay ku qanceen shacab Soomaaliyeedna ay aad u soo dhoweeyeen Qorshaha lixda tiir ee Madaxweyne Xasan, hadaba maxaa dhacay.

Madaxweyne Xasan waxaa uu soo magacaabey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo isaguna soo magacaabey Golihiisa Wasiirada oo ka koobnaa 10 Wasiir oo keliya lugana tilmaamey Wasiiro tiro yar oo tayoleh, sanad markii ay shaqeynayeen waxaa lagu abaabuley siyaasiyiin xildoon ah iyo danley iyo dad aan wadaniyiin aheyn, iyadoo aaney jirin wax eed ah oo loohayey Xukuumadaas, buuq iyo mooshin ka dib sidaas ayaana meesha looga saarey Ra’iisul Wasaare Saacid iyo Xukuumadiisa, xitaa inuu is difaaco oo uu baarlamaanka hortago looba diidey.

Ra’iisul Wasaarihii xigey ee Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed iyo xukuumadiisa markii ay heleen codka kalsoonida Baarlaman waxaa ay u kala qeybsameen labo qeybood oo ka ah qeyb laga xukumo madaxtooya iyo qeyb laga xukumo xafiiska Ra’iisul wasaaraha taasi oo keentey in si daacad ah loo shaqeyn waayo ka dibna waxaa bilowdey buuqii lagu furey Ra’iisul Wasaarihii isaga ka horeeyey, waxaa howl galey sedax qeybood ee aan kor ku soo sheegey ee kala ahaa, siyaasiyiin xildoon ah, danley iyo calooshood u shaqeystiyaal aan wadaniyiin aheyn oo ka shaqeeyey amaba diyaariyey mooshinkii lagu ridi lahaa Xukuumada Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyadoo qeyb ka mid Wasiiradii xitaa lagu qanciyey in ay is casilaan, lana soo celin doono hadii ay is casilaan, waxa yabaaha layaabka leh waxaa ka mid aha in mudane Cabdiweli sheekh loo bixiyey naaneyso cajiib ah oo ay ka mid yihiin (xiirane, yuulka) iyo kuwo kale oo aan ka sheegi karin.

Maadaama ay aad u adkeyd qaabkii loo ridey Xukuumada Dr. Abdiweli, oo in ka badan 80 xildhibaan ay diiddeen hadana xildhibaanada u soo xaadirey shirka waxay ahayeen 192 dabeedna waxaa dhacay 112 oo haa ah iyo 80 maya ah.

intaas ka dib Madaxweyne Xasan Waxaa uu soo magacaabey Ra’iisul Wasaare aan ku cusbeyn shaqada lagu xusuusto xiliyadii 2009 iyo 2010 ee dowladii ku meel gaarka aheyd, aaminsana inaan Soomaaliya waxba laga qaban karin.

Isla markiiba Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Waxaa soo magacaabey Gole Wasiiro ah oo aan yareyn oo dabeecad ka dhigtey shirar khamiis leh oo aan wax danta dalka ku jira loogaba arinsanayaan, iyadoo la og yahay ay sugan tahay Jamhuuriyada Soomaalida dhan walba.

Waxaa dadka Soomaaliyeed ee marwalba ay dhegeystaan ama ay akhristaan war-saxaafadeed ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadley tusaale, isbedel ka cimilada aduunka, maalita cayayaanka, duufaanta ILNINO, shaciga iskaashatooyinka, Iran oo xiriirka loo jarey, Sweden oo lagu eedeyey in ay sucuudiga ka gardaran tahay, Russia oo Ukraine ku xadgudubtey, AMISOM in wakhtiga loo kordhiyo, dhiirigelinta federal, kala goynta gobalada, soo.celinta qaxootiga nabad la’aanta dalka uga cararey, cambaareyn qarax dhacay iyo kaalmo weydiisasho dowlado shisheeye.

Iyadoo la og yahay inuu wakhtigu uu dhamaad yahay lana qabtey shirir badan oo loogu magacdarey Shirarka wada tashiga ayaahama Soomaaliya oo lagu lafo gurayey qaabkii loo wajihi lahaa doorashooyinka dalka ee Heer baarlamaan iyo Heer Madaxweyne ee ku beegan August ilaa September 2016, xukuumadu baarlamaan waxay u gudbisey wixii ka soo baxay shirar wadatashiga si loo shaciyeeyo nuxurkii ama mirihii ka soo baxay madasha hogaamiyasha federalka.

Inkastoo lagu kalsoonaan waayey baarlamaanka wakhtigiisu sii dhamaanayo, ayaa madaxweyne xasan wuxuu soo saarey warqad heer madaxweyne oo uu ku meel marinayo go’aankii hogaamiyaasha federalka oo uu isaguna ka mid yahay, taasi oo dad badan ka yaabisey qaabka loo dhigey ama wadada loo marey aayaha dalka.

Iyadoo dadka Soomaaliyeed ay og yihiin balan qaad kii Madaxweyne Xasan Sheekh ee lixdii tiir iyo xaalkooda meesha uu maray ama uu marayo, hadana waxaa soo baxdey in Mudane Xasan Sheekh Maxmuud uu yahay Musharax Madaxweynaha Dalka Markale, uuna la hor imaan doono Baarlamaanka cusub hortiisa lix tiir oo kale kana duwan kuwii hore September 2016 ilaa 2020.

W/Q. Maxamed Cali Axmed

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top