Home / Somali News / Sacuudiga oo ku xukumay dil 15 Shiica ah

Sacuudiga oo ku xukumay dil 15 Shiica ah

Maxkamad Sacuudi Carabiya ayaa ku xukuntay 15 qof dil iyadoo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Iran.

Waxay ka tirsanaayeen 32 qof oo 30 ay tahay Shiicada Sacuudiga, hal reer Iran iyo qof reer Afghanistan oo dacwad lagu qaaday bishii Febraayo.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay qiuyaamo qaran , iyagoo qabanqaabiyay basaasnimo ay la shaqaynayaan sirdoonka Iran, ayna u gudbinayaan xogta goobaha milatariga.

Xiisada u dhaxaysa Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaa sii korortay sanadkii hore.

Sacuudi Carabiya ayaa u goysay xiriirkii diblomaasi ee ay la lahayd Iran bishii Janaayo, kadib markii ay weerareen safaaradii Sacuudiga ee Iran dad ka mudaaharaadayay dilka sheikh Shiicada Sacuudiga ee Nimr al-Nimr iyo saddex kale oo Shiica ah.

Msuuliyiinta Sacuudiga ayaa ku adkaystay sheikh Nimr in lagu helay danbi argagixiso, laakiin hogaamiyaha sare ee Iran ayaa sheegay in loo dilay dhaleecayntiisa boqortooyada Sacuudiga ee Suniga ah.

Waddamada gobolka ayaa sidoo kale kala taageeray labada dhinac.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top