Home / Faalooyin / Marwadii i fur ku dhahdaa sidan baa loo farsameeyaa. Qormo!!

Marwadii i fur ku dhahdaa sidan baa loo farsameeyaa. Qormo!!

Wey jeceshahay ninkeeda balse hal maalin uma aysan muujin waxa uu ahaa nin dadaal badan shaqeeya xaaskiisana ku faraxsan una roon ayada iyo qoyskeeda.

waxaa ay is qabeen 3 sano balse caruur iskuma dhalin waxa ay ku wareerisay i fur marka uu baxayo waxay tiraahdaa i fur marka uu soo galaayana waxa ay tiraahdaa i fur waxaana lagu noolyahay qurbe.

Malintii dambe wuu carooday waxa uu xaaskiisa u sheegay in uu u tagayo gudiga islaamka ah ee ka jira magaalada ay deganyihiin uuna uga soo qaadayo warqada furiinka ayadoo is giijineysa ayay ku tiri waa yahay.

Waxaa uu kor fariistay computer waxa uu warqad ku qoray Macaanto waan ku jeclahay waliba si xad dhaaf ah adigana waad i jeceshahay waliba si xad dhaaf ah ee fadlan aan wada noolaano mana rabo in aan ku furo oo la noolaashahaaga ayaa farxad aniga ii ah danbana i fur ha i dhihin warqadii ayuu soo laa laabay kuna soo riday baqshad waxa uuna tiimbare ka soo saaray gudiga islaamka ee dadka isku mehriya kalana fura.

Isagoo warqada una matalayo in ay tahay warqad furiin ayaa waxa uu soo yeeriyay gambaleelka guriga islamarkii xaaskiisa ayaa ku tiri aaway warqada furiinka farta ayuuna ka saaray baqshadi ay ku jirtay warqada.

Runtii wey jecleyd ninkeeda warqadii ma aysan furin waxa ay bilowday in ay ilmeyso ayadoo qeylineysa oo ilmeyneysa ayaa waxa ay lee dahay Aniga maxaa ii furtay aniga waan ku jeclahay aniga dhib ayay iga eheed in aad i furto marabo waan ku baryaa ka laabo go’aankaaga.

Ninkeeda isagoo muujinaya indha adeeg ayaa waxa uu lee yahay ha i taaban aniga markaan ajnabi ayaan kala nahay i fur ayaad igu wareerisay warqadaas aqriso ayadana ma rabto in ay warqada aqriso.

Laba Habeen iyo laba maalin ayaa waxaa la kala seexday fadhiga iyo jiifka wali waa ay walwalsan tahay ilintuna wey ka soctaa maalintii dambe ayaa waxay ku tiri fadlan culimada weydii qofka hadii warqad lagu furo oo uusan aqrin ma furmaa ? Qiil un noo raadi aan ku wada noolaano!.

Waxa uu ugu jawaabay waan soo weydiinaa waana kusoo wacayaa warqadii lama furin maalmo badan meel ayay iska tuurantahay ayada malintii oo dhan waxa ay fiirineysaa telfoonka oo waxa ay is leedahay muu kusoo waco ugu danbeynti guriga ayuu yimid albaabka mar ay ka furtay ayay la soo booday masoo aragtay culimadi ? Waxa uu ugu jawaabay maya waan waayay ee walaaley ha i kurbeen warqada aqriso.

Ayada waxa ay tiri maya ma aqrinaayo waa ay naxsaneed waxa ay ka walwalsaneed qoyskooda oo quruxda badnaa in uu sahal ku burburayo.

Markii danbe ayaa waxa uu yiri walaashey fiiri warqada anba markaan soo qorayay ma lahayn maskax joogta waxaa laga yaaba in aan hal dalaaqo ku qoray marka rajactu ayaa noo furan ayadoo ordeysa ayay furtay warqada oo maxaaba ku qoran.

“Macaanto waan ku jeclahay waliba si xad dhaaf ah adigana waad i jeceshahay waliba si xad dhaaf ah ee fadlan aan wada noolaano mana rabo in aan ku furo oo la noolaashahaaga ayaa farxad aniga ii ah danbana i fur ha i dhihin”

Ayadoo qosleysa oo faraxsan ayaa waxa ay hab siisay seygeeda maalintaas ayuu ahaa maalinti ugu dambeysay oo ay dhahdo i fur hadana waa qoys uu ilaahey barwaaqeeyay dhismaha qoyska waxa uu ku wanaagsanyahay labada dhinac.

WQ Sharmake Abukar Amin.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top