Home / Somali News / Ciidamo ka tirsan Puntland oo Maanta la wareegay Bangiga Waqooyiga Gaalkacyo

Ciidamo ka tirsan Puntland oo Maanta la wareegay Bangiga Waqooyiga Gaalkacyo

Gaalkacyo–KNN–Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Ciidamo aad u Hubeysan ay la wareegeen Xarunta Bankiga dhexe ee Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland.

Ciidamada oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa Guud ahaan joojiyay Shaqadii ka socotay Bankiga Magaalada Gaalkacyo ,waxaana la sheegay in ay ka Cabanayaan Mushaar la’aan.

Todobaadkii hore ayaa sidaan oo kale Ciidan Gadoodsan oo ka Cabanaya Mushaar la’aan ay la wareegeen Banikiga Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Gobolka Mudug Ee Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa wada-dadaalo Ciidanka looga saarayo bankiga ay qabsadeen,waxaana Magaalada gaar ahaan Agagaarka uu ku yaallo bankiga ka jirta Xiisad.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top